SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso dhab ah:Masayrka raggu ilayn waa masiibo qarsoon !

Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw ee Islanimada inagu galadaystay,kaasoo Nabi Muxamed (N.N.K) inoogu soo dhiibay Waxyiga Quranka ee dhamayska tirnaa.

Hor-dhac:-

Sheekadan halkan idiinka soo socota waa sheeko iyo qisso dhab ah oo ka dhacday wadan wadamada Yurub ka mid ah,taasi oo iila muuqatay in aan dadka usoo gudbiya in ay fiican tahay , madama aan u arkay in ay tahay sheeko waxbadan laga faa'idaysan karo .

Magaca sheekadu sida kor ku xusan waxa uu yahay "Masayrka raggu ilayn waa masiibo qarsoon" iyada oo sababta aan sheekadan ugu magac daray ay tahay kadib markii aan wax badan ka ogaaday in sheekadani ay raad wayn ku leedahay nin gabadh jeclaaday kadibna Masayr iyo hiinase ku dhacay awadii uu gabdhii uu jeclaa uu foolxumo kula dhaqaaqay.

Akhristayaal inaga oo ilaalinayna xuquuqda iyo karaamada ay leeyihiin dadka ay sheekadani sida gaarka ah ay u khusayso ,ayaa waxa aynu qarindoona sida inta badan dhacda marka sheekoyinkan oo kale la qoraayo magacyada dhabta ah ee ay dadkani leeyihiin.

Waxa aynu sheekadan ku mala-awaali doonaa ,magacyo aan isleeyahay waxa ay u qalmaan dadka ay sheekadini khusayso ,magaca ugu horeeyaa waa Kariima oo aynu ugu yeedhi doono gabadha sida wayn ay sheekadani u khusayso amma aktarada Magaca labaadna waa Muxsin oo ah ninka sida layaabka leh sheekadan ugu suntan iyo Magaca sadaxaad oo ah Daacad oo isaga laftiisu sheekadan kaalin laxaadleh kaga jira.

Gogol xaadh :-

Dunidan aynu ku nool nahay doodi kama taagna in ay Jaceyl ku uu yahay wax jira oo Ilahay csw Aadmigiisa ku abuuray ,qofkasta oo aad waydiiso waxa uu yahay jacaylku waxa uu ku sheegayaa in uu jacaylku jiro balse waxa laga yabaa in qofkastaba uu qaab gooniya u fasiro.

Qofka uu jacaylku hayaa waxa la mid yahay , qof saaran Doon Bilaa shiraaq ah oo badwaynta dhexdeeda ay mawjadaha baddu ay marba meel ku tuurayaan,cid uu miciin sadaana aanay u muuqan .

Isbarasho dhex martay laba qof ayaa kow u ah asaaska jacaylka ,kadibna waxaa bilaabanta xiiso iyo wada sheekaysi kaasoo looga sii gudbo kalgacal iyo is-raali galin aakhirkana u gudubta jacayl dhab oo ay laba qof isu qadaan amma mid ahaan uu kan kale uu qaado.

Inta badan sheekooyinka kusoo aroora jacaylku, xiisu badan ma yeeshaan hadii ay labada qof ee isjeceli ay yihiin kuwo isaga garabaa ,isku sina u wada arka jacaylka ay isu qabaan inta uu leeg yahay,balse waxa ay sheekadu xiiso iyo xamaasad gooniya leedahay dadkuna ay jecel yihiin ,marka labada qof mid ka midii uu si daran wax u jecel yahay ,kan kalana aanu ku raacsanayn.

Jaceylku waa dareen ,waa lahasho ,waa hibasho , qofka wax jecel waxa ku abuuran warwar iyo walaahaw, qofka jacaylku hayaa waa jooge maqan oo aan dhanaba jirin,ma seexdo oo hurdo way kala tagaan .

Jacaylku malaha dhakhtar loola tago iyo daawo laga liqo oo markaaba kaa bogsiisa balse waxaa dhakhtar iyo daawaba u ah qofka uu jacaylku hayo, in uu helo qofkuu jecaylaa ee qalbigiisu la jiray.

Hadii aan jacayl jirin , jaar lam ahadeen

Hadii aan jacayl kirin , Jagi lama cayareen

Hadii aan jacayl jirin , Adunyadu ma joogteen.

Sheekada madama ay dhinacyo badan oo dad ahi ay ku jiri karaan ,waxaa aniga sheekadan xogteeda oo buuxda i siiyay si aadana iiga codsaday in aan qoro ,mid ka mida darafyada ay sheekadani khusayso ,kaasi oo ahaa mid qisadan iyo sida ay u dhacdayba bilaw ilaa dhamaad la socday.

Qaybta 1-aad ee sheekadu waa tan :-

Kariima waa gabadh Somaliyeed oo qurux badan , waa gabadh midabka ugu fiican ee mariin-dhalaalka xiga leh,waa gabadh wajigeeda ka dhawrtay is-cadaynta aan cilmiga ku dhisnayn ee dumarkii Somaliyeed qaar ka mida lagu ibtileeyay ,waa gabadh dhererkeedu meel dhexaad tahay ,waa gabadh jiniyad leh oo muuqeeda marqudha aanad ka jeedsanayn.

Kariima qofkasta oo arkaa amma bartaa waa gabadh aanu ka xiiso goynayn, bulshonimo iyo bashaashnimo diin ku salaysanna Ilahay ku manaystay ,waa gabadh ku dadaasha in ay ka fogaato waxkasta oo ay isleedahay sharafteeda iyo dhagtaada ayuu dhawacayaan.

Kariima waa gabadh ay adag tahay in si fudud ay u duufsadaan ,dhalinyarada iyo dhabcalada inta badan aan dhawrin dhagta iyo sharafta gabdhaha Somaliyeed ,waa gabadh ka dhiidhida xumo dhamantii ,tasoo gabdhaha la dhigaalka ahna ku dhiirisa in ay dhag xumo dhamaan teed ka dhawr-sadaan.sidoo kale waa gabadh ku fiican waxtarka iyo taakulaynta dadka .

Kariima waxa ay ka dhalatay Qoys Somaliyeed oo sharaf iyo karaamo ku dhex lahaa dadkii ay la degeenka ahaayeen ,waxay ka dhalatay qoys aan dhaqaale buuran haysan , waxa ay la noolayd Aabo iyo Hooyo u darban sidii ay nolosheeda iyo tan caruurta ay walalaha yihiinba u daryeeli lahayeen.

Wakhti lagu qiyaasi karo 1993 ayaa Kariima waxa ay hoyadeed ku dhimatay dalkii Somaliya iyada oo u dhimatay xanuun kusoo boodo ahaa , waxaa sidoo kale rabshadahii wakhtigaasi dalka ka jiray isagana dhawac kasoo gaadhay abaheed ,intaasi wixii ka danbeeyay Kariima iyo caruurtii kale ee ay walalaha ahayeenba waxa soo food saartay duruuf aad u adag.

Kariima iyo caruurtii ay walalaha ahayeenba, waxa uu qorshahoodu noqday in ay kala qaybsadaan dadkii ehelka ugu dhawaa sida Edooyinkii iyo Habaryarahii iwm taasi waxa ay sababtay in dhamaan caruurtii walalaha ahaa ee is-dugsanayay qaarbe meel la geeyo duruuf iyo dantimi awadeed.

Qaybtii 2-aad ee sheekada:-

Hadaba Kariima oo ah gabadha ay sheekadan jacaylka ahi ku socoto ,waxa ay cimrigeeda intii ay jirtay ay kusoo kacaantay duruufahasi kala wada gadisdan ee aynu qaar kamida kor kusoo xusnay.

Kariima madama ay kusoo kacantay noloshaasi sida kooban aynu ugasoo waranay lana soo kulantay xiliyadii uu dalku aadka u dhibatada badnaa ,waxa aad dareemi kartaa qof gabadh ah walibana aan sida u da'waynayn sida uu duruufta noocaasi ah uga soo bixi karto.

Kariima wax ay soo kacaa kuftaba ,wakhti wakhtiyada ka mid ah ayaa waxa ay timi wadan ka mida wadamada Carabta ,muddo ka bacdina waxa ay ku fikirtay in ay safar dheer u gasho wadamadaasi yurubta ee dadka badan kiisu u hayaamaayo.

Safarkii u horeeyay ee ay kaga soo baxday Carabta waxa ay ku timi dalka Turkiga muddo ka bacdina waxa ay usoo dhaaftay sida cadada ah dalka xiga ee Giriiga halkaasi oo ay kula kulan tay dhibatooyin aan yarayn ,iyada oo tiraba dhawr jeer ku hungawday sidii ay uga soo bixi lahayd ,inkastoo markii danbe Ilahay u fudaydiyay .

Dadka yaqanaa marka ay tilmaamayaan gabadhaasi waxa ay ku naanaysaan Wiilo, magacaasi oo ay ula jeedaan ,dareenka ay ka qateen kartida iyo hawl-karnimada dheeraadka ah ee ku jirta ,taasi oo la odhan karo waa mid ay ka dhaxashay walidkeed iyo waya-aragnimadii faraha badnayd ee ay soo aragtay intii ay noolayd.

Qaybtii 3-aad ee sheekada.

Kariima Ilahay qadarkii iyo dadaalkeedii faraha badnaa ee ay samaysay waxa ay kusoo gaadhay qaradii ay ku hamiyaysay ee Yurub gaar ahaan wadanka Sweden, madama aanay wadamadan yurubtu sida la moodaayo aanay ahayn,hadana Kariima waxa ay markiiba gashay Kamamka Qaxootiga laga diwaan galiyo ,Ilahay mahadi haka gaadhee waxa ay markiiba gacanta ku dhigtay sharcigii dalka Sweden .

Sida ay cadadu tahay waxa ay bilawday in ay barato Luqadii wadankan ay sharciga ka heshay ee loo yaqaano SFI (svenska för invandrare) waxbarashadaasi oo ay ku jirtay muddo dhan Laba sano ,iyada oo sidii loo baahna uga soo dhalaashay si fiicana ugu hadashay.

Madamaa qofkasta oo Somali ah oo wadamadan Yurub yimaadaa sharcina ka hela ay khasab ku tahay in ay taakule dhaqaale ay ka sugayaan qaraabo iyo ehelkii uu ka yimi ayaa Kariima lafteedu waxa aan caad ka asarayn in dadkii ehelka u ahaa ay ka wadankii kaga timi in ay waxtarkeeda dhawrayaan.

Qaybtii 4-aad Kariima iyo ninkii jeclaaday:-

Madama ay Kariima wakhtigaasi ay u diyaar garawday in ay shaqo raadiso ,ayaa waxa ay fariimo badana u dirsatay cidkasta oo ay isleedahay waxa ay kaa caawin karaan in aad si degdeg ah shaqo u hesho .

Hadaba waxa ay iyada iyo inan (gabadh) ay saxiib yihiin la xidhiidheen nin oday ah oo lagu magacaabo Muxsin ,kaasi oo wakhti aad u badan wadanka joogay isla markana ka mid ah dadka u dhuunta daloola sida wadankan shaqooyinka looga helo ,kaasi oo ay qaraabo dhaw ahayeen Kariima saxiibadeed.

Wakhti yar ka bacdi Muxsin waxa uu ugu bushaareyay labada Hablood in mid kamida oo uu si gaar ah u danaynayay in uu shaqo u helay ,isaga oo inantii kalana u balan qaaday in aanu ka fadhiisan doonin shaqo u raadin teeda .

Nasiib wanaag amma nasiib darro midka aad doontaba ku macneeyoo ,gabadhii ay Kariima saxiibka ahayeen waxa ay noqotay mid aanay shaqadii usoo bixin, kadibna waxa ay iskaga calool adaygtay in ay gobolkeedii shaqo ka raadsato.

Sida runta ah Muxsin waxa uu Kariima u dhameeyay dhamaan wixii ay taakulo ay uga baahnayd dhinaca waraqaha shaqada , madama aanay gobolkan cid ka garanayn , waxaanu tunka u ritay masuliyadii gabadhaasi ,waxa uu u diyariyay waxkasta oo u sahlaaya in ay shaqadii ay heshay u timaado.

Kariima waxa ay usoo qalab qaadatay safarkii dheeraa ee ay ku imanaysay gobolkan ay shaqada ka heshay ,waxa ay soo raacday Tareenka ,waxa kaliya oo ay isku halaynaysaana Ilahay inta ka sokaysa waa Muxsin oo aanay aqoon badan u lahayn wax kaga imana aanay ka warhayn.

Qaybtii 4-aad waa kuma Muxsin :-

Muxsin waa nin lagu tilmaami karo da'ahaan dhalinyarada cuslaatay ,waa nin asal ahaan aad is odhan karto waxa uu u dhashay qurux inkastoo duruufta badan ee yurub talaa ay qofka dhalin-gadiyayso ,waa nin dherer kiisu meel dhexaad tahay midab ahaana casaan u dhashay.
Muxsin waa nin la odhan karo aqoon tiisa waxbarasho way dhisan tahay ,waa nin wakhti aad u badan ku noolaa wadamada yurub, waa nin ku hadla luqada svenska iyo Ingilishta ,waa nin dabeecad ahaan marka uu ku rabo aanad ka xiiso goynayn.


Hadii aynu wax ka tilmaano Muxsin iyo dhinaciisa shaqada ,runtii waa nin shaqaysta oo isku filan ,waa nin isku tashada oo aan cidna ku tashan inta Ilahay ka sokaysa, waa nin inta badan ku hawlan in waxkasta oo uu isleeyahay waa aad ka midha dhalin kartaa ku dadala siduu uga gun gaadhi lahaa.

Muxsin magalada uu wadanka ka degan yahay si fiican ayay isu yaqanan dadka ku nool gaal iyo muslimba ,waxaanu dhaqan u leeyahay qofkasta oo ay markaasi isku cusub yihiin in uu si ixtiraamleh usoo dhaweeyo .

Dhinaca Diinta Muxsin waa nin wadaad ah ,mararka qaarna Masjidka kaliya ee ku yaala magalada uu joogo isagaba Imaam , Mu'adain iyo sheekha khudbada jimcaha akhriyaba isagaa ah .

Qaybtii 5-aad kulankii Kariima iyo Muxsin.

Muxsin waxa uu Kariima u sameeyay soodhawayn tii u wanaagsanayd ,waxa uu ku qaabilay gacma muran ,waxa uu u muujiyay dareen walaal nimo oo aad ka dheehan karto in aanu ka madhanayn mid jacayl iyo rabitaan ,xaqna uu u leeyahay .

Inkastoo aanu Muxsin haysan guri fiican oo uu gabadhaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyo, hadana kamuu yaraysane waxa uu u baneeyay Qolkisii yaraa ee labada mitir ahaa ee uu Hotelka kaga jiray ,isaguna waxa uu u xamaan gurtay barandhe wayn oo uu Hotelku leeyahay .

Muxsin soo dhawaynta uu gabadhaasi u sameeyay,waxa ay gaadhay heer ay Kariima ay ka dareento in uu ninkani yahay nin fiican oo aan la hilmaami karin dhinaca walaalnimada iyo wanaaga uu leeyahay , iyada oo dhankeeda markasta u haysay ixtiraamka uu ka mudan yahay .

Muxsin waxa uu Kariima u qalqaaliyay dhamaan waxyabahii kaga xidhnaa dhinaca shaqada madamaa ay gobolka ku cusub tahay ,Muxsin waxa uu u sameeyay gabadhaasi waxkasta oo uu is odhan karo waa ay u bahan tahay ,sida isaga oo u sheekeeya ,la fadhiista ,madadaaliya ,mararka qaarna magalada soo kala bara.

Waxa ay in badan Muxsin kala hadashay in uu ninka Hotelka iska leh ay u sheegaan in ay u bahan yihiin Qol labaad oo uu seexdo Muxsin taasina waa ay sugayaan oo balan taasi waxa ay u talaa Hotelka.

Kariima iyo Muxsin waxa ay noqdeen laba qof oo walaal nimo iyo ixtiraam fara badani uu ka dhaxeeyo,Kariima waxa ay si aan gabasho lahayn u bartay Muxsin reerka ay ka dhalatay sheekh iyo shariifba , sida Abaheed, walasheed ,iyo dhamaan wixii ehel iyo qaraabo u joogay wadanka ay dagan tahay ,taasi oo ku tusinaysa sida fiican ee ay isugu aamintay.

Maadama wadamadan Yurub ay khasab tahay in qof kastaaba uu cuntadiisa karsado ,waxa khasab ay ku noqotay Kariima iyo Muxsin in ay hal dhari wax ku wada karsadaan , lacagtana midkastaba uu qaybtiisa bixiyo ,iyada oo ay labadooduba ay shaqeeyaan, hadana waxaa inta badan cunta samayn jirtay Kariima madama wali uu iska sii jiro dhaqankeenii ahaa in dumarku wax inoo kariyan raguna uu meelahaas is amiiriyo.

Waxyabaha faniga ah ee markasta Muxsin iyo Kariima ka dhex dhici jiray waxaa ka mid ahaa ,in Kariima madamaa uu Muxsin yahay nin aad uga wayn dhinaca da'da ,in ay ku karaamayn jirtay markay u yeedhayso erayga "adeeeeeeer" balse Muxsin eraygaasi adeer ma uusan jeclaan jirin ,waxaanu u arki jiray in uu yahay mid ay ku fogaynayso gayaan nimadiisa dhinaca guurka !!

Kariima lafteedu caqligeeda ayay qabtaaye waxa ay eraygii "Adeeeeeeer" ku badashay madama uu muxsin dhibsaday kelmadda Walaalo ,inkastoo uu Muxsin uu kelmaadaasi walaal uu aad ugu riyaaqi jiray, hadana waxa uu kasii jeclaan lahaa in ay markasta oo ay u yeedhayso ay ku tidhaahdo inaabti Muxsinow "abeensadii farta loo taagay fanaxay u boodaa" .

