SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maanso: Ribo waa dhunkaal daran .

 
Maansadan Ribo Waa Dhunkaal Daran waxay digniin iyo waano u tahay rag ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland iyo qaar suuqa kala socda oo Culimo Diinta akhrida waayo hore ahaan jirey oo ka dhacay baabuurka dacwada ee ay saaraan jireen oo doonaya in ay horseed u noqdaan hirgelinta Ribada. Iyaga oo Dastuurka ay Xildhibaanada u yihiin ee loo doortay in ay difaacaan kaas oo asaas looga dhigay shareecada inaanu khilaafin aanu marnaba ogolayn Ribada.

 
1. Bulshayahay dareenkaa
2. Danabyaday ridayaan
3. Dakharada isdaba taxan
4. Doogahan is dabayaal
5. Doodahan isdaba maray
6. Kudkan soo durduriyee
7. Geeleenii dabar jari
8. Kaarahan duda yimid
9. Kabaxeedan doolka ah
10. Cuduradan dareerka ah

11.Derejiyo iyo wanaagiyo
12. Doorashadii xorta ahayd
13. Wixii duunyo lagu falay
14. Aqoon durugsan loo filey
15. Waxa wada nimaan direy
16.Sahankiisa dooyada
17. U dalaali-maysnaa
18. Reerka u da’ weynaa

19. Halkuu daaficiisiyo
20. Baylahdiisa durugtiyo
21. Xadhkaa dawliskee adag
22. Wadaantiisa doorka ah
23. Ceelalyadiisa damaqa leh
24. Gabadano ku dubatoo
25. Hogol soo da’aysoo
26. Dabayshii ku dhabatoo
27. Calaydhkii derderayoo
28. Hadba doogsin orodkii
29. laga rabay dadaal badan
30. Isagaaba dagayoo
31. Dabinada u xidhayoo
32. U deldelay laacii
33. Raadkii ka dabar jaray
34. Godka Dhidib ku duugoo
35. Giraanta ku dagagaray

36. Waxse ugu daraan badan
37. Loo hamiyo-digleeyahay
38. Daacadnimadu waa sede
39. Shicibku wuu dadaaloo
40. Dastuur bay samaysteen
41. Diinteena hodanka ah
42. Dabar looga dhigayoo
43.Gaal Iblays dulaystiyo
44.Aan Cilmaani dagi karin

45. Hadday ugu daraayeen
46. Hadday Eebe doonteen
47. Daa’uud hadduu shiday
48. Dogob qiiqle oo kulul
49. Cartan uu daba maray
50. Duurkii ku sii shiday
51. Batroolkii duxaayey
52. Siciid uu ku sii daray

53. Dadku ha ogaadeen
54. Ribo waa dhunkaal daran
55. Hooyadii nin daba fadhay
56. Wax ka deyey sidiisii
57. Waa dagaalka Eebuhu
58. Ku duleeyo kii gala
59. Waa dakano Ibliis wado

60. Ninka doodan fura ee
61. Geesinimo dar sheegtaa
62. Waa doobir laawoo
63. Waa doqon wadkii galay
64. Dalandool haraadkiyo
65. Danbaabidhada naafada
66. Dab inaad ku gubatiyo
67. Dibindaabyo how jabin
68. Dadka hayga laynoo
69. Digaxaadh ha marinoo
70. Duunyana ha doorbidin
71. Haw delaysaan taa guul
72. Haka daalin waracnimo

73. Hadaad naaxdo doorkaan
74. Duubiyadu ku kuusmaan
75. Dub xaaraan ku soo baxay
76. Naar baa lagu daliigaa
77. Ee ka joog dibara jaan
78. Dubayaasha naartana
79. Haku dulayn naftaadoo
80.Isa soo dabaaloo
81. Aan kuu ducaynoo
82. Aan kuu digee hooy

83. Duqaydiyo waxgaradkiyo
84. Doorkooda Culimada
85. Wacdigooda dahabka ah
86. Een daboolku saarayn
87. Ka dhaxleen dirkii hore
88. Iyo kuwii la soo direy
89. Jidhkoodaa dubaaxshoo
90. Qalbigaa diriganayoo
91. Way diir naxeenoo
92. Dan baa meesha taaloo
93. Aday kuu damqanayaan
94. Ha diidinee adigu joog

95. Amba daaci baan ahay
96. Alle doonistiisiyo
97. Haybinaaya deeqdii
98. Hayga daalin maandhow
99. Dhegahaas dareenka leh
100. Haday kuu daloolaa
101. Damqashaa I haysee
102. Aan kuu digee maqal

103. Diilaalyo adoo qaba
104. Sida midhaha daraygoo
105. Dirxigii ku jira oo
106. Dantu ku durquuntoo
107. Waa daruuro iman kara
108. Tani waa dab iyo boog
109. Haw daraan dadkaagoo
110. Doocaan dharkayniyo
111. Deebaaq dhunkaaliyo
112. Dhiro-dhabato haw karin

113. Digniintaydu waa dirir
114. Dabuubtaydu waa guluf
115. Dardaarankaygu waa samir
116. Degdege waa dammiin falan
117. Doc ka yeedhku waa nacas
118. Shaydaankuu la deris yahay
119. Markii uu dagaal adag
120. Iyo diilalyada ciil
121. Muusihii darnaan jirey
122. Nebigii(NNKA) la soo direy
123. Ka difaacay cadowgii
124. Waa kii dooda kaga baxay

125. Dammiinimadu waa shille
126. Dulmigana iska ogow
127. Talo duugta reebtana
128. Dalambaabi how odhan
129. Xasadkii iskaga durug
130. Derejadaan ku saariyo
131. Dadaalkaan ku Faray iyo
132. Golahaa dadweynaha
133. Baarlamaanka doorka
134. Adigiyo dadaalkaaga
135. Dib how guraninee soco
136. Xaqa doojiyoo orod

137. Dura Quraankii soo degey
138. Ayaa dabarkeeda jarayoo
139. Ayaadkaa diidana
140. Baqraa lagu dareershoo
141. Diiwaanka lagu qoray
142. Demenaantu waa ceeb
143. Digashadu shilweeyaan

144. Awrka dabar la’aan dhacay
145. Libaax baa ku doobyoo
146. Waraabaa docdii fura
147. Dibindaabyo weeyaan
148. Sunnadoo la dadafeeyn
149. Haku dagmin walaalo
150. Duul duulka maantoo
151. Ha-iska daansho daanshoon
152. Xasadkana iska durug
153. Ubadkaaga dahabka ah
154. Dakanooyin haw dhigin
155. Dhuxul damaska hoos taal
156. Dhamac dadan hakaga tegin


Maansada waxaa ku jira macnaha Aayaadka Quraanka ee Ribada xarimay iyo Axaadiista Rasuulka NNKA oo dhawr tusaale halkan hoose ku qorayo:



يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَذَرُوا مَا بَقِيَ مِنَ الرِّبَا إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ (278) فَإِن لَّمْ تَفْعَلُوا فَأْذَنُوا بِحَرْبٍ مِّنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ ۖ وَإِن تُبْتُمْ فَلَكُمْ رُءُوسُ أَمْوَالِكُمْ لَا تَظْلِمُونَ وَلَا تُظْلَمُونَ (279) سورة البقرة

وعن عبد الله بن حنظلة غسيل الملائكة قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: درهم ربا يأكله الرجل وهو يعلم أشد من ست وثلاثين زنية. رواه أحمد، والطبراني في الكبير، والأوسط، ورجال أحمد رجال الصحيح.

روى الترمذي (614) وحسنه عَنْ كَعْبِ بْنِ عُجْرَةَ رضي الله عنه قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : (لَا يَرْبُو لَحْمٌ نَبَتَ مِنْ سُحْتٍ إِلَّا كَانَتْ النَّارُ أَوْلَى بِهِ) وصححه الألباني في “صحيح الترمذي" .

ورواه أحمد (14032) من حديث جابر بن عبد الله رضي الله عنهما ، ولفظه : (لَا يَدْخُلُ الْجَنَّةَ لَحْمٌ نَبَتَ مِنْ سُحْتٍ ، النَّارُ أَوْلَى بِهِ) وإسناده جيد ، وانظر سلسلة الأحاديث الصحيحة (2609) .



والسحت هو الحرام الذي لا يحل كسبه ، لأنه يسحت البركة أي يذهبها
Fure:

1. Kud, Kaare, Kabax, dhammaantood waa cuduro geela ku dhaca.

2. Dhidibka iyo giraantu waxay gashaa godka sakaaradda iyo xayaawanada kale lagu dabo si dabinka loogu qabto.

3.Dharkanyga waa Geed dheecaankiisu nabaro abuuro. dhunkaal waa sun laga keeno dhirta qaar khatara IWM.

4. Cartan & Siciid waa xildhibaano dooda ribada la fasaxayo u taagan. Ina Daa’uud waa wadaad qoray maqaal xaaraantinimada ribada si fiican ugu lafa guray, hadana yidhi ka maarmimayno, sidii culimaddii reer Bani Israa’iil ee caamadooda iska raaci jirtey!!!!


W/C: Sheekh Ibrahim Xirsi Galow