SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Taariikh kooban oo ka waramaysa Gabayadii abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)


Bini Aadmigu waxa uu ku kala hor marsan yahay hadba sida uu tixgalinta u siiyo hal-abuuradoodi iyo halgamayashoodii, umad aan xasuusan dadkoodii hormoodka ahaana waa ay adag tahay sida ay ku horu martaa .

Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) Alla-haw naxariistee mar la waydiiyay meesha uu ku dhashay iyo xilaga uu dhashay waxa uu sheegay in uu ku dhashay magalada Mandheera,waxa kaloo abwaanku uu sheegay in uu filayo in xilaga uu dhashay ay ahayd , 1933 -kii.

Muddo yar ka bacdi waxaa la geeyay Abwaan Qaasim dhinacaa iyo miyiga oo uu muddo kusoo nolaa,halkaasi oo uu ku soo bartay dhaqanka iyo hal-abuurnimada isaga oo yar , kadibna waxaa magalada Hargaysa lagu soo celiyey taariikhdu markay ahayd 1945 isaga oo markaasi ay da’diisu tahay 12 sanno , halkaas oo laga qoray dugsiga hoose ee Axmed Gurey .

Axmed Ismaciil waxa uu waxbarashadii magalada Hargaysa uga sii gudbay magalada Burco gaar ahaan dugsigii la odhan jiray ,Burao old elementary School , kaasi oo ahaa iskuulka keliya ee wakhtigaasi ku yaalay magalada Burco .

Abwaan Qaasim umay suura galin in uu waxbarashadii dhamaysto ,waxaa dhacday in uu waxbarashadii iskaga tagay ,taasi oo uu markaasi kaga jiray Dugsiga Sheekh abwaanku waxa uu safar ku tegay dalka Yemen gaar ahaan magalada Cadan oo uu muddo ku maqna ,halkaasi oo uu waxbarasho heer sare ah kasoo qaatay.

Intaasi ka bacdi Abwaan Qaasim waxa uu dalka dib ugu soo noqday taariikhdu markay ahayd 1957- 1958-kii dhamaadkiisii , xiligaasi oo ay soo dhawdahay calansaarkii Somaliland ee dawlada Engirisku ay ku warejisay xornimadooda .

Abwaan Axmed Diriye markii uu dalka ku soo noqday waxa uu markiiba si toos ah uga shaqo galay Dawladdii Hoose ee Burco, halkaas oo uu ka gaadhay ilaa heer uu noqdo maamule degmo.

Abwaan Qaasim waxa uu ifka kaga tagay caruur dhan 3 Sadax kuwaasi oo kala ah  , Maxamed Axmed ismaciil ,Aamina Axmed Ismaciil iyo Ayaan Axmed Ismaciil , kuwaasi oo maanta la odhan karo iyaga iyo wixii ay sii dhaleenba waxa ay gadhayaan Labataneeyo .
dhamaan toodna iminka ku wada nool dalka dibadiisa iyo gudahaba ,gaar ahaan magalada Hargaysa ,

Abwaan Qaasim waxa uu inta aan aqaano la walaalo ahaa nin la odhan jiray Sanyare Ismaciil Diriye oo aan aniga laftaydu wakhti badan kula kulmay magalada Hargaysa ,kaasi oo isaga laftiisu ahaa nin gabayaa ah  
Hadaba Allah ha u naxariistee waxa uu Abawaanku geeriyooday taariikhdu markii ay ahayd 11/08/2006-kii, waxaanu ku geeriyooday oo lagu aasay magalada Hargaysa geerida Abwaanku maaha mid si fudud loo ilaawi karo ,waayo waxa markasta ina horyaala oo aan dhimin ee nool xigmadii iyo hal-abuurnimadii farshaxanka ahayd ee uu inooga tagay.abwaan Qaasim waxa uu geeriyooday isaga oo markaasi jira 72.sanno.

Axmed Ismaciil Diriye (Qaasim) Ilahay Qabriga haw nuuree ,waxa uu ahaa nin Ilahay ku manaystay hal-abuur maanseed , xigmad ,fiiro dheer iyo foojignaan ,Abwaanka Maansooyinkiisu waxa ay ahayeen kuwo sida Dawanka dadka ugu baaqa wanaaga iyo ka hortaga gumaysiga muuqda in kan dadbanba.

Abwaan Qaasim waxa uu maansooyin kiisa ugu hiilin jiray umadkasta oo uu isleeyahay waa ay dulman tahay ,xigmada iyo hal-abuurnimada Gabayadiisa waxa ay garab istaagi jireen ,gobolkasta ,degmo kasta iyo qofkasta oo laga gar daran yahay isaga oo si aan gabasho lahayd gabayadiisa ugu weerari jiray daalin-kasta oo cid dulminaaya.

Abwaan Qaasim marnaba kama leexan jirin sida Gabayadiisa iyo maansooyinkiisa ka muuqata in uu u hiiliyo gobolkasta oo Somali ka mida oo uu u arko Abwaanku in la dulminayo taasi oo aad ka dheehan karto sida ka muuqada Abwaanka Maansoyinkiisa aadka u xigmada badan.

Abwaan Qaasim waxa uu ahaa nin in-dheer garad ah ,waxa uu ahaa nin ay hal-abuurnimadiisa ay ka muuqato xeer-dheeri dhinaca dhaqanka iyo hidaha ah,waxa uu ahaa in ku gabya af-Somali qotto-dheer oo mararka qaar dadka qaar ay iswaydiin jireen maxay ayuu u jeedaa ,sida maansadii "Dacartuma marbay malab dhashaa muudsada dhabaq" waana mid muujinaysa Abwanka iyo af-Somali badnidiisa.

Abwaan Qaasim oo mar uu waraysi la yeeshay Wariye Cabdikariim Xaaji Ducaale waydiiyayna sabata uu ku noqday gabayaaga wayn ayaa waxa uu sheegay , in intii uu yaraa uu dhagaysan jiray ,jeclaana gabayada hal-abuurada waawayn ee Somalida ,sidaa awgeedna uu markii danbe Ilahay ku ihlaamiyay.

Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) oo wax laga waydiiyay hal-abuurnimada Qaasim ,waxa uu yidhi ,Qaasim waxa uu hibo u lahaa in uu markasta ka gabyo waxa markaasi jira sida dawlada iwm, waxaanu ahaa nin aan ka gaban in uu cadeeyo waxtar la'aanta dawladaa uu markaasi ka gabyaayo.

Hadaynu usoo noqono Gabayadii iyo maansoyinkii faraha badnaa ee uu Abwaanku tiriyay intii uu noolaa ,waxa aad arkaysa in Gabaykasta amma maanso kastaba ay ka turjumayso wacyihii iyo wayahii markaasi joogay ,waxa kaloo aad gabayadiisa ka dareemi karta Abwaanka isaga oo odorosaaya kana faalonaya wax aan markaasi dhicin ,taasi oo markii danbe waxkastaba sidii uu sheegayay ay u dhacday idamka Ilahay .

Hadaba waxa aynu si toos ah u guda gali doonaa Abwaanka iyo gabayadisii ,iyada oo aynu soo qaadan doono midkasta wakhtigii uu tiriyay iyo xalada uu markaasi ka hadlayay amma wacyiga markaasi taagnaa.

Qaasim iyo kaftankii afarayda;

Wakhtigii uu Qaasim ku jirey dugsiga dhexe ee Sheekh, halku-dhigyadii Qaasim kusoo caan baxay waxa ka mid ahaa:
Biliis bedenoow wax baran maayee
Bogsiiya ma soo bariidshaa.
Mar uu Carabta joogay fariin uu soo diray ayaa ahayd;
Barbaarta tolkay ahee baxaysaay
Boogsiiya qaasim wuu bukaa dheha.

Waxaa kaloo jiray halku dhig isaguna si aad ah u caan baxay oo uu tiriyay abwaan Qaasoim kaasi oo ahaa ;
Hadmuu dooxa herer dekedo yeeshoo
Dumbuluq laga raacay doonyaha.

Waxaa kaloo iyaguna ka mid ahaa ,erayadii calaacalka ku suntanaa .

Cilmi bay hodan kala halleeyeen
Hooggayga anna ma I haleeleen
Baddii berberaa bannaan noqotoo
Bogsiiya la guursaday waa been.

Waxaa kaloo jiray nin ay saaxiib iyo geftan wadaagba ahaayeen oo Suldaan Golos la odhan jiray oo uu mar afaray ku tuuray ,taasoo ahayd;


Golosow awrkii garab ku daaqa yaqaan
In kastoo ganafkiyo gafuurka la xidho
Goodaadsi ma daayo geeddiga.

Golosoow dhego-weyne kala dhimatee
Ha dhuuman dhabarkoo ku soo jeedoo
Ninkaad dhacday hayska dhego-tirin
Dheel-dheel ha ka dhigin dhirtaad hadhsatee
Markaad dheregtaad dhufayska gashee
Ku dhimatee herer iskaga dhoof.


-----------------------------------------------------------------------------------------------
Saxibayaal waxa aan idiin sheegayaa in gabayada Abwaan Qaasim ay intan aynu soo qornay ay ka badan yihiin ,isha Allahuna waxa aan ku tala jiraa in aan raadin doono idinkuna aad iga caawin doontaan wixii gabayo uu lahaa abwaan qaasim ,hadaba iminka waxa aynu guda gali doonaa gabayadii abwaanka intii aynu ka heli karaynay .

Markasta qofka Abwaanka ahi waxa uu umadiisa hoga-tusaleeyaa waxkasta oo uu isleeyahay waxa ay ku gaadhayaan horumarka iyo dawlad nimo wanaaga ,waxa aad mooda abwaan Qaasim in uu u mudh-baxay sidii loo heli lahaa dawlad daacad nimo dadka ku raali galisa.

Waxa kaloo aad arkaysaa in uu abwaanku waxbadan dadka ka horeeyay ,waxaa taasi marag u ah , saadaasha iyo odoroska uu markasta ku samaynaayo nolosha iwm.

1. Maansadii Al-madar .

Abwaanku waxa uu tiriyay maansadan tariikhdu markii ay ahayd 1957-kii waana xiligii uu socday halgankii xornimo doonka,isaga oo haddaba Abwaanku la hadlaya dhallin yaradii wakhtigaasi ee uu la gayaanka ahaa waxa uu yidhi.

 

Nimankii Almadar een lahaa odayaday dhaami

Isticmaarka nimankaan lahaa udubbaday saari

Ingiriiska nimankaan lahaa orodba way dhaafin

Iyaga isnoolayn kuwaan u asaraaraayey

 

Dhulka ololey uubaha la qoday uunka kala guurey

Ololaha colaaddiyo geyiga uuda demiweydey

Ummulaha la dooxiyo raqdaa haad ku wiirshiyey

Riyahaa ee’day idaha la qalay geela la af-duubay

Sengaa orod daraaddii dhexdu udub ka dhuubnaatay

 

Ummaddaa xumaataan lahaa haw arrimiyeene

Ula jeeddadoodaan arkay oo aayatiin malahe

Awr heeryadii cunaba waa lagu ogaadaaye

Imminkay af-kor utaagayaan edebla’aaneede

 

Imminkay Allow leeyihiin gaal isu egeyne

Isma eegto naag xumi halkay iin ku leedahaye

Ma laase waa ismoogyihiin iney obocdu hoostaalle!

-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

2. Gabaygii Kowle .

Tariikhdu markii ay ahayd 1964 ayaa Abwaanku waxa uu tiriyay tixdan gaaban oo la magac-baxday Kowle ,Abwaanku waxa uu tixdan kula hadlayay ninkii markaasi Madaxwaynaha ahaa ee Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadam-cadde) isaga oo Abwaanku tilmaamaya qaladaadka ay markaasi dhinaca siyaasada iyo maamulka ka sameyeen dawladii Koonfurka ka jirtay iyo madaxwaynahii markaasi xilka hayay oo Aadam Cadde ahaa .

Waxa uu yidhi Abwaan Qaasim :-

Kowdii habeenimo xalaan, kacay allayl-kiiye
Markaasaan kitaabkii akhriyey, kaahinka ahaaye
Kowlaa u baxay wiilashii, koray darruuraaye

Kufraa jabaya cumaroow hadaan, koobay moorada’e
Keenada rag baa lagu hayaa, kadab u laab-nayne
Kafantii rag baa loo toliyo, kiishkii geerida’e


Kabtii abid ma yeelna nimuu, aadmi kaarahaye
Faaruuq-ba koos buu lahaa, keli ku nooloowe
Misna kaba la’aan inuu ku baxay, kaashif loo aragye


Ma kanbalin kariimayste-yaal, jeeruu kaalaxaye
Isaguna ayaan-tuu kibruu, aakhir u kacaye
Kumbuskii ka hoyey boqoradii, kooxdii yamaneede


Dhaaxuu nin keligii tashaday, Karin ka duulaaye
Kalkii nin uu dhammaadaan arkaa, taagan kodadiiye
Nin intuu kursiga dheer u baxay, keligii qoondaystay


Oo duul karaamiyo colba leh, dib ugu soo kaajay
Isagana waxii loo katibay, waa la kulan siine
Wadkii kanadi dilay Aadan buu, soo kac leeyahaye .

-----------------------------------------------------------------------------------------------------------------

3. Gabaygii Darwiishkii .

Xornimadu waa shay qaali ah ,aduunkan aynu ku nool nahay waxa uu soo maray marxalado aad u kala wada gadisan oo midkastaba tan kale ay ka daran tahay Somaliduna sideedaba waxaa hubaala in markasta ay kasoo horjeeday waxa loo yaqaano gumaysiga.

Allah ha u naxariistee Abwaan Qaasim markii Somaliland xornimada heshay waxa uu ku sugnaa wadanka Yemen gaar ahaan magalada Cadan ,xiligaa uu Abwaanku joogay magalada Cadan ayaa waxa la waydiiyay hadii uu Somaliland amma Hargaysa joogi lahaa waxa uu calan-saarka ka odhan lahaa, kadibna waxa uu ku jawabay :-


Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya

Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday

Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama

 

Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa

Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya

Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada

 

Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye

Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye

Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara

 

In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey

Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray

Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega!

 

-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

 

4. Maansadii hashii lixdankii.

 

Qofkasta oo caqli iyo garaad ku jiro waxaa khasab ku ah in uu ka murugoodo amma caloolyaw badan ka muujiyo waxkasta oo uu islahaa sida fiican ayay u dhacayaan hadii uu ku hungoobo,abwaankuna hada waxa aynu ka dheehanaynaa hadalada Gabaygiisan ku jira in ay yihiin in waxkastaba ay noqon wayeen siduu moodayay.

 

Hadaad waxbadan u kuur gasho maansooyinka iyo gabayada Abwaan Qaasim, waxaa markasta kuu muuqanaysa sida fiican ee yididiladu ku dheehan tahay ee uu ugu farxaayo wanaaga ay leedahay dhalashada gobanimadu , balse markii abwaanku uu waayay cid gobanimadu sida ay tahay u dhaqan galisa waxa uu goostay in aanu ka aamusin.

