SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso ku yaab galin doonta, Gabadh la magac baxday "Been'cago leh"

Ilahay ayaa mahad wayn iska leh,ammaan iyo sharafna waxa ay u ahaatay Nabigeenii suubanaa Muxamad SCWW,wanaag oo dhanna waxaa koobsaday intii raacday jidkisii toosnaa.

Sheekadan ama qisadan aan idiin soo gudbin doono, waa mid xaqiiq ah oo ka dhacday gayiga ay Somalidu ay tegto mid ka mida,waana qisso iyo sheeko hadaad si gundheer u akhrido isla markaana aad fahamto ujeedkeeda ay kusoo bixi karto xumaanta iyo foolxumada ay leedahay beenta iyo isku dirta layska horkeeno dadka saxiibka ah ama qoysaska iyagu is'qaba.

Sida aan horaba idiinku sheegay waxaa magaalo ka mida magalooyinka Somalidu degto joogtay ama kaba mid ahayd dadka deggan gabadh ama haweenay Somaliyeed oo markaasi magaceeda aynaan halkan ku sheegeynin,balse naanaystu ugu baxday isku dirka iyo u kala sheekaynta qoysaska kalgacalku ka dhaxeeyo ,kadibna loogu magac daray magaca layidhaa Been cago leh).

Hadaba magacaasi aynu kor kusoo sheegnay waxa aynu odhan karaa waxaa loola jeedahay kadib markii ay ku suntanaatay ama ay bartilmaameed u noqotay iska horkeenka dadka walaalaha ah.

Hadaba gabadhaasi la magacbaxday Been cagoleh,ma aysan ahayn mid ka xishoota ama marnaba ka joogsata shaqadaa ay hayso ee iska horkeenka bulshada iyo in ay markasta dab dhex dhigto cid kasta oo wadajirta.

Waxaa dhacday in gabadhaasi iyada ahi maalin maalmaha ka mida ayaa waxa ay u tagtay sidii caadada u ahayd gabadh markaasi marwo ah oo gurigeeda joogta,taasi oo aanay jirin haba yaraate wax shiddo ama dhibaato ah oo markaasi gurigeeda ka oogani ama kaba jiraaba,waana reer caruur iyo ciroole caano iyo nabad kusoo wada toosay.

Gabadhii iyada ahayd ee Been cagoleh,markii ay gurigii tagtay isla markaana albaabkaba laga furay ,ayaa waxa ay labada indhood ku dhufatay(aragtay) marwadii guriga lahayd oo markaasi wajigu bararsan yahay,isla markaana uu ka qaniinay bahalka yar ee loo yaqaano Xoonka,sida aan anigu u aqaano ,kaasi oo leh qaniinyada shinida mid ka xanuun kulul.

Xoonku waa maxay? Sidiisaba Xoonku waxa uu la itaal yahay Shinida ,waxa uu ku dhashaa inta badan guryaha gaar ahaan waxa uu galaa amma uu aqal yar ka samaystaa angalada ama godadka yaryar ee gurigu leeyahay,waxaanu caan ku yahay in uu qaniiyo kulul u gaysto cidda oo markaasi isleeyahay way ku daandaansanaysaa.

Hadaba Been'cagoleh,markii ay aragtay marwadii guriga oo markaasi wajiga ama ishu bararsan tahay,ayaa waxa ay ku tidhi iyada oo aan hadal ka sugin "naa hoogto maxaa kugu dhacay ma kii baasaa ayaa ku dilay oo sidan kuu galay "(kii baasaaa)kasoo ay ula jeedo ninkii guriga lahaa ama xaajigeedii , gabadhii oo yaaban isla markaana fahmi wayday meesha ay Been'cagoleh ka bilawday hadalka ,ayaa waxa ay ugu jawaabtay"bisinka naa annagu ma lihin wax isdila iyo wax isdooxa toona,balse Ishan waxa iga qaniinay bahalkan yar ee Guruigayaga ku jira ee la yidhaa Xoonka".

Been'cagoleh intay sacabada isku dhufatay kutee"siddi qabax khadiija warsame" iyada oo markaasi heshay fursan iyo jaanis ay in badan ku raadinaysay sidii ay reerkan isaga horkeeni lahayd ,ayaa waxa ay marwadii marlabaad ku celisay hadal ah"waligaaba waxjira ayaad qarisaa balse maanta ayuunbay cadaatay in uu ku dilay inkaar-qabajii"kaasi oo ay ula jeedo ninkii guriga lahaa oo lagu yaqaanay dhaqan wanaag.

Been'cagoleh si ay hawsheedaa ama shaqadii lagu yaqaanay u hirgaliso,waxa ay markiiba ku laabatay suuqa,waxa ay meel waddo ah kula kulan tay caruurtii ay dhashay gabadhii marwada ahayd ee ay hada kasoo laabatay,kuwaasi oo markaasi ahaa kuwo roonroon ama la odhan karo waa gashaan qaad kana yimi iskuulka.

