SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: Sadax caruura oo aan dhalay ayaan sadax xaladood kala kulmay.

Hooyooyinka caruurta dhalaa waa ay kala maskax badan yihiin, waanay kala fiira dheer yihiin,taasina inta badan kuma xidhna oo kaliya jacaylka caruurta ay Hooyadu u hayso, lakiin waxa ay ku xidhan tahay hadba inta ay ka fikirto sida ugu fiican in ay u koriso.

Hooyo dhashay caruur badan, ayaa waxa ay damacday in ay jirabto isla markaana ay ogaato bal midkastaaba waxa uu ku fiican yahay, iyo sida uu u fikiraayo,si ay taasi ugu kuur gasho ,ayay waxa ay maalin maalmaha ka mida ay u dirtay, sadax ka mida in ay Beeraha wax kasoo guraan.

Hoyadu caruurteeda midnaba uma sheegin waxa ay soo gurayaan waxa uu yahay ,iyo sababta looga baahan yahay,balse inta ay midkasta hal Kiish u dhiibtay ayay tidhi kasoo buuxi waxkasta oo aad is tidhaahdo waa loo baahan yahay,waxaanay u qabatay wakhti cayiman in ay hawshaasi kusoo dhameeyaan.

Sadaxdii caruurta ahaa,waxa uu midkastaaba qaatay Kiishkii loogu talagalay,waxa uu ku foofay dhinacii Beertu ay ka xigtay,midkastaabana waxa uu guda galay ,sidii uu hawsha looga baahan yahay uu u dhamays tiri lahaa.

Markii ay saacadii ka dhacday,ayay Hoyadii dhamaantood u yeedhay,waxa ay waydiisay in midkastaaba uu hawshii soo dhameeyay,dhamaan tood waxa ay yidhaahdeen,waanu soo dhamaynay Hooyo,iyada oo doonaysa ujeedadii ay ka lahayd in ay dareen siiso ayaa waxa ay sadaxdiiba ku xabistay/xidhay Qol Guriga ka mid ah.

Sadaxdii caruur ahaa waa ay yabeen,waxaanay u qaadan wayeen sababta ay Hoyadood maanta u xabistay iyaga oo aan wax danbiya samayn,isla markaana kasoo baxay hawshii ay u dirtay ee Beerta.

Sadaxdii caruur ahaa markii ay wakhti dheer ku jireen qolkii, hooyadiina ay u juuqi wayday,ayay gaajoodeen,midkastaaba waxa uu dib ugu noqday Kiishkii uu Beerta kala yimi,si uu wax uga cuno.

Mid kamida ayaa waxa uu lasoo baxay kiishkii uu Beerka kala yimi, waxaanu arkay in aanay ugu jirin wax uu cunaa ,waxa uu soo gurayna ay ahayeen oo kaliya caleemo iyo wax aan naf lahayn oo wax la cuni karaa aanu ku jirin,kadibna oohin ayuu qabsaday gaajo daraadeed.

Kii labaad ayaa waxa uu kiishkiisii ka helay waxogaa Khudrad ah oo aan sidaai u fiicnayn dhulkana uu ka ururiyay,dhamaantoodna wada qudhmay ama wada khaa'isay,kaasina waxooga yar markii uu afka saaray waa uu cuni kari waayay.

Kii sadaxaad ayaa waxa uu laso baxay kiish kiisii,kadibna waxa uu arkay in uu soo gurtay Khudrad noockasta leh,aad ayuu ugu farxay,waanu ka dhargay, kadibna walalahisii kale ayuu wax ka siiyay iyaga oo gaajo la bes'ah.

Hoyadii ayaa u timi sadaxdii caruur ahaa, markii ay albaabka ka furtay ayay dhamaantood ku wada yaceen,waxa ay kadibna waydiisay,bal wixii ay sameyeen iyo midkastaaba Kiishkii ay u dhiibtay wixii uu ku soo guray.

Waxa ay uga warameen dhamaantood midkastaaba wixii uu soo gurtay markii qolka lagu xidhay wixii uu kala kulmay kiishkiisa.

Hoyadii waxa ay caruurteedii ku tidhi,qofkasta oo idinka mida,waxa uu Aduunka tabcada ee khayr ah ayuunbuu aakhirana helaa,Aduunkana qofkasta sida uu wax u barto ayuunbuu hadhawna tacabkiisu noqdaa.

Waxaan Beerta idiinku diray ayay tidhi,in aad barataan sida waxa faa'idada leh loo tabcado,Aakhirana loo shaqaysto Aduunkana wax loo barto.

Iftiinkacusub.com

W/Q:Khadar Aar

No comments:

Post a Comment