 

Maansadan waxa uu tiriyay Marxuumku xiligii gobanimada kadib markii uu wayay saluugayna sida khariban ee ay wax u wadaan madaxdii wakhigaasi loo doortay in ay dadka hogaamin fiican u noqdaan , taaso aad mooda in ilaa hadda in ay wali dadku u jeel-qabaan madax daacad u ah danta umada.

 

Waxa uu yidhi Abwaanku:-

 

Ayaantaan dhashiyo maanta oon uurka ka cirroobey

Hashii aan intaa iyo intaa oon la daba joogey

Hashii aan aroorida cidlada ah kula ugaadhoobay

Hashii markuu adhigu jabay araxdanaw quutay

Hashii aan Amxaarka iyo Kufriga ugu unuun gooyey

 

Ayaantay hallawdaba hashaan daba adeegaayey

Irmaanaatay Maandeeqe waa ibo kureyseene

Innamada dhowaan ii kacaw weydin eersadaye

 

Carrabkiisu ruuxuu xunyahay aayatiin malahe

Namaydaan abaal marinne waana ambinaysaane

 

Afarteeda naas baan lahaa ubadka deeqsiiye

Ma afurin agoontii waddiyo kii ushow sidaye

NFD dhankeedaan lahaa u amar-ku-taagleeye

 

Arddis-ababa gee baan lahaa ayda doogga lehe

Iliilaha Jabbuutaan lahaa aayar soo mariye

Ood dheer ka saar baan lahaa aarka soo dhiciye

 

Ilaa ururka dayrtaan lahaa awrka haw tu’inne

Iimay ha daaqdaan lahaa adhaxda jiilaale

Iilkii Darwiishkaan lahaa udubka gaadhsiiye

 

Axan Sheekh Bashiir baan lahaa aarla’aan dhimaye

Ammuurahan isdhaafaan lahaa aakhirow tebiye

Axmed Gurey u sheeg baan lahaa iilka wuu qabanne

 

Oomaar dul gee baan lahaa uubti loo qodaye

Umalkeeda Maxammuud Xarbaan ka ag dhaqaaqeene

Nimanse aabbihii maali jirin looma aammine e

 

Waa taa abaar iyo dhulbaas u ambaqaaddeene

Ololkeedu waa iibbaxaa oogta waabberiye

Oon iyo harraad waa waxay la alwanaysaaye

 

Ergin iyo aroor qocondhalay adhi la daaqdaaye

Waataa ilmaha loogu xidhay geed adaahiye e

Goortaan hadhuubkow aslaa ula qalwayseene

 

Waxba arartu yey ila sii durkine waxan ku soo ooday

Ololii maruun baa la shidi kii arbacadiiye

Markaasaa rag iimaan qaba la egmandoonaaye

Aagaan ka buuxsadadhowaan ma arkidoontaane!

 

------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

5. Waa Gabaygii Isma-doorin .

Gabayganu waxa uu ka waramayaa wax xaqiiqa oo markasta ka dhaca dawladaha Afrika oo dhan ,waxa uu caday nayaa in ilaa hada aanu gumaysugu ka kicin kana tagin Afrika ,sababta oo ah ; waxa uu abwaanku sheegayaa in meesha uu ka baxay oo kaliya ninkii "caddaa" balse booskisii ay soo fadhiisteen ardaydii uu gumaysigu wax baray walibana kasii liita.

Abwaan Qaasim waxaa kaloo uu gabaygan dadka u sheegayaa in 1964-kii Ruushku samada u socdo, dawlado kalana ay ku hawlan yihiin sidii ay xiddigaha u hiigsan-lahayeen , waxaa kaloo uu abwaanku sii saadalinayay waxa loo yaqaano "dagaalkii xidigaha" kasoo markii danbe siddeetamaadkii dhexmaray Ruushka iyo Maraykanka ,ilaa maantana taagan.

Hadaba aragtida iyo odoroska Abwaan Qaasim oo xilligaa ahaa nin dhallinyaro ah, wuxuu doonayey in Somalidu ay Aduunka la tartanto , waana guubaabo ilaa maanta nool una baahan in aynu ka fikirno sidii aynu talaada Abwaanku inooga tagay u hirgalin lahayn.



Waakan Gabaygii :

 

Nin da'dii halkaas gaadhoo daalaybaan ahayee,

Ha yeeshee dirkeedu ha da'ee, doqoni waa moogee

Daab godina sooma jarin wiilashaan diraye

Halka dunida lagu geeddi yahay dayiba maayaanee

Ma daadihin rashiid, maatadaan daad guree idhiyee

Umaddii daryeel wali helin daacada ahaydee,

 

Dayaxaa laka boobay, iyo dirirkii cawleedee

Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray'e

Dibbaa laxa loo eegayaa, sacana waa daaqee

Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiye

Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro'e

Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye

Daruuraha la weeraray nin ogi dib uga faallooye.

 

 

Sidii bay u dooyaysan tahay damashii weynaydee

Sidii bay duleedada dhar li;i ugu dab jeexaannee

Sidii baa dudada aar dhiciyo dacaw u joogaayee

Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha,e

sidii baa docuhu aqaladu uga daloolaannee

Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaayee

Sidii bay degmadu ceelashii ugu dar leeftaayee

Sidii ducaalow biyaha loo dawariyaayee,

Sidii bay daba-goobsi u tahay haradii doolloodee

 

Oo ay waliba dibin daabyo iyo diriri joogtaayee

Waakaa dareersaday xamar dayr cadkii dhalayee

Dambi ku hadli maayee ma arag dawladaan rabayee.

 

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee

Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee

Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e

 

Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegaynay

Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacaro miyaan leefay

Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay

Sidii aan dayaysnahay miyaan dawga ka habaabay

 

Waxba hadalku yuu ila durkinee waxaan kusoo duubay

mar uunbuu daf soo odhan nafsigii diinku soo jiidayee

mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiyee

 

Dirrigaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiyee

Dibjirkiyo marbay reer miyigu daasadaha qubiyee

Mar uunbuu digiigixan raggii daallanaan jirayee,

Mar uunbuu dagoobka iska rogi doob la quudhsadayee

 

Oo dalaan dambeedkiyo dhibtiyo diidi keenada'e

Dibnihii shakaalnaa marbaa dooda loo furiyee

Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonnaayee

------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

6. Gabaygii Naxariis:

Inta badan waxa uu bini-aadmiga oo dhami dhaqan u leeyahay, in markasta oo nidaamka dawliga ah ay wax iska badalaan , in ay dadka gasho niyad-samaan iyo yididiilo farxad leh ,Abwaan Qaasina isaga laftiisa taasi kama madhna sida aad ka arki doontaan gabaygan .

Abwaan Axmed Ismaciil Diiriye (Qaasim) waxa uu tixdan tiriyay tariikhdu markii ay ahayd 1969 waana markii uu dhacay Aadan Cadde AHN,xukunkana ay si doorasho ah ku yimadeen madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Raysal-wasarahisii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allah ha u naxariistee ,abwaanku waxa uu kusoo halqabsanaya Naasir Naxar oo wakhtigasi ka mid ahaa Madaxdii Somalida.

Waxa uu ku bilaabay :-

Niyad baan u ledayaa hurdada naasir Naxaroow'e
Nabdigaan ka soo jeedi jirey noogayoo dhacaye
Nasashada darteed baad indhaha Nadarka yaabtaaye

Naxligii Caloosha iyo bogsade nabarradeediiye
Naxariistu waa naca kufriga nidar galkeediiye
Neecaw qaboow iyo dabayl naafaclaa timiye

Nabad iyo Naq roob baa beddelay Nayla-Jaliyiiye
Nacabkii Ilaah naga kaxee naaqiska ahaaye
Nasiib baannu leenahay haddaan Aadan soo noqonne

Niidii xareedbaa ka timid Naannida ahayde
Nuuxnuuxsigii Ina Catoosh nugul ka soo doogye
Nataaqadi na gaadhiyo lugtii nalaga naafeeyey

Waxa Nacalla-qabihii na baday waa ka noollahaye
Nabsigii wax badan loo dhursugay nacasti soo gaadhye
Nooleba mar uun buu samaha Nacam yidhaahdaaye

Noolaatay yidi-diiladii Naxashka saarrayde
Mar haddii ninkii geyey kursiga nabadgelyuu fuulay
Nimcadiyo sow mahad-naq uun lagu negaan maayo

------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

7. Gabaygii Cirsan-ka-yeedh :

Abwaanku waxa uu gabaygan inoogu sheegayaa in aanay dadku hadii waxkastaba sida ay moodayaan ay noqon wayaan in ay samraan balse aanay quusan ,waxa kaloo uu Abwaanku inoo muujinaya sida fiican ee uu ugu xeel dheer yahay ka faloodka waxa uu isleeyahay waa ay dhici donaan bi'idni-lah.

Gabaygan Abwaanku waxa uu tiriyay sanadkii 1969 waa gabay abwaanku ku faaqidaayo ,in hadii Allah yidhaahdo ay waxkastaba isbadali donaan ,waxa kaloo gabayga laga dhan-dhansan karaa in uu abwaanku leeyahay dadka samra waxkastaba khayr ayay ku danbaynayaane.

Waakan Gabaygii :

Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede
Cilmi felegga way garan raggii caalimka ahaaye


Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye


Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e


Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye


Inay curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye
Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide


Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

----------------------------------------------------------------------------------------------------------------

8. Gabaygii Ina Cigaal

Gabaygan waxa uu abwaanku u tiriyay 1969 ,waxaanu u tiriyay Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo ahaa wakhtigaasi Raysalwasarahii dawladii Cabdieashiid ,waxa jirtay in abwaanka iyo Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ay saxiibo dhaw ahayeen balse markii danbe abwaanku uu saluugay qaab-siyasadeedkii Cigaal.

Hadaan waxyar idinka xasuusiyo saxiib tinimada qotada dheer ee ka dhaxaysay Cigaal iyo abwaan Qaasim ,waxa aad ka garan kartaa xiligii uu Madaxwayne Cigaal uu Somaliland Madaxwaynaha ka noqday ,waxa uu daryeel saxiibtinimo u fidiyay abwaan Qaasim ,kaasi oo si fiican uga warhayay xaaladahiisa gaar ka ah ,sida aan warka ku helay .

Tabtaa ina CIgaalow waddaan tacab qasaaruun dheh
Tartan meelna aan gaadhin iyo turuqyo daaluun dheh
Tamashlaha aan meel looga dhalan tookh u socodkeeda
Toddobaad waxaan gaadhiniyo tuhumo beenaad dheh


Dhamaan Ciisa Musaha tadhahay ee taajka wada qaatay
Taariikh Isaaq ugu horloo maanta timi uun dheh
Toddobadan aad soo dooraten taran hadaad moodey
Tukayaal hormuud laga dhigiyo toxoble daayeer dheh

Afartaa tacliintaan bartiyo tix iyo geeraar dheh
Tiiqtiiqsi hadal loo yidhoo tudhis la'aaneed dheh
Tol-yaraha hubkii dili jiriyo toorri iyo seef dheh
Toban guuradaan nabadgelyada taabka ku adkeeyey
Aan talada kaa qayb gashey baad tahar i goyseene


Habar Yoonistii lagu tuntiyo Ciidagale toos dheh
Mar hadday tolniimadii horiyo talawadaag diidey
Nin walbaa wuxuu taransadiyo tab iyo xeeshii dheh.

-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

9. Gabaygii Sanyare .

Inata badan ninka Abawaankii waa kii ka fogaada Qabyalada iyo qoloqolada Somali ragaadisay,isaga oo taas ka duulaya ayaa Abwaan Qaasim waxa uu walal la ahaa sida aynu hore usoo sheegnay nin layidhaa Sanyare oo isaga laftiisu gabaya ahaa.

Sanyare waxa uu wakhtigaasi taageero aad u laxaad badan u muujiyay xisbigii SYL oo uu wakhtigaasi ka sharaxnaa nin ay markaasi Sanyare isku qolo dhaw yihiin oo la odhan jiray Xaaji Ibrahim Cusmaan Food .

Abwaan Qaasin ma uusan jeclaysan sababta uu Walaalkii Sanyare u tageeray Basbaas iyo xisbiga SYL oo uu markaasi Qaasim saluug sanaa siyasadooda ,taasi awadeed ayaa waxa uu Qaasim ka tiriyay tixdan ,waxa uu yidhi isaga oo walaalkii la hadlaya :-



Sanyarow dharkayn lama cuno iyo midho dhunkaaleede

Dhandhamooyin badan baa jiroo aad ku dhimataaye

Dhereg ma laha dhuuniga xuneen cunaha dhaafeyne

 

Hal libaax dharqaday uu jidhiyo dhiigba ka idleeyey

Haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersadaye

Dhagar aanad gelin Aw Basbaas* yuu ku dhaxalsiinne

 

Dhexda yaanu maro kuugu xidhin dhiig tif leeyahay

Dhulka niman samaantiisa wadin yaan lagaa dhigine

Dhiinraac ha noqon adigoo dhawr gu’ soo jiraye

 

Dhalanteed xareed waw egyahay dheehashada guude

Dhegley lagama soo daro oowaa dhamac Kaliileede

Adiguna dhabada weecsinta ah dhaanka haw rarine!

 

-----------------------------------------------------------------------------------------------------------------

 

10. Gabaygii Gobaad.

 

Tan iyo lixdankii dadka Somalidu waxa aad moodaa siyasiyiintooda in ay quus ka taagnayeen, siyasiga Somalidu waxa uu caan ku noqday in wakhtiga hore ee ay kursiga radinayaan in ay dadka isu tusaan in ay yihiin kuwo si sax ah wax u hogaaminaya ,balse marka ay kursiga isku hubsadaan kuwiiba maaha.

 

Gabaygan Gobaad waxa uu Abwaanku tiriyay lixdanaadkii ,waana maanso iyada lafteedu ku tusaysa sida uu Abwaanku markastaba quusta uga joogo siyasiyiinta Somalida oo aad moodo in dantii umada markasta ka hotrmarinayaan dantooda gaarka ah.

 

Waxa uu yidhi Abwaanku:-

 

Hashaan gaaxinayaan lahaa gorofka way buuxin

Geyaxa hashaan kaga xidhxidhay gabantii nuugaysay

Geedkii magoolaba hashaan uga garaacaayey

Gaaroodi iyo Hawd hashii laba gardaaqaysay

 

Wax-layidhi haddaa goodirkii lagu gabraartaaye

Waxla yidhi golbaa lagu dabraa geed-waraabe leh'e

Wax-layidhi gujaa lagu lisaa labada gooroode

Wax-la yidhi gal daayeer cabbaa habari geysaaye

 

Golqaniinna waa loogu daraa yaanay gaagixine

Wax-layidhi gomode naasihii giigsanaan jiraye

Gobaad waxay la daaqdaa sagaal goroyocaw-loode

 

Googooye! iyo wiil xunbaa gaawahaw sido'e

Wallee ama gumooboo sidaa layga gallad haysay

Walle ama rag ways gaadayaa gacan ku ciil beelay.


