SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah: Salaadii aan kugu daba tukaday ansax may ahayn,waan soo celinayaa.

Iftiinkacusub.com: Makhluuq kasta oo uu Ilahay abuurtay isaga ayaa arsaaqa,ma naqaano ,mana garan karno ,habka iyo hanaanka uu wax u arsaaqo ,waa mid caqligeena iyo garaadkeenaba ka wayn,haddii aad isku mashquuliso in aad ogaato sida Ilahay makhluuqiisa u arsaaqo,adiga ayuubnaa dhoorku ku daalayaa.

Nin ka mida dadka hayn-toodu ay iska yarayd ama foqorada ahaa, dhanka dhaqaalaha,balse hadana qalbiga iyo niyadaba taajir ka ahaa,iimaankuna qanjaha joogay, ayaa waxa uu maalin maalmaha ka mida ku daba tukaday,nin Masaajid imaam ka ah.

Markii salaadi laga baxay,ayaa ninkii imaamka ahaa waxa uu su'aalay ninkii qaada-ma dhargaanka ahaa ee ku daba tukanaayay,su'aal ahayd "waar hee'dheh, halkee ayaad wax ka cuntaa?

Ninkii isagu iimaankiisu fiicnaa balse aan wax aduunyo ah aan lagu ogayn, ayaa waxa uu ku yidhi imaamkii Masaajidka ee su'asha waydiiyay,hadal ah" ii kaadi aan ku noqdo,salaadii aan kugu daba tukaday".

Ninkii imaamka ahaa oo yaaban ayaa waxa uu ku yidhi ninkii " oo anigu waxa aan ku waydiiyay halka aad ka hesho waxa aad quudatee ,maxaa keenay in aad saladii aad igu daba tukatay in aad ku noqoto ama aad soo celiso?

Ninkii iska faqiirka ahaa waxa uu ku jawaabay" ninka Ilahay SWT risiqiisa balaadhan ka shakiyaa,waxa kaloo uu ka shakakisan yahay jiritaankiisa iyo in uu awood u leeyahay in uu waxkasta arsaaqi karo, madamaa in uu Ilahay wax rasaaqo aad ka shakisan tahayna,saladaan kugu daba tukaday ,waan ku noqonayaa waanan soo celinayaa".

Xigmada meesha ku jirtaa waxa ay tahay ,noole kasta oo uu Ilahay abuuray isaga ayaa arsaaqa,haddii aad maanta u fiirsato shayga ugu yar ee uu Ilahay arsaaqo waxa laga yabaa in qaar ka mida aanay Indhaheenuba aanay qaban,kuna nool yihiin, badaha hoos tooda, ama Buuraha guntooda,hadana sidaasi oo ay tahay, Rabbi ayaa arsaaqa maalina ma qadaan .

Ilahay waxa aan ka baryaynaa in uu inagu arsaaqo mid xalaal ah oo badan isla markana barakaysan amiin dha'ha.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment