SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Jinigu/Jinku in uu galikaro jidhka Bini’Aadamka ma xaqiiq jirtaa misse?


Dad badan oo Muslimiin ahi maanta waxa ay rumaysan yihiin in Jinigu/Jinku uu galo Dadka Jidhkiisi,shaqo iyo hawlna uu ka qabsan karo Jidhka gudahiisa
,isaga oo raacaaya Xididada Dhiiga qaada. Maskaxda dad badan oo muslimiin ah ayaa waxaasi aaminsan: Sidaa waxaa yidhi Caalimka wayn ee Reer Masar Khaalid Al-Kurdi.

Khalid Al-Kurdi iyo culumo kale oo Muslimiina ayaa jira oo iyagu  aaminsan in Jinku aanu wax awooda ku lahayn in si dhaqdhaaqleh uu u gali karo jidhka Bini-Aadmiga gudahiisa isaga oo halkaasi ka hagaaya kan maamulaaya.

Sida culumo badan oo Muslimiinii ay aamin sanyihiin ,in Jinku galo isla markaana uu maamushi Jidhka Bini-aadmiga, dhaqankiisa,ficiladiisa iyo dabeecadahiisana uu halkaasi ka xakameeyo,ayaa waxa ay tahay fikir iminka ay kasoo horjeedaan Culumo badan oo Muslimiin ah .

Waxaa iyaguna jira sheekooyin been abuura oo ku saabsan Guur iyo xidhiidh dhexmaray qoys Insi ah iyo Reer Jin,Sheekooyinka guurka ee sidan oo kale ah inta badan waxa ay ku salaysan yihiin kutidhi-ku teen aan melena asal ku lahayn.

Sheekh Muxamad al-Ghazali, Allah ha u naxariistee, wuxuu lahaa fikrad faahfaahsan oo ku saabsan arrintan Jinka isaga oo diidanaa in Jinku u ugali karo Jasadka ama Xididada qofka Insiga ah.

Al-Ghazali waxa uu aaminsanaa fikrada odhanaysa: Qur'aanka Kariimkii wuxuu sharraxaad ka bixiyey macnaha kalmada Quraanka ku jirta ee ah “ Shaydaanku cadaw ayuu idiinyahee cadaw ka dhigta””, wuxuuna muujiyey Sheekhu in cadawga la sheegayaa uu yahay Khiyanada iyo dhagarta Waswaaska ee maskaxdeena ku sameeyo, laakiinse Shaydaanku awood uma laha  caqabad xagga jidhka ah oo uu kaaga horjoogsado xataa tegitaanka Masjidka xiliga Salaada ama uu kaa dhigo sidii wax Sikhraasan oo kale.

Sheekh Al-Ghazali  waxa uu rumaysan yahay in arimahan sidan oo kala ah ay rumaysan yihiin Badanaa Diimaha oo dhami ,taas awadeedna ay tahay arimo Khuraafaad iyo mala’awaal ku dhisan ;Sumcadda diintuna sidan hadii la rumaysto waxa dhici karta in ay wax badan oo dhinaca Caqiidada ahi ay inaga xumadaan.

Sidaa darteed waxaa waajib inagu ah  in aynu raadino Cudurada iyo Xanuunada ka imankara Dabeecadaha iyo xaaladaha aynu ku jirno waxyaabaha ay keeni karaan,hadii Daalka iyo caajiska mararka qaar Jidhkeena ku jira aynu  u qoonsano  in shaydaanka ama Jinku uu keenay taasi waxa ay inagu keeni kartaa in masuuliyad badan oo ina saran aynu ka cararayno,dabecadii iyo cadooyinka nooluhu u noolaana aynu ku boqrayno Jin iyo shaydaan in ay awood la taaban karo ku leeyhiin xanuunada Jidhkeena ku dhaca.

Waxaa jira dadka qaar xaqiiqsada in ay dhici karto in Jinnigu uu ku noolaan karo sida Cayayaanka Bakteeriyada jidhka bini-aadamka isla markaana uu xukumayo, hagaayo dhaqankiisa, xakameynayo dareenkiisa iyo shucuurtiisa mararka qaarna uu kaba dhex hadli karo isaga oo Haween ah ama isaga oo Nin ah.

Waxa aynu odhan karnaa Xadiiska Nabiga CSW in Shaydaanku/Jinku ku socdo dhiiga Ibnu-Adamka, ee laga soo wareyey
Safiya bintu Xuyay bintu Akhdab ,kaasi oo tilmaamyey si guud in nabiga oo la taagan goor habeenimo ah Xaaskiisii Safiya in  ay soo mareen laba saxaabi,kadibna aragti ka bacdi ay damceen in ay hore u dhafan,balse nabigu uu hakiyey lana hadlay isaga ku leh “”Waar hada tani waa Safiya”” taasi oo uu diidaayey in ay faham khaldan ka qaataan gabadhan uu la taagan yahay cida ay tahay ayaa waxa lagasoo wariyey in uu ku yidhi labadii saxaabi “”Shaydaanku waxa uu socodaa/maraa halka dhiiggu maro   sidaa awadeed waxa aan ka baqay  in uu qalbigiina ku tuuro xumaan””.

Sharaxaada Xadiiskaasi ayaa waxa aynu ka fahmaynaa in Rasuulku doonayo inuu ka hortago in Shaydaanku ku tuuri qalbiyada labadaasi nin xumaan ay u arkaan in nabigu wax shukaansanaayey, kadibna ay hadhaw buunbuuniyaan wixii ay soo arkeen .

Culimo badan oo Muslimiina ayaa waxa ay aamin san yihiin in hadalka ah “ shaydaanku waxa uu dhex socdaa Xididada Dhiiga” culimo badan iyo dad badan oo aqoon yahan ah ayaa waxa ay rumaysan yihiin in taasi ay la macna tahay,sidii Nin ama Gabadh aad ku tidhaahdi Xididada Dhiigayga ayaa dhex qaadaysaa jacaylka aan kuu qabo balse aanay ahayn in Jinku xididada sida cayayaanka u dhex qaado.

Anigu ma jecli in aan wax badan halkan kaga hadlo isku daawaynta cudurada ka yimaada waxa loo yaqaano Jinka iyo shaydaanka xiddada Jidhkeena dhex mushaaxa sida ay ku doodayaan wadaado badan,balse waxa ay iswaydiintu tahay Quraanka iyo qaabka laysugu daweeyaa ma yahay kan aynu iminka aragno ee badankiisu Falsafada iyo shaqo raadinta ku socda,maxaase ka jira eryada Wadaad Soomaligu inta badan ay isticmalaan marka ay qof Jin ka saranaay,sida Faryarada ka bax iwm,waxaan rajaynayaa in qoraal aad u faahfaahsan aan arimahan kasoo diyaarin doono hadii Ilhay Yidhaahdo.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar
France Paris.


No comments:

Post a Comment