******Taarikhdii danbe ee Somaliya gashay .*********

 

Hadaba wixii Lixdankii ka danbeeyay waxa aynu la wada soconaa in dhamaan Somalida Gudaheeda uu ka bilaabmay dulmi aan cidina cid uga garaabin, waxa si aan gabasho lahayn dawladii Kacaanku ay gumaad iyo hagardamiyin aan kala joogsi lahayn u gaysatay shacbigii curiyay gobinimada ay Soomali ku faani jirtay.

 

11. Gabaygii Hargaysa.

 

Hadaba Abwaan qaasim markii uu arkay in in aanay soo muuqan wax layidhaa midnimo iyo cadalad ka dhalata Soomali gudaheeda isla markana uu goob joog ka ahaa dibin-daabyooyinkii loo gaysanaya dadka Somaliland waxa uu go,aan saday in uu hal abuurnimadiisa ku goobaabiyo shacbigiisi dulmiga lagu hayay .

 

Gabaygan Hargaysa waxa uu Abwaanku tiriyay 1984 waana xiliyadii ugu xumaa ee dhamaan dhulka Somaliland ay ka jireen gumaadka markasta lagula kacayay shacbigii gobanimada keenay ,isaga oo Abwaanku Hargaysa guubabinaya waxa uu yidhi:-

 

Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene
Haddaan soo hanbaabiri lahaa heec ma noqoteene
Horaad dacara kuma nuujiseen hooya beenihiye

Halaq iyo abees kuma gam'een hadhacyadaadiiye
Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaansadaye
Hantidaada muu weerareen horor wax boobaaye

Hareertaada lama soo fureeen haaway doobadahe
Haweenkiyo caruurtaad lahayd lama halgaadeene
Hablahaaga muu guursadeen haybti garanwaaye

Hog dalluuna kama qayliyeen hanadadaadiiye
Hanuunshiyo indheergaratadii hode ma dhaafeene
Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye

Hoos looma eegeen kuwii hawlkarka ahaaye
Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye
Maad hoos dhigteen labada sacab hooge baadiyahe

Habro looma doorteen golihii haybadda lahaaye
Hiirtaanyo iyo ciil wadnuhu ima hiqleeyeene
Haasaawaha iyo sheekadii lama hagoogteene

Ninna hadalka kama dhawrsadeen kuu hagaag bidoe
Hootada afaysani boqnaha igama heerteene
Dhammaan hooballadi may qaxeen hibadu saarrayde

Hogyaqaanadaadii murtida lama halleyeene
Heesaagi lama quudhsadeen hiray cadaawaaye
Hayeeshee habeen guulleh baad heli ayaan dhow'e

Had aan sii fogeyn waxad sugtaa heego iyo roobe
Hillaac caafimaadbaa ku mari hogol daruureede
Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude

Hiddo-dhalad wixii aan ahayn waa lagaa hudine
Hor ilaahay waan kaa xorayn hawshan kuu timiye
Insha-Allah home nabadgelyaa lagugu soo hoyne

------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

12. Gabaygii Seben .

Abwaan Qaasim in uu ahaa nin u dooda markasta dadka dulman balse aanu ahayn nin qabiil iyo qabyaalad ku suntan sida ay dadka qaar sheegaan ,waxaa kuu daliila gabaygan soo socda oo uu kaga hadlaayo qabaa'il badan oo Somaliya oo aan meel wada degin waxna aan isu ahayn dhinaca haybta ,hadana uu abwaanka ka qaman-dhacyoonaayo dhibta iyo hagar daamada uu Kacaanku ku hayey wakhtigaasi .

Maaha Aduunka wax ku cusub in uu dagaal ka dhex qarxo dad deegaan iyo dawlad wada leh , sidaa awadeed ayaa garabyadaasi markasta dagaalku ka dhexeeya waxa ay helaan dad lakala safta oo qolaba ay dhinac soo raacdo amma ay tageerto mana aha arin Somalida oo kaliya ku gaar ah.

Balse hadana aakhirka waxa la arkaa iyada oo dhamaan dadkii dagalada iskaga soo horjeeday ay heshiis iyo walalnimo waxkasta ku dhameeyaan ,sida iminkaba ka muuqata dhul badan oo Soomalidu leedahay.

Gabaygan waxa uu Abwaanku tiriyay tariikhdu markii ay ahayd 1974 ,waxa uu abwaanku kaga hadlayay ,reero iyo qabaa'il uu isagu markaasi u arkayay in ay la safan yihiin Kacaankii Siyaad barre isla markana ay lid ku yihiin dadkii xiligaasi kasoo jeeday gobolada Waqooyi.

Eyle iyo Siwaaqroonta xumi, ha i suryeeyeene
Seetada ha ii gaabiyeen, sabab la'aaneede
Seeddiyo boqnaha hay jareen, sab iyo laangaabe
Sanqadh yari ha ii dilo tumaal, siiqya looshadaye


Sanka hayga mudo inan-gummeed, loo sarrayn jiraye
Sawaab iyo midgaan Guulwada ihi, ha i sudhnaadeene
Hadba hay saloosheen sidii, geedka saarka ahe
Ilaahbaa sidaa noo gartee, ha i sadqeeyeene.


Annagiyo Saleebaanadii, way na sidataaye
Seeftii Abgaal bay agtaal, saawirta ahayde
Habar Gidir sinsaarada ku timid, sigay ugaaskiiye
Sixilluu Kacaankani u galay, Sacad raggiisiiye.


Warsangeli suldaan iyo ma jiro, boqor la sooraaye
Saamee dhammaantii Isaaq, salaw colaadeede
Soomaalidii waxa ka nool, saaka madaxgaabe


Wax siyaasaddii loo egmaday, silic ku nooshiiye
Markii talada habar saar leh iyo, sebiyo lo doortay
Ayey sayn-caddaa iyo waxgarad, sibiq dhaqaaqeene

Dhulkan suuradii laga baddelay, socodna dhaameelay
Way wada socdaaleen raggii, soocanka ahaaye
Saadada cadhootee midgaha, laga sarraysiiyey
Waa sixirradii Bucurbacayr, sananka muuqdaaye


Inta ay sidaa tahay nin gobi, sooman ka ahaaye
Qaansaleydu haw sacbbiyeen, Siigga qalataaye
Naagaha surwaalka lihi mashxarad, ha u safnaadeene
Single iyo waxaan dhalad ahayn, siidhi haw tumo e
Sabaalada ha moodeen in loo, sahanshey meel roone

Saadaaladaa lagu gartaa, sebenka caal waaye
Waa waxa abaar nagu salliday, soof ma reebta ahe
Saddex-guuro waa waxa na baday, sadhiyo daacuune.


Samadii daruur laguma arag, seermaweydada e
So'dii ceelka waa waxa biyuhu, uga salguureene
Adduunyadu sidaa kuma gudhoo, subaxba waa cayne

Nin kastoo sallaan dheer u baxa, siibashaa xigiye
Suuldaaro waw halis ninkay, rag isa seegeene
Sirqabahana taariikhdu way, sahamindoontaaye.


Maantana Siciidow waqtigu, saamaxaad malehe
Moorada salkeediyo xalaan, sugay malluugtiiye
Siigadaa madow ee dayaxa, saaran baan garanne
Dhiig buu sidaa waqalkan aad, sagalka mooddaaye.


Siigada dhacaysaa ragbay, sabibi doontaaye
Illaahay sidaan ka arki jirey, way ku socotaaye
Duulkii sedkoodii dhammaa, saancadka lahaaye


Sanbabada gantaalaha ka mudi, saadanbay garane
Waa layna kala soocayaa, subax aan dheerayne
Ninki cadho la sooyaamayow, samirka maad dhawrtid

------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

13. Gabaygii Mugdi.

Abwaan Qaasim waxa uu gabaygan tiriyay 1984 waxa uu Abwaanku isu soo maangurinayaa dareenadii jiray Lixdanadii iyo halka uu xaal markii danbe ku daneeyay ,waxa uu yidhi :-

Mugdibaan ka gacan haadiyaa Maxamed Kaydoowe

Geelbaan maqaarkaw sidaa midi ka dhiiqayne

Soomaali midab doorsantay-baan meeday leeyahaye

 

Murti samada lagu laalaybaan muhindisaayaaye

Dad musbaar dhegaha kaga jiraan maqal ka tuugaaye

Mawdkii adoogay dilay-baan meel dhow ka arkaaye

Mindidii boqnaha iga jartaa madaxa ii taale

Noloshuba macaan maleh haddanad magac ka reebayne.

 

-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

 

14. Gabaygii Abaal Ciise.

 

Cidkastaba waa ay jeceshahay xiliga ay dhibatada iyo halganka ku jirto cida gargarka u muujisa,taas awadeed ayaa abwaankuna waxa uu gabaygan hanbalyo ahaan ugu dirayaa beesh Ciise Madoobe tasoo degta Somaliland iyo DJabutiba .

 

Waxa aan arkay dadban oo Gabaygan ka xumaaday balse waxa aan odhan lahaa gabaygan iyo xiligiisi waxa uu ahaa tariikh lasoo maray, lagana soo gudbay,taas macnaheedu maaha in tariikhda aynaan qorin ,waxaa hubaala in maantaba ay dhinac u wada jeedaan beelihii wakhtigaasi xurgufta siyasada ku kala wada aragtida duwanaa.

 

Gabaygan waxaa la yidhaa Abaal Ciise .,waxanu ka turjimayaa xiliyadii Somaliland ay kusoo jirtay halganka hubaysan ee ay kaga soo horjeeday dawladii Kacaanka isla markana aanay qabaa'ilkii Somalida cidna aanay garab ka helin marka laga reebo qabiilka Ciise mooyaane, kuwaasoo 1989 hiil kooban ku tageeray halgankaasi.

 

Hadaba isaga oo Abwaanku u mahad celinayaa Qabiilkaasi Ciise waxa uu Gabaygiisa ku yidhi:-

Ciisuhu xilkii waa guteen laysma xaasido'e
Xaggay naga xigeen nacabka way ka xakameeyene
Xoog iyo Adduun kalama hadhin xarakadeenniiye

Xidhiidhkaa tolnimadaa lehiyo xeerka Saadadae
Xigto niman lahayn cadawgu waa xubin wareemaaye
Xamdu mahad Isaaqoo dhanbay xiisa geliyeene

Xiis iyo Jaboutaysku xidhan xeebti dhererayde
Xerudhalanku feedha isa saar xawli dhiidhiyaye
Xammeetidii dhextiil labada reer xididka loo saarye

Xinjirtii madoobeyd la tuur xadantadeediiye
........ka guur degalladuu xaadir ku ahaaye

Xin-kunoolihii Habar Carfaan xuurta la cunsiiye

Samaroon Xantiyo beenta iyo xaasidkii jebiye
Hadduunaby xaglaha kula dheceen Xabis kelysnaaye
Waatay xumeeyeen dadkay ku xadfanaayeene

Xidid iyo degaan may hanbayn xeerna may dhiganne
Xabashidana waatay wax badan ka xajarnaayeene
Xuduudaha siday uga gudbaan waa xisaab adage

Xor haddii ad tahay dunida waa la xusladeeyaaye
Xigmad li'idu waa waxa ka dhigay xoola baadiyahe
Hadday xago bannaan tuban yihiin xuunshanaytiduye

Xirribaha ha duugeen indhihii wada xayuugnaaye
Xero maleh Afweyniyo kuway u xusul duubeene
Rag kalaa xukuma goboladii Xamarna waa foole
Xaggeebay u kici Gedona waa xarun ugaadeene

----------------------------------------------------------------------------------------------------------------

15. Gabaygii Gu'doon.

Gabaygan waxa aad moodaa in uu abwaanku si toos ah u abaaraayo qabiilka Gadabuursiga oo la odhan karo waxa uu markaasi ku tuhmaayay hiilka qaawan ee ay markaasi lasoo garab istageen dawladii Kacaanka ,sida aad hadalka abwaanka aad ka dhan-dhan-sanan karto, waxa uu filaayay wakhtigaasi in beeshaasi ay garab iyo gashaan u noqoto SNM, madamaa ay yihin dad wada dhashay oo isku deegaan iyo tol iyo xididba ah .

Sida aan horayba usoo sheegnay Gabayadan iyo kuwo kalaba waxa kaliya ee aynu usoo qaadanay waa uun in aanay tariikh ahaan aanay inaga lumin ,mana aha gabaygan oo kaliya gabayada inta badan Somalidu isku xifaladayso marka ay xiliyo adagi soo kala dhex maraan.

Gabaygan waxaa magaciisa la yidhaa Gu'doon ,waxa uu Abwaanku gabaygan kula hadlayey qabiilka Gadabuursi ,kuwaasi oo uu u arkayay in ay garab iyo gashaanba siyeen wakhtigaasi dawlada Kacaanka ,ee ay dagaalka kula jireen jabhadii gobanima doonkii SNM.

Waakan gabaygii Gu'doon:-

Ha go'doonto Gudabiirsidii Ganafka jeexnayde
Ha la guurto gaajiyo baryiyo gelelefkeediiye
Dameerkii Gafuurrada caddaa Geela yuu didinne

Meeshay gabbood moodayaan haw gurguriyeene
Goonyaha Ilaahay halkay garan ha aadeene
Gob baa lala dersaa waa wixii gaday abaalkiiye

Gallad kagama helin reer Xareed gacan ku hayntiiye
Gabdhii loo dhisiyo may xurmayn guurki reeraha'e
Geyiga reer Isaaq uguma hadhin Gob ay midhaystaane

Ciisuhu Gunnuu siin jiree ha iska gooyeene
Amxaarada inay soo galaan waa ka garanuuge
Garaad-xumadu waa waxay cidlada ula gandoodaane

Gogti iyo Shar-laga-naadi bay gebi dhacaayaane
Waa waxay la goobyaalayaan Goraya-Cawlaaye
Waa loo gartee hays tubeen goobta ciilka lehe

Marreexaan Gun bays urursatee gacal ha moodeene
Iyaga iyo Gabooyahaba waa galabsigoodiiye
Guryaha ay Mafiiqda u siteen yaanay soo geline

Geestay xigeen Laydh san baa iiga soo geliye
Guu-gaa'da haygala tageen garacdi shaydaane

----------------------------------------------------------------------------------------------------------------

16. Gabaygii Hal-muceed.

Gabaygan waxa uu Abwaanku tiriyay isla xilayadaasi ay socdeen halgankii ay hormoodka ka ahayeen SNM ,waxaanu gabayganu muujinaya sida uu Abwaanku ugu farax san yahay hiilka iyo hooda ay isla garab istageen qabiilka Ciisahu,sidoo kale waxa uu Abwaanku gabaygan si toos ah ugu dhaliilayaa hagrashadii iyo hiilkii qaawana ee ay beesha Gadabuursi isla galab istageen Kacaankii Siyadaa Barre.

Waakan gabaygii :-

Na soo gaadhe Ciisow tixahaad soo gudbinayseene
Geeraarradiinii hellnay iyo gabayadiinniiye
Una guuxnay hawraarta guud, hiilna loo garaye

Maansadu godkii ay lahayd maydun gees marinne
Alle waydin garansiiyey oo gob iyo caadkeede
Garna waad u leediin tolkiin inad gargaartaane

Gacmihii walaalaha ahaa waysku gunuddeene
Gurmashadu markay ku hab-samayd waa gilgilateene
Annana geesinnimo noo tartiyo garab-ku-taaglayne

Guubaabadiinnii culays nalaga guud qaadye
Guntii ururtay dhiillaa ku timi gebi ahaantoode
Garbahaarrey iyo Luuq kuwii looga gacan haadshey

Gardarrada caddaanka ah kuwii Gedo ku taageeray
Gudobiirsigii waxa ku dhacay guuldarriyo hooge
Gantaal noqoy dhawaaqii ka yimi geesta ciisaha'e

Guddoonkii Ugaaskiyo raggii gooyey waw mahade
Geeraarshihii tiriyey iyo geesiyadi raacay
Guurtida Dalool iyo Abdaal labada geesoodba

Iyagana abaal lama gadee waa gunno u taalle
Gaban hadduu ka hadho reer Isaaq waa guddoonsadaye
Guuxiinni maandhow wuxuu geystey lala yaabye

Gaaraayacuuntii Cabsi bay gebi-dhacleeyeene
Geestaaba may deyin inuu yaallo gacalkay'e
Inaad gaasas noo dihin tihiin garayay Daaroode

Baqay giilalyoodeen sabtii nagu gedaannayde
Gabbal baa Shirshoorii u dumay guruca dheeraaye
Beentay giraangirin jireen soo gabaabsidaye

Iyagaa gadh-jiide u ahaa gacan-ku-dhiiglaaye
Guutooyinkay soo waceen laga gol roonaaye
Gaashaanlayaashii tadhahay guduri loo loogye

Googaradda naagaha raggii goosan jirey eedye
Nimankii guryaha baadhan jirey gumuc la leefsiiye
Gafuur-culustu noomay quturan goobti dirireede

Sidii Gorayo lagu qayliyay gelelef-yaaceene
Abidkiiba guul lama shir tegin geeda-waaqluhuye
Ilma-Gabaxdu waa Saadaday kaga gadoodsheene
Gonda-jiidka daya waa nabsiga galabsigiisiiye

-----------------------------------------------------------------------------------------------------------------

17. Mahad-naq Ciise 2.

Sida runta ah waxaa gabayada Abwaanka si toos ah uga muuqda mahadnaqa iyo niyad samida uu markasta u hayo qabiilka Ciise, gabaygan labaad waxa uu isagana mahad-naq wayn u muujinayaa qabiilka Ciise.

Waakan Gabaygii:-

Miisaannay Ciisow tixahaad madalka keenteene
Macaan baa Ilaahay ka dhigay Malabki Doocaane
Dhegtii maqashay oo idili way mahad naqaysaaye

Madmadoow ma gelin xaajadaa soo mudh-bixiseene
Mabsuud buu ka yahay reer Isaaq meelu joogaba'e
Waad mahadsantiin dhalashadaad muruq u yeesheene

Mirtan waxawgu faalootanteen magaca nooleeye
inay maalmo guurtudu fadhidey maqallay geedkiiye
Mayal-weyntu dooddii halkay marisay loo daaye

Waa mudan Ugaaskuye tashiga midigta loo saarye
Ogoobeey malakada uu fadhiyo waa milgii sharafe
Maanshee go'aankii ku raac madaxdu keeneene

Mid mid ugu dhawaaq hadal cadbuu mudanku sheegaaye
Majiiruhu sidii uu ahaa laysu maqashiiye
Murti dhaxalgaliyo buu ku daray weliba maahmaahe

Wuxu yidhi mataanaannu nahay magaca reer sheekhe
Midigta iyo bidixdaannu nahay meel ku wada yaalle
Maryahaan xidhniyo waa Wadnaha dhiigga maaxsada'e

Maskaxdiyo garaadkay hagaan muuqa dhaayaha'e
Muruqa iyo waa dhabarka iyo maranta Feedhaaye
Inkastooy masaafadu fog tahay meel an kala joogno

Haddii madaxa Daalliyo Hawaash nalagu maansheeyey
Waa mahad Ilaahoo tolkay midha leh weeyaane
Wuxu yidhi ma kala maarannee waysu muhannaaye

Maantii gashaba ways ogyiin madaxda reeruuye
Miridh bay warkuu kala helaan muusannawga ahe
Masiibada heshaa teeda kale waa ku mudantaaye

Waxba hadalka yaan sii mudmudin kuna muraaqoonne
Majiiraha ayuu igala bixin mooski loo dhigay'e
Madhax malaha beentuye runtaa lagu macaashaaye

Mabda'oodi noo soo bandhige magane Ciisuuye
Tol majiiran baa nala dhashoon marin habaabayne
Macaan iyo qadhaadh waxa na hela kama maqnaadaane

Milgahooda kama baaqsadaan maalin dirireede
Haddaan marada dhiiggale u lulo maado way dhigiye
Anigaase maatadan ku filan muuq-shabeelka ahe

Ma-Geydada Isaaq nimanka dhacay mahadin maayaane
Marreexaan Gedood iyo Absame nama miskeedaane
Dadkan mawdku noo soo hor kacay waannu maax duminne

Midgihiyo Sabtana waan u talin Maagga Samarroone
Maarraha Ugaaslabe la baxay waa masala dhaafe
Akishaha masiibadu waddaa waa milga habow'e

Ma-Hadhada Bartire nagula kacay waaba loo marag'e
Abasguulka Malaggiisu galay mudh isa soo siiye
Inuu Gerina noo soo mir tegey meel fog laga sheegye

Maqalloo Gahayluhuna waa noo min tiriyaaye
Mindiyaha Jidwaaq iyo warmuu miridhi dooneeye
Sheekhaashti midabbayn jirtaa noogu maag badane

Isna Muxumud reerii ka guur magansigoodiiye
Malluugahays beddelay waa waqtigu maad u leeyahaye
Madax-gaabtu riiq maleh dagaal laysu maan baxaye

In Maxaysatada lagu dhugtami wayska maan garanne
Maajeenta Qarafbaa belbelin midhan ku tuuraaye
Guul lama maroorsado haddaan looga dhalan meele

Maayaddii Tumaalkiyo hadday murugtay heestiiye
Mawdii Durbaankiyo la waa mooya-tumihiiye
Illayn waxay mashxaraddii ahayd maalmo nabadeede

Ways muujin sheekadu sidii maamka loo dhigo'e
Halkaan Calanka ugu soo muday magansan doontaaye
Muddaduna sidaan filayo waa maalmo dabadeede

Gobannimada kii maal baxshee cadaw mahiibsiiyey
Iyo magaca ka u dhiidhiyee miiratada laayey
Nin kastaba abaal waxa la marin ka u mutaystaaye

Saddex-Magac-Alle inaan dib loo murugsanaanayne
Markhaataan ka dhigayaa tixaha marag ha loo yeelo
Muranbaaba laysugu dhintee maanso iga reeba

-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

18. Gabaygii Dabin .

Gabaygan waxa uu Abwaanku tiriyay wixii ka danbeeyay 1991 isaga oo markaasi talo ku siinaya cidankii SNM ee wakhtigaasi wadanka gacanta ku dhigay, waxa uu Abwaanku u sheegayaa in aanay lays dhigan isla markana markastana dadaal iyo fojignaAn la muujiyo.

Waxa uu yidhi abwaan Qaasim:-

In dagaal dhammaadaa qofkii doqoni moodaaye
Nin da'weyni waa garan qabyada diillimaa hadhaye
Hadduunbaa digtoonoow horliyo hawl la dawdabaye

Debci yaan la odhan Ciidankay luguhu daaleene
Degta Qoriga saarani inuu dego ka xaaraane
Haddaan moosku soo dumin guryaha daad ma soo galoe

Duddadaan adkayn cadawgu waa soo durrinayaaye
Dablaydiyo korjooguhu ilaa u debedda gaafmeero
Dalka niman u dhaarsani illaa ay diirad ku ilayso

oo nabaddu waa noo dugsiye ay didmada goyso
Jeeroo Dastuur lagu dhaqmiyo Dawlad la abuuro
Jeeroo dar adag loo xidhoo duunyo ku aroorto

Illaa maaxda loo daadegoo Dawlis lagu dhaansho
Jeeroo dalkeennii burburay dibu-habayn gaadho
Jeeroo Dariiqyada lafaha daadsan laga xaadho

Jeeroo Ducaa lagu hodmaa diinta lagu dhaato
Jeeroo Marraha lagu dejiyo dararta Yaasiinka
Waa degel Xaslehe meesha yaan laysku dubuq siinne

Denbi iyo fal baa lagu genbiyey daad-mareennada'e
Dameeraaba lagu gawriciyo Deero iyo Xuure
Dabinnaa ku xidhan Yuusufoow labada daamoode

Jeeroo Habaarrada ku dedan debedda loo saaro
Jeeroo doc roon loo xuliyo culimo daaweysa
Jeeroo wadaad doobir lihi Duhur ka eedaamo
Waa degel Xaslehe meesha yaan laysku dubuq siinne

Afartaa dareershay ee waxaan dibugu luuqeeyey
Ka soo doogney diif iyo cadhiyo digasho reeroode
Dugsi caydh ah dhawrkii sanee lagu dabayl rooray

Diiftii Ilaah nooga ray dakharadeediiye
Waxa Duumadii noo beddelay doogsin caano lehe
Dabayl Caafimaad iyo Xorriyad loo durbaan tumaye

Waakaa dadkii soo hormaday doobadka ahaaye
Danabbaa u kacay guushu waa lagama daalaane
Haddaan loo dagaallamin xorriyad lama dabbaasheene

Daandaansigii Faqash raggii diidey ka adkaaye
Nimankii is damalloolin jirey dacar la leefsiiye
Derejooyin been ah yaa garbaha loogu daabacaye

Diidiga markii laysla galay Daab ma soo roganne
Kuwii Shaarubaha duubi jirey daadshe qalabkiiye
Digtii horeba waatay baqaha docaha jiidheene

Odaygii dalqada weyn lahaa derejadii xoorye
Daandaan Tumaalkii markii laysu daadsadaye
Wax la yidhi ma daaficine wuu sii dabayshadaye

Laamuu ka degey baa la yidhi Doon intuu koray'e
Isagiyo Dafleba meesha way dacal banneeyeene
Dabatadiyo ways kaashadeen nimanki Daaroode

Degdeg bay dhulkii uga baxeen duhur dharaareede
Alla doori waa waxan lahayn dir ay ku dhaataane
Dad hadday yihiin sida Riyaha looma didiyeene

Dalan-doolki Nayroobi bay dalaq yidhaahdeene
Dal la'aani waw kow dhul ay dib ugu laabtaane
Debedaha ha meereen illeen diide nabaddiiye

----------------------------------------------------------------------------------------------------------------

19. Macaan iyo Qadhaadh.

Gabaygani waxa uu ka mid yahay gabayada sida aadka ah ay dadka Somalida ahi yar iyo wayn u wada xafidsan yihiin ,waa gabay aad mooddo in uu abwaanku si falsafadaysan uga waramaayo naftiisa amma dadka dhamaan ,waa gabay ay adag tahay in si fudud loo macneeyo amma loo fasiro.

Gabaygani waxa uu ku tusinayaa in Bini-aadmiga Ilahay abuuray aan lagu qiimayn karin oo kaliya waxa kaga muuqda dahrigiisa , balse ay suura gal tahay in qofkasta oo Ibni-adam ahi uu leeyahay Johorod isaga ku qarsoon oo Ilahay mooyane cid ogi aanay jirin.

Gabaygani waa gabay is macnaynaaya, hadana marka aad dhankale ka eegto aad moodo garasha laanteena awadeed mid iska hor-imanaaya ,waa gabay si sax ah uga waramaya naf ay dhexdeeda is-diido taalo .

Abwaanku aqoon dheeridiisa ,waxa uu gabaygan isugu keenay waxkasta oo aan isku meel gali karin amma aad isleedahay malaha isuma iman karaan ,balse waxa uu layaabku yahay sida uu Abwaanku hadana isula falgaliyay ,isaga oo sawirka guud inoo tusaaya in aanay jirin wax isdiidani .

Waakan gabaygii Macaan iyo Qadhaadh.


Dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe
Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle
Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode

Midi waa martida soora iyo maata daadihise
Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe
Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye

Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae
Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone
Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye

Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala'e
Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye
Marbaan ahay nin xaaraan maqdaxa aan marin jidiinkise

Marna tuug mu'diya baan ahoon maal Rasuul bixinne
Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye
Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye

Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye
Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane
Marna reer magaal Loofaroon muuqan baan ahaye

Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays rogae
Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe
Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye

Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane
Malaa'iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye
Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay

Ee inan rag maamuli yiqiin waa i maan garanne
Ninkasta halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu
Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin
Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye

---------------------------------------------------------------------------------------------------------

Waxa aan intaasi kusoo gaba-gabaynayaa tariikhdii koobnayd ee uu lahaa abwaankeenii qaaliga ahaa Rabbi qabriga haw nuuree, Axmed Ismaciil Diriye (Qaasim) waxanan hubaa in abwaanku uu intan ka tariikh dheeraa kana gabayo badnaa ,balse aniga waxa uun ay iga ahayd baraarujin iyo in aan la ilaabin abwaankaasi qaaliga ahaa ee Qaasim ,marka ay ugu yar-tahayna loo duceeye ,waxaa laga yabaa in ducooyinkaane Ilahay u aqbalo .

Waxa aan si kal iyo laableh uga codsanayaa bulshada Somaliyeed ee haysa wax uun ku saabsan tariikhda abwaanka sida Gabayo,halku dhigyo iyo dhamaan tariikh nololeedkiisii in ay iigu soo gudbiyaan barahayga hoos ku qoran.

Waxa a kale oo aan halkan kaga cudur daranayaa ,in tariikhdan sababta aan usoo qaatay aanay ahayn mid aan isleeyahay umada Somalida oo horayba u kala irdhowda ku xasuus gali xiliyadii adkaa ee ay soo martay ,balse waxa ay iga tahay uun tariikh iyo ururin abwaanka oo anuga dhankayga ugu ahaa mid igu qaali ah.

Wabilaahi tawfiiq.
W/Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

khadar-aar.blogspot.com