SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

QURAANKU MAAHA FALSAFAD KA TIMI NABI MUXAMED CSW .

Baraha bulshada ee Somaalidu wax ku qorto qaarbaa aafaysan, waxaan xalay si kadisa ah iigu soo baxday bar qoraal lagu qoray in Nabi Muxamed CSW uu yahay kan isagu Quraanka hal abuuray ama Quraanku yahay falsafad Nabiga fikradiisa ka timi .

Maanta iswaydiin mayno in Quraanka Kariimkii in uu yahay hadalkaa Ilahay, Nabi Muxamed na uu yahay uun Rasuul/Nabi Ilahay soo diray.

Marka aadan garashada iyo caqliga saliimkaa aadan adeegsan waa uun sidan oo kale ,adiga oo Muslim hore u ahaa in aad maanta ka shakido Diintaadii .

Hadaba waxaa maskaxdayda kusoo dhacday markii aan akhriyey Dadka fikirka odhanaaya Nabi Muxamed ayaa Quraanka Alifay miyaanay u fiirsan Quraanku in Nabigaba uu talooyin iyo tusaaalooyin uu u fidinaayo.

May u fiirsadaan Aayadahan ka hadlaaya :-

1. Masaladii Ceebaynta Hooyadii Muumininta Sayidinaa Caasha Abubakar Sadiiq oo Munaafiqiin iyo warmoogayaal kutidhi ku teen ku ceebeeyeen markii danbana Ilahay SWT uu isagu beri yeelay.

2.Qisadii Ninkii Indhoolaha ahaa ee Cabdilaahi Ibnu-Caamir ay ku soo degtay Suurad Cabasa ee Nabiga CSW ILAHAY canaanta usoo jeediyey markii ka damcay in uu waxbaro ama Hanuuniyo.

3. Masalada Sadaxaad ee ka hadlaysa taladii iyo tilmaantii Ilahay siinaayey Nabi Muuse CSW markii loo diraayey Fircoon,iyada oo lagula dardaarmaayo in uu si dabacsan ula hadlo Daalinkaa Ilaahnimada sheegtay ee Fircoon.

Sadaxdaa mas'alo hadii aad midkasta goonideeda caqli fiican aad ku eegto waxaa kusoo baxaysa in Quraankaba qaybaha ugu badan Nabi Muxamed talooyin iyo tusaalayaal lagu siinaayo.taasina waxa ay ku tusinaysaa in Quraanku xagga Rabbi ka yimi.

Waxa aan iswaydiiyey oo maskaxdayda daashatay hadiiba sida ay sheegayaan ay run tahay oo waa sida ay hadalka u dhigeene Nabi Muxamed SCW uu isagu yahay kii alifay isla markaana hal abuuray Quraanka, siday ku dhacday in Nin isagu Buug iyo tariikh iska qoray hadana uu isagu Buuga uu qoraay dhaliilo iyo canbaarayn dusha isaga saari karaa!!!

Sida Ilahay Quraanka ku sheegay Nabigu waxna ma qori jirin mana Akhriyi jirin ,taasna waxaaba markhaati buuxa ka ahaa dhamaan Carabtii la deganayd.

Hadaba siday isu qabanaysaa in Nabiga markhaati looga yahay in aanu waxna qorin waxna akhriyin hadana layidhaa Quraanka isagaa alifay ama waxa uu ahaa Qoraa.

Bal aan runsadaba masalada ,Caqliga iyo garashadana aan daboolo siday u dabooleen kuwa doododu tahay in Nabi Muxamed CSW uu yahay ninkii Quraanka alifay.

Hadaad Quraanka u Fiirsato waxa aad arkaysaa Nabi Muxamed CSW oo talooyin la siinaayo,gaar ahaan dhanka qoyskiisa sida xasaaskiisa iyo caruurtiisa iyaga oo loo tilmaamaayo dhanka dharxidhashada iyo asturnaanta iyada oo la leeyaha ""Nabi Allow Dumarkaaga,hablahaaga iyo dumarka muuminiinta waxaad ku tidhaa qaata dharka xijaabka".
Miyuu inaga mid yahay nin reerkiisa iyo Xaaskiisa ceebayn lahaa kaasoo waliba ku Qoraaya Buug uu alifay? isaga oo bulshada doonaaya in uu dhaxal fiican uga dago ??

Xasuusin kale Quraanku waxa uu tilmaamayaa ceebayntii Xaaska Nabiga Munaafiqiinta iyo warmoogayaal Musliminii ay ku ceebeeyeen gogol-dhaafka kadibna Ilahay SWT uu isagu bari yeelay, taasi saw ku tusin mayso in Nabi Muxamed aanu ahayn mid isagu Fikradiisa ka keenay Quraanka iyo waxyaabaha ku qoran.Waa kuma se ninka isagu qoyskiisa ceebta ka qorayaa.

Cabdilaahi Ibnu Caamir waa ninkii indhoolaha ahaa ee lagu canaantay Nabiga CSW siday suur tagal u tahay in nin qoraal isagu uu isku sharfaayo in uu kusoo qaato Canaan uga timo Meel isaga ka saraysa,mid kasta oo inaga mida isla markaana isla wayni ma kula tahay in nin maskiina Indhoole ah ayuu wax inooga sheegi lahaa canaan tiisa,xaasha waxay ku tusinaysaa in Quraanku uu yahay Hadalkii Ilahay dadkuna aanay Ilahay aktiisa ku kala sarayn.

Tusaale kale:
Qoraagu sidiisaba waa Qof Dunida haybad iyo sharaf ku leh,ha ahaato wakhtigan aynu joogno ama dhawr iyo toban qarni ka hor,marka aynu wax ku qiimaynu noolaha bini'aadmiga iyo habka isla waynaanta shaydaaniga ee inagu abuuran,siday suura gal u tahay in nin Qoraa ah isla markaana curin kara Falsafad sidan oo kale Dunida uga caan noqon kartaa in hadana dadka ku xeeran ee Kitaabkiisa uu kusoo wariyey in ay noqdaan dad Masaakiin iyo Ducufo ah maxaa looga agwaayay dadka Moodka iyo Noolka Midigtooda Ilahay gacanta u galiyey,waayo Quraanka waxaynu ku aragnay iyada oo la leeyahay waxaa Nabiga Raacay dadkii Noloshoodu aadka u liidatay.

Tusaale kale oo ina tusinaaya in Quraanku Alle ka yimi:
Cali binu-daalib waxa uu ahaa adeerkii run ah Nabiga CSW hadana Quraanka meelna kagama jirto in uu Janada galaayo .

Hadii caqliga kuwa aamin san in Nabi Muxamed Quraanka uu qoray aynu raacno ,maxaa inoo diidaaya in aynu iyaga su'aal waydiino odhanaysa "oo Muxamed muxuu qoraalka Adeerkii ee Axadiista ugu sheegay in la cadaabaayo, muxuu ugu qori waayey in uu janada galaayo Adeerkii "Tusaalooyinka ku tusinaaya ka imaanshaha Quraanka xagge ALLE way badan yihiin waxaa ka mida qaabkuu u noolaa oo ahay Nolosha xiligaasi tii ugu liidatay.

Waxyaabaha kale ee ku tusinaaya in Quraanku Alle ka yimi waxaa ka mida waxaa loo yaqaano Qaafiyada aan horay loo arkin ee erayga lagu bilaabo laguna dhameeyo.

Quraanka in aynu fahamno ayaa inooga fiican in aynu akhrino .

W/Q : Khadar Ibrahim aar
France Paris

No comments:

Post a Comment