SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiimaynta tayada, god-daloolooyinka, caqabada iyo fursadaha shaqsiyadeed (SWOT Analysis)

Aqoonyahanno, khubaro iyo xeeldheerayaal gacansi ayaa isla qiray faaiidooyinka ay leedaahay qiimaynta tayada, god-daloolooyinka, caqabada iyo fursadaha ee shirkadaha ganacsi iyo ururada. Tani waxay ogolaataa in lasii xoojiyo tayooyinka, dib u dhis iyo kabid lagu sameeyo god-daloolooyinka jira, fursadaha oo laga faa'iidaysto iyo caqabada oo laga feejignaado loona tabaabushaysto sidii loo wajihi lahaa guulna loogasoo hoyn lahaa.

Si taa la mid ah, inaad qiimayso awoodahaaga, baadho god-daloolooyinka iyo halka aad u nugushahay, si fiican uga bogato fursadaha kuu banaan ee ay tahay in aad ka faiidaysato iyo ogaanshaha caqabadaha kusoo wajahi kara waxay guul mug weyn oo aad mahadiso u horseedi kartaa naftaada.

Si aad u qiimayso 4ta shay (Awoodaha, God-daloolada, fursadaha iyo caqabadaha) waa lama huraan in aad ka daacad noqoto jawaabta weydiin walba oo qayb ka ah qiimaynta si aad u hesho natiijo wax ku ool ah oo ku anfacda.

Awoodaha iyo God-dalooliynku waxaad ka qiimaynaysaa naftaada oo waa arimo adiga kuu khaas ah, halka Fursadaha iyo caqabadaha ay yihiin wax ka baxsan awoodaada oo ay tahay in aad u ildheeraato una dhug lahaato.

1. Awoodahaaga / Tayooyinka

Si aad u ogaato halka aad u xoogan tahay iyo tayooyinka gaarka ee aad hantiday Allah-na SW kuu hadyeeyey, si daacad ah uga jawaab weydiimahan

  • Adigu maxaad ku fiican tahay?
  • Xirfadehee ku fiican tahay si aad ugu horumarto?
  • Ma jirtaa Xirfad si gaar ah laguugu amaano?
  • Maxay yihiin Hibooyinka iyo tayada aad la dhalatay?
  • Waa sideed awoodaada isku xidh?
  • Waa maxay dhaqamada iyo dabeecadaha aad asaagaa kaga duwan tahay?
  • Ma jirtaa awood aad leedahay oo kaa dahsoon adiga?
  • Maxay dadka kale ka aaminsan yihiin tayada aad leedahay?

2. God-daloolada / Dhaliilahaaga

Waa wax dabiici ah in qof waliba leeyahay iin iyo god-daloolo. Qof waliba meel ayuu u nugul yahay. Baro god-dalooladaada si aad u xoojiso uguna biiriso awoodahaaga. Si aad taa u gaadho ka jawaab waydiimahan

  • Maxaad ka cabsataa in aad qabato ama samaysid?
  • Halkay tahay in aad naftaada ka horumarisid?
  • Maxay dadka kale kugu dhaliilaan?
  • Waa maxay dhaqamada iyo dabeecadaha taban/gurran ee aad leedahay?
  • Halkeed u baahan tahay in aad aqoontaada iyo waxbarashadaada ka kabto?
  • Waa kuwee xirfadaha daruuriga ah ee aanad ku fiicnayn?
  • Ma jiraan dhaliilo qarsoon o ayn tahay inaad ogaato? Ka feker oo qor?

3. Fursadaha

In aad ka faa'iidaysato fursadaha iyo jaaniyada kusoo marom waa marin saxan oo kugu hagaya guusha iyo libinta. Taa lidkeeda in aad ku fashilanto ka faa'iidaysiga fursaduhu waa hilinka guuldarada loo maro.

  • Dhaqaale intee le eg ayaad haysataa?
  • Ma jiraan dabeecado asxaabtaadu kugu taliso inaad yeelato?
  • Ma jiraan adeegyo ama arrimo kale oo asxaabtaadu kugu boorisu in aad samayso?
  • Ma jirtaa baahi loo qabo xirfad ama hibo gaar ah oo aad adigu leedahay?
  • Ma samaynaysaa koboc dhaqaale, ganacsi ama xirfadeed?
  • Ma jiraa hanaan Tiknoolaji cusub oo lagusoo kordhiyay shirkadaada?
  • Ma jiraan adeegyo ama arrimo kale oo asxaabtaadu kugu boorisu in aad samayso?Waa maxay is bedellada ugu waa weyn ee ka dhacaya saaxada ganacsiga?

4. Caqabadaha

Talaaba walba oo aad qaaddo waa lama huraan inaad wajahdo caqabad ay tahay in aad ka gudubto si aad u gaadho libinta aad higsanayso. In aad sii ogaato, hilaadiso siina odorosto caqabadaha kugu iman kara waxay kaa caawinaysaa in aad degto xeelad aad kaga gudubto si aad u liibaanto.

Si aad u ogaato caqabadaha kusoo wajihi kara jawaab sax ah u hel weydiimahan.

  • Ma jiraa is bedel ka dhacaya shirkadaada ?
  • Ma jiraa tartan xoogan oo ku lugleh xirfadaada, aqoontaada ama ganacsigaaga?
  • Miyay god-dalooladaadu kuu diidaysaa in aad la jaanqaado isbedelka ama horumarinta lagu sameeyey shirkadaada?
  • Waa maxay halista ugu weyn ee caqabad ku noqon karta in aad gaadho hadafkaaga?
  • Miyay jirtaa wax heer xirfadeed cusub ah oo aadan adigu lahayn?
  • Ma jirtaa wax Tiknoolaji, aqoon, xirfad ama shahaado ah oo aanad lahayn taasoo hor istaagi karta horumarkaaga?
  • Tax caqabad walba oo aad isleedahay way kaa hor imaan kartaa?

Waayahay. Kadib marka aad weydiimahaagi u heshay jawaab waafiya, waxaad u baahan tahay in aad samayso qiimayn guulaysata. Si aad u hesho natiijada aad doonayso wa in aad samaysaa isku aadin maangal ah. Is barbar dhig awoodahaaga iyo fursadaha macquulka ah si aad u qaado talaabo horumar oo guulaysata. God-daloolooyinka kuusoo baxay ku aaddi caqabadaha kaa hor imaan kara kadib qorshe u yagleel sidaad u xoojin lahayd god-daloolo waba xalna ugu heli lahayd caqabad walba.

Gunaanad: Qiiymayn iyo isbarbardhig guulaysta kadib, si aad u gaadho hadafka nololeed waa in aad qaaddaa talaabo horumar oo ka shidaal qaadanaysa natiijada kuusoo baxday. Kobci awoodahaaga oo daahfur awoodahaaga qarsoon. Xooji god-daloolada aad leedahay oo ku liiska tayooyinka aad caanka ku tahay. Fiiri fursadaha ay tahay in aad ka faa'daysato hana dayicin. Caqabad walba sii odoros kana baaraan deg xeeladdii aad kaga gudbi lahayd.

Allah Ayaa Mahadleh

Cadceed Cadeysey.

Cadeysey65@gmail.com

No comments:

Post a Comment