Hadaba Been'cagoleh markii ay caruuntii la kulan tahay,waxa ay u muujisay dabacsanaan iyo Ilmo iska tir,waxaanay ku tiraabtay hadalkeedii oohintu wehelinaysay"Alla maantaan iska ba'ay miyaydaan ogayn in uu Abihiin dilay hooyadiin ,isla markaana Hooyadiin uu wajigu bararsan yahay siduu u garaacaayey!!!",waxa ay u raacisay hadal ah"xaataa hadaad tidhaahdaan hooyo yaa ku dilay, waxa ay idiinku jawaabaysaa Xoon ama Shinni ayaa i qaniintay.

Caruur loo sheegay in hoyadood la dilay maxaad ka filaysaa? hareerahaba may eegine waxa ay ku baratameen orodka,kadibna sidii ay isu sii baacsanayeen ayay turaanturo iyo hiinraag waxa ay ku garaceen albaabkii gurigooda,waxa si kadis ah uga furtay albaabka hooyadood ,iyada oo la yaaban dhaqankan aanay caruurteeda ku aqoon ayaa waxa ay ku tidhi "hooyo maxaa idin helay maanta, waa maxay waxan oo orad iyo daal ahi".

Caruurtii ilayan waa kuwo shaydaamadi ay soo afooftee waxa ay markiiba indhaha galka uga sareen sidii ay u arki lahayeen dhawaca uu Abahood hooyadood u gaystay,markii laga bogtay bararka wajigeeda saarana hadba dhan looga wareegay, la xaqiiqsadayna in dhawaacan islaanta ka muuqda uu odaygu gaystay ,ayaa iyada oo aan dhinacna la eegin jaanta la miciinsaday ,iyada oo la bartilmaameed sanaayo goobta uu joogo ama ay ka heli karaan abahood si ay uga aargudan dhibta ay markasi u arkayeen iyagu in uu hooyadood u gaystay.

Sidii uu midiba kan kala u garab cararaayey isla markaana aanay jirin talo iyo go'aan midaysan oo ay ka gaadheen waxa ay ku samayn lahayeen Abahood,ayaa waxaa uu si kadiso ah kula kulmay meel aan gurigaba ka dheerayn, ku orde sidii caadada u ahayd ,balse markan way ka duwan tahay sidii hore,midkastaaba waxa uu sitaa hoostana ku haystaa dhagxaan iyo budad,cadhada iyo ciilka haya maaha mid la qiyaasi karo, halmar ayaa odaygii lagu boobay shiidka,dhagaxa,budka intaasi oo dhan waxaa dheer cayda iyo aflagadada ay abahood ku leeyhiin ee aanay hore u aqanoonin.

Abihii fajaciso iyo yaab ayaa kusoo xaadiray,waxa uu garan waayey waxa maanta caruurtisii ka horkeenay isla markaana ay u shiidayaan ,waxa uu waayey jaanis iyo fursad uu ku waydiiyo waxa dhacay,talo waxa ay ka noqotay in uu marba kii dhagax soo tuura in uu iska qabto,aakhirkiina sidii loo caydhsanaayey ayaa gurigii lagu soo galiyey.

Hooyadii guriga oo horaba ula yabanayd dhaqankan cusub ee ay maanta caruurteedu lasoo baxeen ,ayaa waxa ay markaliya albaabka ka furtay Caruurteedii oo caydhsanaysa abahood ,dhagaxana hadhka kaga dhigay, dhawr dakharna ay ka muuqdan wajigiisa.

Hadana guriga gudahiisii ayaa mashaqadii kasii socotay,caruurtiina maba aha kuwo wax dhagaysanaaya ilayn shaydaan ayaa talo khaldan siiyee.Hadaba mardanbe oo cidkastaaba gurigii ay goonideeda u daashay,dadkii jaarka ahaana ay ka yaaban yihiin waxa maanta gurigii ka dhacay ayaa si degan wax laysu waydiiyey.

Hadal iyo dhamaan waxa la ogaaday dhibta iyo mushkiladu halka ay ka timi,caruurtii waxa ay sheegeen cida ka danbaysay in ay dhibtan Abahood u gaystaan,hooyadii waxa ay caruurteedii u sheegtay in nabarkan isha kaga yaala ee bararsani uu yahay mid uu ka qaniinay bahalkan yar ee guriga ku jiraa balse aanu abahood waxba u gaysan ,balse caruurtii qaarkamidii waxa aad moodaa in aanay wali u dhaadhac sanayn hadalka ay hooyadood u sheegayso ,sababta oo ah?waxa ay markasta xasuusanayaan hadalkii shaydaamad Been'cagole ee ahaa (waxa ay idin odhan doontaa Shinni ama Xoon ayaa iga qaniinay,iyada oo qarinaysa dilka Abihiin".

Guntii iyo gaba-gabadii, waxa aynu sheekadan ka fahmi karnaa Beenta oo si cilmiyaysan loo adeegsadaa in ay burburin karto reeraha iyo qoysaska isjecel,taasi oo ah mid maanta inagu badan.

Waxa aan naftiina iyo taydaba ku waanin lahaa in la iska ilaaliyo lagana taxadaro waxa loo yaqaano beenta iyo isku dirka taasi oo ay Diinteenuna ay inoo diiday.

Waxa sheekadan iiga sheekaysay Rooda Cusmaan.

Waxa qoray:Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment