SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xadiiskii Nabiga CSW ee Somalida sheegay.

Bismillah, dabcan waxaynu walaalayaal maqalnay xadiisyo badan oo ka warramay islaamnimada Jaziirada Carbeed, dhulka Shaam iyo dhulka Faarisiyiinta ama Roomaanka. Laakiin anigu shakhsi ahaan ismaan lahayn waxa jira xadiis tilmaamaya deegaanada Soomalidu maanta ay degto ee geeska Afrika in nabigeena xabiibka ah ee Muxamed uu ka warramay, uuna ku bishaareeyey in wadamadaasi ay soo galayaan diinta xaqa ah ee Islaamka.

Walaalayaal xadiis cajiib ah ayaan ku arkay kutubta sunanaka, gaar ahaan kitaabka sunanka Nisaa’i Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu xadiskaasi ka warramayaa in dhulka Shaam iyo dhulka Faarisiyiintu ay soo gali doonaan gacanta Islaamka, sidoo kalena wuxuu tilmaamayaa in dadka u nool geeska Afrika ee magaalooyinka Xabashida iyo magaalooyinka hareeraheeda ah ay ayaguna soo islaamayaa, walibana ay ku islaamayaan qaab silmi ah oo dacwadu ay soo gaadhi doonto.

Walaalayaal xadiiskaas markaan akhriyey waan qiirooday, sidoo kalena farxad iyo rayn rayn hor leh ayey igu abuurtay, anigoo dib u xasuustay awoowayaasheen ina soo gaadhsiiyey diinta Islaamka inay qabteen shaqo aad u wayn, oo ay inaga mudanyihiin inaynu u ducayno oo walibana taariikhdoodana xusno.

Walaalayaal, intaananan xadiiska marka hore aanan idiin soo bandhigin, aan dib u xasuusano hordhaca xadiiska oo ka warramaya xilligii dagaalkii Axzaab ama loo yaqaano Khandaqa. Walaalayaal, waxaynu ognahay in sanadkii shanaad ay duulaankaasi uu dhacay, ayadoo gaaladii reer Qureesheed oo ka koobnaa Afar kun oo ciidan ay soo weerareen magaalada caasimada Islaamka ee Madiina iyo sidoo kale Lix kun oo ka socday carabtii reer bani Qadafaan oo ayaguna weerarka barbarkooda kasoo duulayey.

Nabigu markuu maqlay dhaqdhaqaaqa carabtaas ka helay gaashaan iyo dhiirigalin Yahuuda ayuu bilaabay inuu difaaco Madiina, wuxuu qoday god way oo dhererkiisu lagu qiyaasu inuu ahaa celcelis ahaan 2,5 km, ballaciisuna ahaa 4 mitir iyo guntiisa oo ahayd 3 mitir.

Maalintaas dhib badan ayaa soo gaadhay saxaabada Rasuulka ayagoo la kulmay shaqo culus iyo duruufo ku geedaaman, waxa jirtay dabaylo ba’an o dhaxan qabow wadata, waxa u raacayey gaajo dabo dheeraatay iyo harraad. Maalintaas gaajadii waxay keentay in saxaabadu ay caloosha dhagxaan ay ku xidhaan halka nabiga xabiibka Muxamedna uu ku sitay caloosha laba dhagax.


Kadib markii ay baahidii badatay ayaa saxaabiga Jaabir ibnu Cabdilaahi ayaa nabiga ku marti qaaday inuu gawracay waxaryar iyo inuu samaynayo waxooga qamandiya, hase ahaatee nabigu wuxuu u dhawaaqay saxaabadiisii muhaajiriintii iyo ansaartiiba, wuxuna dhahay: walaalkeen Jaabir ayaa cunto inoo sameeyey.

Jaabir iyo xaaskiisii oo yaaban ayaa hadana mucjiso dhacday, waxa Ilaahay barakeeyey cuntadii oo waxay ku filnaatay dhamaan saxaabadii Rasuulka , ayagoo goobtaas ka dareeray ayadoo ninkastaaba dhargay oo uu Ilaahay mahadinayo.

Hadaba godku maadaama uu dheeraa, waqti yarna la haysto waxa so baxayey marba dhagax wayn oo cidina loodin karaynin, kadibna dhagxaas ayaa loogu yeedhaa nabiga oo isaga ayaa mandaraqa ama sabarada intuu qaado ku dhufanayey kadibna dhagaxu wuu kala dillaacayey isagoo burburaya.

Dabadeedna dhagax kamid ah dhagxaantaas ayaa loogu yeedhay nabiga kadibna godkii ayuu galay isagoo wata sabaradii, wuxuuna go’iisii dhigay godkii dhinaciisa, kolkaasna wuxuu sare u qaaday sabaradiii oo wuxuu dhagaxii u kala badhmay sadex qaybood, qaybtii koowaad kolkuu ku dhuftay ayaa waxa hillaacay hillaac ay saxaabadu arkeen, hadana kii labaad ayuu ku dhuftay, sidii oo kale ayaa hillaacii nuuray, kii sadexaadna hilaacii ayaa kasoo booday.

Kolkuu nabigu burburiyey dhagaxii ayaa Salmaan Alfaarisi (I.R.H) ayaa nabiga ku dhahay: Rasuulkii Ilaahayow, kolkasta ood sabarada ku dhufato dhagaxa waxa kasoo boodayey hillaac ee muxuu ahaa hillaacaasi? Nabigu wuxuu yidhi: Oo miyaad aragtay salmaanow? Wuxuu dhahay Salmaan: Haa, rasuulkii Ilaahyow, waxaanan ku dhaartay Allahii kugu soo saaray xaqa.

Dabadeedna nabigu wuxuu yidhi: Kolkaan ku dhuftay dhagaxii koowaad waxa sare laygu qaada dhulka Kisra ee Furus, anigoo indhahayga ku magaalooyinka Kisra iyo magaalooyin badan oo hareerahooda ah, waxay saxaabadii tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow, noo bari Ilaahay, hanoo furto dhulkaas oo aanu qabsano, kadibna qaniimaysano guryahooda kuna burburino gacmahayga guryahooda, markaasuu nabigu u duceeyey.

Kadibna nabgu wuxuu yidhi: kii labaad kolkaan ku dhuftayna waxaa sare laygu soo qaaday dhulka Qaysraka Roomaanka, illamaa aan indhahayga saaray magaalooyinka Qaysar iyo magaalooyinka ku hareeraysan. Waxay saxaabadii tidhi: rasuulkii Ilaahayow, Ilaahay noo bari aan dhulkaasna qabsaneey, sidoo kale nabigu wuxuu u baryey saxaabadii Ilaahay.

Nabigu waxa kale oo uu dhahay: Kolkii aan dhagaxa sadexaad ku dhuftayna, waxa sare laygu soo qaaday dhulka Xabashida iyo magaalooyinka ku hareeraysan, markuu nabigu halkaas marayeyna wuxuu dhahahy: Xabashida iskaga taga intay idinka tagayaan sidoo kale Turkidana iska daaya inta ay idin daynayaan.

Dabcan xadiiskan oo Imaam Nisaa’i soo saaray oo uu taxsiiniyey Albaani, wuxuu si toos ah u sheegayaa in dhulka Xabashida iyo magaalooyinka ku hareeraysan oo ah dhulka ay Soomaalidu dagto sida Somaliya iyo Jabuuti inay soo islaamayaan, kuna islaamayaan qaab silmi ah oo dacwada la gaadhsiinayo oo kaliya.

SubxaanAllah, waxayna u dhacday sida nabigu sheegay oo reer Kisra awood ayaa lagu qabsaday sidoo kalena dhulkii Roomaankana waxa lagu qabsaday dagaalo, laakiin geeska afrika iyo dhulka Soomaalida waxa diinta soo gaadhsiiyey waa culumadii dacwada faafinaysay, Ilaahay ajir iyo xasanaad haka siiyee.

Halkan hoose ka Akhriso Xadiiska oo ku qoran Afka carabiga, tarjamdiisii iyo cida soo saaraty iyo darajada xadiiska.

 


عن رجل من أصحاب النبي صلى الله عليه وسلم قال لما أمر النبي صلى الله عليه وسلم بحفر الخندق عرضت لهم صخرة

حالت بينهم وبين الحفر فقام رسول الله صلى الله عليه وسلم وأخذ المعول ووضع رداءه ناحية الخندق وقال تمت كلمة ربك صدقا وعدلا لا مبدل لكلماته وهو السميع العليم فندر ثلث الحجر وسلمان الفارسي قائم ينظر فبرق مع ضربة رسول الله صلى الله عليه وسلم برقة ثم ضرب الثانية وقال تمت كلمة ربك صدقا وعدلا لا مبدل لكلماته وهو السميع العليم فندر الثلث الآخر فبرقت برقة فرآها سلمان ثم ضرب الثالثة وقال تمت كلمة ربك صدقا وعدلا لا مبدل لكلماته وهو السميع العليم فندر الثلث الباقي وخرج رسول الله صلى الله عليه وسلم فأخذ رداءه وجلس قال سلمان يا رسول الله رأيتك حين ضربت ما تضرب ضربة إلا كانت معها برقة قال له رسول الله صلى الله عليه وسلم يا سلمان رأيت ذلك فقال إي والذي بعثك بالحق يا رسول الله قال فإني حين ضربت الضربة الأولى رفعت لي مدائن كسرى وما حولها ومدائن كثيرة حتى رأيتها بعيني قال له من حضره من أصحابه يا رسول الله ادع الله أن يفتحها علينا ويغنمنا ديارهم ويخرب بأيدينا بلادهم فدعا رسول الله صلى الله عليه وسلم بذلك ثم ضربت الضربة الثانية فرفعت لي مدائن قيصر وما حولها حتى رأيتها بعيني قالوا يا رسول الله ادع الله أن يفتحها علينا ويغنمنا ديارهم ويخرب بأيدينا بلادهم فدعا رسول الله صلى الله عليه وسلم بذلك ثم ضربت الثالثة فرفعت لي مدائن الحبشة وما حولها من القرى حتى رأيتها بعيني قال رسول الله صلى الله عليه وسلم عند ذلك دعوا الحبشة ما ودعوكم واتركوا الترك ما تركوكم. سنن النسائي » كتاب الجهاد » غزوة الترك والحبشة/ 3176

Waxa laga wariyey nin kamid ah saxaabada nabiga (scw) inuu yidhi: markuu nabigu (scw) faray in qodo godkii Khanadaqa, ayaa waxa kasoo hor baxay dhagay, tasoo ka hor istaagtay qodidii godka, waxaana markaas kacay Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuuna qaatay sabaradii, isagoo go’iisiina dhigay dhinaca Godka, wuxuuna dhahay: "waxay taam ku noqotay erayga rabigaa run iyo cadaalad, lama badalo erayadiisa, isaguna waa maqlaha cilmiga leh" waxa dillaacay dhagixii sadex meelood hal meel, halka Salmaan Al-faarisina uu ka taagnaa oo uu fiirinayey, waxa kasoo booday dhufashdii rasuulka maceeda hillaac, markaasuu ku dhuftay hadan kii labaad wuxuuna akhriyey aayadii "waxay taam ku noqotay erayga rabigaa run iyo cadaalad, lama badalo erayadiisa, isaguna waa maqlaha cilmiga leh" waxa jabay qaybtii labaad, waxaana kasoo burqamay hillaacii waxaana arkay Salmaan, arkaasuu hadan ku dhuftay qaybtii sadexaad, oo uuna dhahay: "waxay taam ku noqotay erayga rabigaa run iyo cadaalad, lama badalo erayadiisa, isaguna waa maqlaha cilmiga leh" waxa burburayna qaybtii hadhsanayd, markaasuu nabiguna (scw) kasoo baxay (godkii) oo uuna fadhiistay. Wuxuu dhahay Salaamn: Rasuulkii Ilaahyow, waxaan arkay kolkaad ku dhufato dhufashaadaba inay la socotay hillaac, wuxuuna ku dhhay Rasuulkii Ilaahay (scw): salmaanow ma aragtay arrintaas? wuxuu yidhi: haa,ilaaha xaqa kugu soo saaraan ku dhaartee. Wuxuu yidhi nabigu: markaan ku dhuftay dhufashadii kooowaad ayaa sare laygu soo qaaday dhulka Kisra, iyo wixii hareereya iyo magaalooyin badan illmaayo aan indhahayga ku arkay, waxay ku dhaheen cidii saxaabadii la joogtay; Rasuulkii Ilaahayow, ilaahay noo bar inaan furao, oon qaniimaysano guryaooda, oon ku burburino balakooda gacmahayaga, waanu ku duceeyey Rasuulkii Ilaahay (scw) arrintaas. Markaasaan ku dhuftayna dhufashadii Labaad, waxaana sare laygu soo qaaday dhulka Qaysar, iyo wixii hareereeya illamaayo aan ku arkay indhahayga, waxay dhaheen: Rasuulkii Ilaahayow, Ilaahay noo bari aan furanee, oon qaniimaysano guryahooda sidoo kalena aanu gacmahayag ku burburino baladkoodanee, markaasuu Rasuulkii Ilaahayna ku duceeyey sidaas. Markaasaan hadan ku dhuftay dhufashadii sadexaad, waxaana sare laygu soo qaaday magaalooyinka dhulka Xabashida, iyo magaalooyin hareereeya, illamaayo aan ku arkay indhahayga, markaasuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw): daaya Xabashida inta ay idin daynayaa, kana taga Turkida inta ay idinka tagayaan." waxa soo saaray Nisaa’i (3176) waxaana taxsiiniyey Albaani (saxiixa)/772

Yaa soo saaray Xadiiskan? Yaase Taxsiiniyey?

Waxa soo saaray Nisaa’i, kitaabka Jihaadka, baabka duulaanka Turkida iyo Xabashida, xadiiska 3176. Sidoo kale waxa taxsiiniyey imaam Albaani, oo ku taxsiiniyey kitaabka (saxiix al-nisaa’i iyo daciid al-nisaa’i), majalada 2 aad, xadiiska/3176, bogga 397.

Sidoo kalena Albaani wuxuu ku taxsiiniyey kitaabka (silsilada saxiixa) majalada 2 aad, xadiiska (dacuu al-xabashah) no: 772, bogga 403.

Waxa diyaariyey oo iskusoo dubariday soona jeedinaya:
 
Abdulaziz Mohamed Oogle.


No comments:

Post a Comment