Qaybtee 6-aad sheeko wadaagtii Jacaylka.

Kariima wakhtiga ay shaqada kasoo rawaxdo waxa ay inta badan jeclaan jirtay in ay fadhiisato kuna nasato hoolka wayn ee Hotelku leeyahay ,kaasi oo dadka oo dhami isugu wada iman jiray laguna daawan jiray TV-ga ,balse Muxsin isagu muu jeclaan jirin fadhiigaasi iyadana lamuu celayn, sababta oo ah waxa aad u karhi jiray cidkasta oo uu isleeyahay gabadhaasi ayay baranayaan.

Muxsin madama ay in muddo ah ay wada daganayeen isaga iyo Kariima ,waxa uu oogaaday in ay gabadhani tahay tii Somalidu ku maahmaahday in la guursado "Boqol kala-bax"waxa uu go'aan saday goor ay noqotaba in uu gabadhan gacanta ku dhigo ,Muxsin war kuma seegana in gabadhani ay wakhtigan xaadirka ah ay madax banaan tahay ,warkaasi oo uu helay intii aanay gobolka iman.

Somalidu waxa ay ku maahmaahdaa rag damac iyo dacari kama dhamaate ,madama uu Muxsin sida laga warqabo uu ahaa markii horaba nin guurdoon ah ,ayaa hadana waxa ay arintiisu noqotay ,meel aan rabay roob maygu eryay ,macnaha gabadhii sifaheeda aan ka fikiri jiray ayaa Ilahay csw afka iiga soo gashay.

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Ilayn noloshu guul ma leh.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Muxsin waxa uu u yeedhay Kariima ,waxaanu si aan gabasho lahayn ugu soo bandhigay jacaylka dhabta ah ee uu u qabo ,waxa uu u sheegay in uu go'aan saday dhankiisa in uu guursado.

Muxsin waxa uu Kariima u sheegay inkastoo uu dumar aan sidaa u badnayn uu soo guursaday ,hadana wali aanu arag gabadh iyada la mid ah ,waxa uu uga waramay waxa uu ku doortay oo dhan.

Waxan aan maleeyee , ii muuqan wayee

maankayga xadayaa , waa muhashadadee

Maree jacaylkaa , ila maaxdumaayee

Ma'ilaawin maalmahan , Mahadhada jacayl'kee

Ma'imiray anoo moog ; waa layla magee.

Kariima markii uu codsigaasu usoo gudbiyay Muxsin ,waxa ay jawaabtii ku noqotay Laf-dhuun-gashay ,waxa ay odhan kari wayday maya ,waxa kaloo ay odhan kari wayday haa arintuna waxa ay ku noqotay af-kala qaad .

Kariima marna maskaxdeeda may galin kamanay filayn in Muxsin arin sidan oo kale ugu culus in uu usoo bandhigaayo,waxa ay jeclan lahayn in barashadu halka ay hada marayso ee walalnimada in aan laga dhaqaajin .

Kariima codsigii Muxsin aadbuu maskaxdeeda u ruxay ,waxa uu kiciyay dareemadeeda ,Muxsin waxa ay u sheegtay in ay rabto in ay wadankan ay waxbarasho ka gasho ,waxa kaloo ay ku dadaashay in ay fahamsiiso in ay iyadu tahay qofka kaliya ee ay dhici karto in aay maanta mustaqbal kasugayaan dadkii ay ka dhalatay .

Kariima iyada oo ixtiraam iyo sharaf u haysa Muxsin, ma-aysan odhan sida dadka qaarkii walaalow kuma rabee iga raali ahaaw,balse waxa ay si lagarawsan karo ugu soo bandhigtay qorshayaasheeda ay rabto in mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ay ka midha dhaliso ,kuwaasi oo ay mid mid ugu sharaxday .

Waxa ay ku tidhi walaal wakhtigan xadirka ah ma gali karo arin guur,taas macnaheedu mahan in aan adiga ku diidaayo ,waan ogahay oo waxa aad igu leedahay ixtiraam waxa aad tahay qofka kaliya ee sida fiican ee sharafta leh ii gacan qabtay,wanan kuu ogahay abaalkaasi, balse ma garan karo goor aan gudi doono sidaa awadeed walaal arintaasi guurka waxaan jeclaan laha in aad iga dhaafto!!

Qaybtii 7-aad ee sheekada :-

Somalidu waxa ay ku mahmaahdaa nin meeli ka cadahay meeli ka madaw ,Muxsin marnaba kamuu filaynin in ay Kariima codsigiisa dib usoo celinayso ,balse wadaadkii isaga ahaa ee Muxsin diidmadaasi waxa ay ku noqotay fajac iyo lama filaan .

Waxaa meesha ka baxday rajadii iyo yididiladii uu iska dhaadhciyay ,waxa iyana beenawday hadaladii suuqa la isla dhex marayay ee ku wajahnaa guurka Kariima iyo Muxsin taasi oo inta badan uu isagu sabab u ahaa kadib markii dad badan oo ay saxibo dhaw yihiin ugu bushareeyay in uu dhawaan gabadh layidhaa Kariima uu aroos la gali doono.

Dadka qaar waxa ay u qaadan waayeen sida ay wax u dhaceen iyo sheekoyinkii uu Muxsin niyada isugu dhisijiray, kuwaasi oo ay ka mid ahayeen in isaga iyo Kariima waxkasta ay isla meel dhigeen wax ka qabyiina aanu jirin.

Muxsin wakhti yar ka hor waxa uu dadka qaar gaadhsiiyay in isaga iyo Kariima aanay jirin wax guurkooda ka qabyo ahi, xataa haday tahay isla jaan gooynta qadarka uu meherku noqonaayo ,habeenka arooska iyo waxkale kuma garatide in xaflada aroosta cida imanaysa ma hebelbaa mise heblaayo farta la isugu fiiqay go'aan cadna lagu kala tagay.

Qaybii 8-aad ee shekada.

Kariima iyo Muxsin waxaa soo kala dhex galay waxooga mad-madaw ah oo ka bilaabmay diidmadii codsigii guurka ,waxa midiba uu midkii kale ka dareemay waji dadab aan sidaasi u badnayn ,gaar ahaan Muxsin waxa uu isu arkay in uu yahay nin aan garawshiiyahii uu lahaa aan la maranin , abaalkuu galayna aan loo gudin.

Kariima maha gabadh la odhan karo waxa ay moog-tahay abaalkii iyo abaabulkii uu lasoo galay intii ay gobalkan timi ,waxa ay og tahay kaalintii libaax ee uu ku lahaa helitaanka shaqadeeda .

Waxa ay si kal iyo laab ah Muxsin ugu sheegtay kuna celcelisay in if iyo akhiraba ay u hayso abaal aan la koobi karayn,balse wax ay sidii Dayax shan iyo tobnaad ugu cadaysay in ay xaq u leedahay in waxkasta oo mustaqbalkeeda tabanaya in aan ka fiirsato, waxa ay in badan ku celcelisay in aanu isku qaldin abaalkii fiicnaa ee uu u galay iyo go'aanka mustaqbalka noloshayda .

Ayaamo ka bacdi ismaan-dhaaf kii labada dhinac waa uu soo xoogaystay, Muxsin si aan gabasho lahayn ayuu gabadhii geeska u galiyay,waxa uu ku bilaabay amaro iyo hadalo aanay ka filay oo badankoodu deelqaaf yahay .

Waxa uu khasab kaga dhigay in marka ay shaqada ka timaado ,ay agtiisa iska soo xadiriso ,waxa uu ka diiday in ay cidkale oo aan isaga ahayn la hadasho lana fadhiisato, waxa uu cunaqabatayn kusoo rogay dhamaan socodkedii ,waxa uu u isticmaalay masuliyadii ka saarayd mid uu xoriyada kaga qaadaayo ,waxa uu ula dhaqmay sidii sarkaal amar siinaya askar dhibooya .

Ayaamo ka bacdina waxabu bilaabay in isaga oo ku caragsanaaya uu cuntadeedii sharafta lahayd uu wax ka sheego, isaga oo ilawsan in wakhti sii horaysay uu dadka qaar ugu sheekayn jiray gabadhan iyo sida ay u cunto karis fiicnayd .

Ilahay qofka dhibanaha waa uu arkayaaye ayaamo ka bacdi waxa ay heshay qol ay uga guurto midkii uu lahaa ee ay ku jirtay ,madama ay ku jirtay qol uu Muxsin lahaa hadana waxa uu ahaa mid culayskiisa leh oo aanay ku haysan raaxo dhamaystiran madamaa uu yahay guri ay marti ku tahay ,balse markii ay ka guurtay habeenkii u horeeyay waxa uu noqday mid tariikhda ay ku xasuusato hurdadii ay gashay .

Qaybta 9-aad ,waxaa sheekadii soo galaya nin layidhaahdo Daacad :-

Daacad waa nin dhalinyaro ah oo isaga laftiisu ku cusub gobalka iyo magaladan lafteedaba ,waxa uu shaqo ka helay sidii Kariima magaladan iyada ah ,madama aad moodo in Somalidu ay isku jeceshahay qurbaha isna dugsato ,Daacad waxa uu soo haybsaday in Hotelkan ay dagan yihiin dad Somali ah ,kadibna nasiib wanaag waxa uu ku helay hal qol.

Daacad runtii waxaa la odhan karaa waa nin dhalinyaro ah akhyaarna ah ,waa nin da'diisa ka wayn ,waa nin wadamadan yurub dhowr sano joogay , Daacad waa nin af-gaaban dantiisana ka adag ,dhinac kale marka laga eegana waa nin Waalid adeeca .

Madama ay Hotelkii sadax qof oo Somali ah ay ku degan yihiin , waxa ay noqdeen sadax qof ee ceeshow milixa ,Muxsina waxa si gaar ah u noqday madama uu yahay ninka ugu wayn dhinaca da'da mid talada looga danbeeyo,inkastoo ay digo hoos ka nool tahay arintii u dhaxaysay Muxsin iyo Kariima.

Hadaba Daacad cilada kaliya ee uu leeyahay waxa ay tahay isaga oo aan si fiican u aqoonin sida cuntada loo kariyo,taas awawdeed ayaa waxa uu ka codsaday akhyaartii uu lasoo degay gaar ahan Kariima in uu jecel yahay in uu cuntada ku darsado beesadiisana uu la baxo ,kana barto sida loo karinaayo.

Kariima waxa ay u aragtay codsigaasi Daacad ee raashin ku darsiga in aanu jirin wax lagu diida , sababta oo ah waxa ay Hotelkaba ku dagan yihiin sadax qof oo kaliya oo Somali ah ,taasina waxa ay khasab ku noqonaysaa in aan qofna gooni loo faquuqin iyada oo ka duulaysa in iyadaba Ilahay dartii lagu soo dhaweeyay ,gadaal wax ha iska badaalane.

Arintii waxa isagana lagu wargaliyay Muxsin ,balse arintaasi waa uu ka biya diiday waanu ku gacan saadhay ilaa heer uu gaadhay in dhamaan uu ka baxo danwadaagtii iyo wax isku darsigii cuntada ,waana halka sartu ka qudhuntay markii danbe ,inkastoo Kariima wakhti badan ku lumisay sidii ay usoo celin lahayd adeerkeed/walaalkeed ,balse waxa uu noqday xadhig-lama-sitaan.

Qaybtii 9-aad ee sheekada:-

Hadaba Akhriste imaatinkii ninka Daacad layidhaa uu Hotelka soo degay, waxa uu noqday mid ninkii Muxsin ku beeray warwar iyo walaac horleh ,jacaylku waa balayee waxa uu colaad iyo calool xumo u qaaday walalkisii kale ee Daacad ,waxaa galay shaki iyo shaydaan odhanaya ,gabadhii aad tacabka badan kusoo bixisay ee aad jeclayd arma si fudud uu ninkaasi kaga qaadaa .

Muxsin waxaa wakhti aad u badani kaga lumay ka fikirka iyo hadal hayntaa gabadhaasi, hurdo waa uu ladi waayay ,qofkasta oo Hotelka soo galay amma ka baxaya waxa uu u qaata in ay iyada tahay ,codkasta oo Hotelka gudahiisa ka yeedhana waxa uu ula eekaday kii gabadhii uu jeclaa Kariima .

Waxa uu gaadh aan loo diran ka hayaa qolkii uu deganaa Daacad oo lagaba yaabo in uu shaqo ku maqan yahay amma aanu jooginba , Muxsin gabal baas iyo guure-bahalayn ayaa u bilaaban tay,waxa uu habeenkii soo baxaya toban jeer oo aan la garanayn meel uu u socdo iyo meel uu ka socdo ,balse ujeedada ugu wayni ay tahay hiinaase iyo masayr aan xad lahayn oo uu ka qaaday ninka dhalinyarada ah ee Daacad.

Muxsin heer waxa uu gaadhay aanu aroorti shaqaba u kici-karin sababta oo ah soojeedkan faraha badnaa ee uu ku ilaalaynayay gabadh gurigeedii si nabad galya ah iska huruda oo aan balo iyo baastoona qabin.

