SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xaaskaygu intaan Shanlada ugu maqnaa ayay Timahii gaabsatay!!

Mr. Xoogsade waa nin Xamaali ah oo Subax kaste u xoogsi taga Suuqa. Isaga iyo Xaaskiisa Raaliyo waxay ku noolyihin nolol hoose, waxayna Noloshooda ku Maareeyaan Shilimaadka yar ee uu Maalinkaas Xamaaliga kasoo helo.

Subax ka mid ah subxaha ayaa isaga oo kasii tallaabaya iridka Guriga ayay xaaskiisu ku tiri: Gacaliye waxaan ubaahanahay Shanle aan Timaha ku hagaajisto, ee fadlan Galabta horay iigusoo iibi markaad Suuqa kasoo rawaxeyso.

Wuxuu ku eegay il murugeysan, wuxuuna ku yiri: Gacaliso Shalayto Saacaddeyda waxaa ka go'ay Garka, waana heli waayay Lacag aan ku sameesto, waxaana ka baqanaya inaan heli waayo Lacag aan Shanle kuugusoo iibiyo, balse waxba nagama hallaabayaan Insha Allah. Kadibna wuxuu ku baxay iridka.

Galabkii markuu kasoo rawaxayay Suuqa ayuu Saacaddiisii ku iibiyay Lacag yar, wuxuuna kusoo gaday Shanlihii ay ka dalbatay marwadiisa Raaliyo.

Isaga oo Shanlihii Gacanta ku wada ayuuna kasoo galay Guriga, waxaysa Ishiisu qabatay Raaliyo oo Timihii gaabsatay. Midba kan kale ayuu il-naxariis leh ku eegay isaga oo ilmeynaya, kama ooyin Nolasha adag oo ay ku jiraan, balse waxaa ka oohiyay Wanaagga ka dhexeeya iyo sida uu mid waliba uga shaqeynayo Rabitaanka kan kale.

Si loo helo Lammaane Farxad ku wada Nool, qasab ma aha in ay heystaan Lacag iyo Daaro dhaadheer; Kaliya waxay u baahantahay Lammaane fahamsan micnaha Nolosha, kuna wada jooga Is-faham, Is-ixtiraam, Tanaazul iyo Samir badan.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Hussain Sabrie

No comments:

Post a Comment