Muxsin waxa uu hadana marlabaad bilaabay in uu gabadhii aflagadooyin kula kaco , waxa uu gidaar walba isla taagay in uu inantaa uu dhali karaayo wax aanay ka mudnayn ku sheego ,godmadaw ayuu biyo ugu shubay .

Been-abuurkaasi uu fidinayaa waxa uu inantii ku keeneen warwar iyo walaac joogta ah,waxa ay garan wayday wax ay samayso , waxa ay fahmi wayday ninkii shalay sida sharafta leh kusoo dhaweeyay ayaa maantana sharaftadii doonaya in uu dhaawaco, waxaa ku dhacay dhaygag iyo dhabana hays ,heer jidhkeedii aanu jeex ka joogin .

Waxaa marar badan maskaxdeeda ku soo dhacday in ay magaladan iyo shaqada ay ka haysaba ay isaga tagto,sababta oo ah waxaa gumaad iyo gaf aan la qadan karin maalin walba kula kacaya qofkii kaliya ee ay wehelka iyo walaalka ka dhiganaysay.

Qaybtii 10-aad ee sheekada:-

Nasiib wanaag muddo ka bacdi waxaa magalada guri fiican ka helay Daacad madama uu gurigaasi ahaa mid qolol badan ka kooban ,waxa ay khasab noqotay in Kariima iyo hablo kale oo magalada daganaa in ay gurigaasi u guraan. Kariima waxa ay cadhadii iyo ciilkii uu baday Muxsin ku kaliftay in iyada oo aan salaamin ay Hotelkii (xabsigii) ka guurto goor aan habeen iyo maalin toona ahayn,

Madamaa uu Muxsin shaqo ku maqnaa markii ay Kariima Hotelka ka guurtay ,ayaa waxa dhacday in markii uu yimi loo sheegay in gabadhii ay Hotelka ay ka guurtay ninba meesha bugtaa isagay balbashaaye ,waxaa maskaxdiisa ku soo dhacday in gabadhii lagala tegay oo ay racday ninkii Daacad .

Muxsin arintisii waxa ay noqotay "kadaroo dibi dhal" isaga oo aan waxba hubsan ayaa uu gabadhii marlabad hadana ceeb iyo af-lagadooyin aanay marnaba lahayn dusha ka huwiyay , waxa uu ku tilmaamay qadaf iyo foolxumo ay bari ka tahay.

Muxsin nacaybka uu gabadhaasi u qaaday xataa waxa uu ka xishoon waayay in uu ehelkeedii gaadhsiiyo isaga oo ku been abuuranaya ceeb aanay lahayn ,waxa uu waxaasi oo dhan u samaynayana waxa ay ahayd in ay ka diiday codsigiisii guurka.

Dookhu waa cajiib ,qofna xaq uma laha in qof aan doonayn in uu isku khasbo, hadii qof aad jeceshahay uu ku diidana taas macnaheedu mahan in aad xaq u leedahay in aad ceebayso.

Guntii iyo gaba gabadii :-

In badan ayaynu akhriste soo aragnay nin gabadh jecel oo hadii ay diido amaan mooyane aan waligee ceeb u quudhin , waxa laga hayaa rag badan oo Somali ah qaarkood markii gabadhii ay jeclayeen nin kale ka guursaday in amaan mooyaane aanay waligood aflagaado u gaysan.

Bal akhri heestan uu tiriyay abwaankan Somaliyeed:-

dusha nabar ha taabsin
ha dagaalin waa gobe
hadal doqon ma garata
ha ku dayin ma yeshe

waxa dihatay hoyadii
dadnimada ku beerto
aabaheedna waa diric
ragna doorki weyee
waa Duriyad xalaale
walidkeedna daadihi

Waxaa jira nin dooro

Dantu ceeb u yeeshee

Waxaa aamina u daraan

Hadii waayo diidaan,,

Soodoono waa gare waa gare

Aana kuu diyaaro

Daryeelkeedu dheer yahay

Xilaa duudka saaree

Hadii taa aad,diido

Dowlka nolosha aamina

Dayac noqotoo waa qaan

Waana kula dacwinayaa………

Balse hada waxkastaba waa ay isbadaleen waxa aad arkaysaa sida hadaba sheekada inooga muuqatay Nin gabadhii uu jeclaa markii ay muradkiisi Guurka u oofin wayday balan ku qaaday in uu fadeexad iyo warxumo ka fidin doono,ciibtaasi oo aan marnaba qabanayn . Ilahay ha laga cabsado dumarkana yaan la ceebayn aakhirana ha la xasuusnaado.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar