SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Faallo ku saabsan:- Heshiiska Somaliland iyo Khaatumo ma yahay mid soo af-jaraaya mushkiladahii goboladaasi Bariga ?

 
Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw ee Islanimada inagu galadaystay,kaasoo Nabi Muxamed (N.N.K) inoogu soo dhiibay Waxyiga Quranka ee dhamayska tirnaa.

Wakhti aad u badan ayaa waxa ay dhib aan dhamaad lahayni kasoo taagnayd gobolada Bariga ee Somaliland gaar ahaan qaybo ka mida gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhodle,goboladaasi oo ay adkaatay in marqudha la helo sidii nabad looga hirgalin lahaa.

Gobolaadaasi waxaa sida kubada cagta isugu dhiib dhiibay koox siyasiyiin ah oo aad moodo in ay u taba-baranyihiin sida kooxa kubada cagta ,kuwaasi oo is-reebreebkoodu yahay hirdanka siyasadeed ee gudahooda ka dhaxeeya.

Kooxdani oo aan hoos magacyadooda kusoo gudbindoono,waxa ay tobankii sanno ee u danbeeyay si xawliya ugu jireen garoonka siyasada ee goboladaasi waxa aan si aan gabasho lahayn markasta uga soo herjeedeen siyasadaha Somaliland iyo Puntiland.

Magacyada siyasiyiinta muuqda .

1.Tariikhdu markii ay ahayd 15/10/2009 waxaa gudoomiyaha SSC (Sool Sanaag iyo Cayn) loo magacaabay Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye taasoo hoolkii shirku ka socday lagu dhaariyay,Saleebaan waxa uu ahaa nin markaasi qorbaha ka yimi ay haysana hamuun siyasadeed .

Xaglo'toosiye waxa uu ahaa nin dhalinyara ah oo ku dhiiran waxa uu doonaayo in uu sameeyo,kadib asaskii SSC Xaglo-toosiye iyo saxibadii wax ay dagaalo kudhufoo ka dhaqaaq ah la galeen Somaliland iyo xataa Puntiland.

Muddo yar ka bacdi kooxdii SSC oo la qawaday qaabka ay wax u wadaan ayaa waxa la asaasay Guruubkii Khaatumo, taasi oo sabab u noqotay in uu Xaglo'toosiye heshiis la galo Somaliland ,kadibna loo magacabay wasiirka cafimaadka Somaliland.

Xaglo-toosiye ilaa wakhtigan xaadirka ah waxba umuu soo kordhin siyasad ahan Somaliland ,marka laga tago Cali Khaliif oo marka uu Buuhodle yimaado uu sidii Shinbir geesaran ka eryi jiray mooyaane ,waxaa kaloo ku adkaatay in uu hanto deegaankisii Buuhodle ,

Siyasigii labaad.

2.Maxamed Jamac Yusuf (Indha-sheel) waa nin qurba joog ahaa in badan,waxa uu ahaa ninkii ku magacawnaa Madaxwaynahii Khaatumo ee Cali Khaliif ka horeeyay ,Indha'sheel waxa la odhan kara ,waa laacibka kaliya ee malaha isku dayay in uu Khaatumo horumar gaadhsiiyo.

Inkastoo uu Indha'sheel ahaa nin aan dhinaca siyasada wax badan ku firfircoonayn hadana waxa uu u muuqday nin dadaalaya oo la odhan karo waxaa ka muuqday dacadnimo aan dhex oolin guruubka Khaatumo ee uu madaxda ka yahay .

Waxa uu ahaa nin balan qaad badan ,waxa kaloo uu ahaa nin cabasho badan taaso la odhan karo malaha xaq ayuu u lahaa sababta oo ah waxa uu arkayay in Khaatumo ay tahay dhago-Waraabe oo loo dhiibay,taasi waxa ay sababtay in markii danbe si sharafle uu Cali Khaliif ugu wareejiyo .

Siyasigii sadaxaad.

3.Axmed Cabdi Xaabsade waxa lagu tilmaami karaa in uu ahaa Abihii siyasada ee goboladaasi ,Xaabsade waxa uu ahaa ninkii Somaliland u fudaydiyay in ay Laascanood ay soo gasho gacanta Somaliland.

Xaabsade waxa uu ku suntanaa nin Somaliland nimadu ay shaqo u tahay waxa uu ahaa marka dadka yaqaana ay ka sheekaynayaan nin dhaqaale aad u badan ka samaystay Somaliland gudaheeda .

Xaabsade waxa dadka yaqaana ay ku suureeyaan in uu yahay nin cadho badan isla markana is-rugrug badan oo ay adag tahay in uu marqudha meel istaago,Xaabsade waxa lagu tilmaama in uu yahay nin ay siyasada gobolaadasi ay u tahay gacansi iyo suuq uu ka bayac-mushtaro.

Xaabsade waa nin qalbi furan marka uu kuu sheekaynaayo ,waa nin waxkasta oo uu jecel yahay in uu sameeyo aan qarsan ,hadana iyada oo ay sidaasi tahay waxa lagu tilmaama in uu yahay nin muhani ah (faxal) oo dadka agtiisa jooga aanay gajoon.

Xaabsade wali kama bixin kooxdan sida kubada ugu cayaarta goboladaasi bariga ,waxana muuqata in uu iminka raadinaayo kaadhkii u danbeeyay ee uu isleeyahay waa aad cayari kartaa ,taasi oo aan la garanayn halka uu ka bilaabi doono.

Inkastoo uu Xaabsade Somaliland kasoo qabtay jagooyinbadan oo Wasiirnimo waxa uu wakhtigan xaadirka ah ku sugan yahay Mamul goboleedka Puntiland oo la odhan karo waa meesha ugxantu u taala ee marka ay dacarta siyasadu qabataba uu kasoo duulo,iyada oo magalada Garoowe ay tahay saldhigiisa ugu wayn.

Siyasiga afraad .

4.Axmed Cilmi Cusmaan (Axmed Karaash) waxa uu ka mid ahaa siyasiyiintii soo maray Khaatumo ,waxa uu wakhti sii horeeyay uu ahaa Madaxwaynahii Khaatumo balse waxa uu xilka ku wareejiyay markii danbe Maxamed Jamac Yusuf (Indha'sheel) .

Axmed Karaash 2/1/2014 ayaa wax uu si lama filaana uga hilaacay Maamul goboleedka Puntiland ,halkaasi oo uu magalada Garoowe kaga dhawaaqay in aanay jirin wax layidhaa Khaatumo , dhulkasina uu yahay dhul ka tirsan Puntiland ,kadibna waxa dawladii Cabdiwali u magacawday wasiirka arimaha gudaha ee Puntiland .

Shiyasiga shanaad.

5.Baashe Cali Jaamac oo laga yaabo in dadka badan kiisu aanay aqoon badan u lahayn ,lana odhan karo kamuusan mid ahayn kooxohii dagalada ka waday goboladasi,balse hadana waxa uu ahaa nin qorba joog ah oo siyasada Khaatumo ay si aad u wayn ay u madax marsan tahay.

Baashe Cali oo wakhtigan xaadirka ah wasiirka Biyaha ee Somaliland ,waxa la odhan karaa waxa uu ka mid ahaa ragii sida aan gabashada lahayn uga soo horjeeday Somaliland iyo gooni-isutaagedaba ,taasi oo dad badan wakhtigaasiba ula muuqatay in uu yahay nin Salaan siyasadeed ka dhiganaya afkaartan uu rumaysan yahay ee afka baarkiisa ah .

Hadaba Baashe waxa uu wakhtigan xadirka ah lug iyo Farasba u saaran yahay sidii ay Somaliland u hanan lahayd gobolaadasi uu kasoo jeedo ee Bariga, taaso aad arkayso in markasaba uu ku hawlan yahay shirarka ka dhacaya Bariga Somaliland.

Baashe waxa uu ka mid yahay raga fara-kutiriska ah ee mararka qaar laga dhandhansan karo amma kaba baqanaaya in ay xilalkooda wayaan hadii Dr Cali Khaliif Galaydh uu Somaliland heshiis wax ku ool ah la galo,inkasta oo aan la garanayn Baashe iyo rag badan oo kale hadii xilalkaasi laga qaado waxa ay yeeli doonaan.

Siyasigii shanaad.

5.Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir) oo wakhtigan xaadirka ah ku magacaaban badhisaabka gobolka Xaysimo ee casimada ay u tahay magalada Taleex,waxa uu Cabdirashiid ahaa ragii qunyar socodka ahaa ee sida aan muuqan uga soo horjeeday Somaliland.

Cabdirashiid waxa uu ahaa ragii xildhibanada baarlamaanka u tartamayay 2012 magalada muqdisho,balse markii ay dhacday in uu ku guuldaraystay aritaasi usoo diga rugtay dhinaca gobolada uu deegaanka ku yahay Cabdirashiid runtii waa nin lagu sheego in uu yahay nin mudakara isla markana shaqo badan.

Cabdirashiid inta badan waxa uu deganaa wadanka Yeman gaar ahaan Magalada Cadan ,Cabdirashiid waxa uu ka mid aha aragii dhidibada u taagay maamulka Khaatumo ,inkastoo Cabdirashiid iyo odayasha deegaankiisu markii gobolka loo magacabay Xaysimo Cabdirashiid laga dhigay gudoomiyaha gobolkaasi.

Siyasigii lixaad.

6.Garaad Jaamac Garaad Ismaciil ayaa 18/4/2014 si diiran loogu soo dhaweeyay magalada Hargaysa ,garaadka oo ujeedadiisa ugu wayni ay ahayd in ay qayb laxaadleh ka qaato nabadaynta gobolada bariga ee Somaliland.

Garaad Jamaac oo ah Garaadka guud ee Jamac'siyaad ayaa hawl aad u badan ka galay heshisiinta Jamacsiyaad iyo dawlada Somaliland ,waxa la odhan karaa waa Garaadka kaliya ee si aan gabasho lahayn ugu hagar baxay sidii uu wax uga qaban lahaa hawlahaasi .

Siyasiga afraad.

7.Yasiin Maxamuud Xiir (faratoon) waa siyasi ka mida qorba joogta Dhulbahante ,waa nin in badan ku hawlanaa sidii uu mar uun ugu guulaysan lahaa in beesha Dhulbahante oo isku dhan ay garab istaagto Somaliland.

Yasiin Faratoon inkastoo aanu waxbadan ka dhex muuqan is riixriisa siyasada Goboladaasi hadana waxa uu ahaa nin marka dibada iyo gudahaba la joogo la tirsado una muuqda nin wax ku ool ah.

Yasiin Faratoon wakhtigan xaadirka ah waxa uu ka mid ahaa odayashii iyo siyasiyiintii ka qayb galay shirarkii wada xajoodka ee ka dhacay Adhicadeeye .

Yasiin hadaba waxa aad mooda in xiligan uu usoo suudh gashaday sidii uu uga mid noqon lahaa siyasiyiinta Somaliland,iyada oo ay kulamo aad u badana ay yesheen Madaxwaynaha Soamaliland.

Siyasiga Sideedaad.

8.Cali Khaliif Galaydh waxaa la odhan karaa waa siyasigii ugu tunka waynaa kooxda Khaatumo ,Cali waa nin ka duwan ragaasi aynu soo sheegnay waa nin lagu tilmaami karo in uu yahay aqoontii iyo Baarqabkii Khaatumo. .

Cali Khaliif waa nin raysal-wasaare kasoo noqday dawladii Somaliya ee lagu dhisay Jabuuti gaar ahan Tuulada Carta,Cali Khaliif muran kama taagna in asaaskii iyo xilqabashadii Khaatumo ay ka ahayd aad Somaliland wax la qayb satit.

Cali Khaliif waa nin inta badan aan qarsan siyasada iyo danta uu leeyahay waa nin hadalo cadcad,waa nin dhaar badan ,waa nin dadka aan markaasi aan aqoonini ay ku dhago-barjoobi karaan hadaladiisa iska hor iyo daba imanaaya balse uu ugu talagalay ee aan ka ahayn siyasad xumo.

Cali Khaliif waxa uu si toosa ugu dhawaqay in uu heshiis waara la galaayo Somaliland ,Cali Khaliif waa nin u cadhaysan dawlada Somaliya iyo Mamulka Puntiland ,waa nin ku taamaya in uu maruun helo jaanis siyasadeed oo uu kula gorgor-tamo Somaliya .

Inkastuu Cali Khaliif uu iminka yahay Madaxwaynaha Khaatumo cadeeyayna in uu Somaliland wada hadalka u socda ka midha dhalinaayo,hadana isaga laftiisa waxa haysta amma ka hor iman karo mawjado siyasadeed oo kaga yimaada dadkii uu matalayay.

Khasab maaha in uu Cali Khaliif ka duwanaado siyasiyiintii hore ee goboladaasi kasoo jeeday kuwaasi oo dhamaantood heshiisyo gaar ah iyo kuwo gobolba la galay Somaliland ,kuwaasi oo ilaa hada qar ka mida aan lagu sheegi karin in heshiis koodii uu midha dhalay sida Xaglo'toosiye oo ay ku adkaatay in uu Buuhodle heshiis ka keeno.

Cali Khaliif waxa uu rabaa in uu isagu dadka uu wakiilka ka yahay iyo Somalilandba isu tuso in uu yahay Aktarkii u danbeeyay ee jilaayay filimkii la magac baxay Khaatumo ,balse hadana dadka siyasada u dhuun daloola ee gobolaadasi waxa ay amin san yihiin in Cali Khaliif uu yahay Aktarkii ugu waynaa ee jilayay Filimkii Hindigii ugu waynaa.

Waxa aan odhan karaa anigu Khadar ahaan Cali Khaliif waxa uu sitaa Sadax kaadh oo uu kaga duwan yahay ragii isaga ka horeeyay ,mid waxa uu yahay Magaciisa gaar ah oo ah mid haybadiisa leh iyo kan labaad oo ah Khaatumo oo iyada lafteedu muddo kusoo jirtay warbahinta ,kan sadaxaad oo ah isaga oo saxiib dhaw la ahaa Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo.

Hadaba hadaynu waxyar dib ugu soo noqono shirka dhawaan ka dhacay magalada Caynaba ,muran kama taagna in waxbadan oo qabya ah lagu dhameeyay Telfoonada iyo wadahadalada qarsoodigaa ,balse waxa kaliya ee iminka keenay in Caynaba lagu shiraa waxa ay tahay in dadku ogadeen ,taasi waxa ay ina tusinaysaa in waxbadan oo qabyaha lagasoo gudbay.

Dadka qaar ayaa waxa ay iswaydiiyaan Khaatumo Somaliland heshiiska ay la galayso ma ku jirtaa in Khaatumo ay ku raali noqotay gooni u goosad-nimada Somaliland sidaasina ay kusoo afjaraan raadintii midnimadii Somaliyeed.

Aniga waxa ay ila tahay hadii shuruudaasi ay meesha ku jirto heshiiskanba lama fureen,wadahadalna suuragal muu noqdeen, waayo waxa an dareemayaa shacbiga Somaliland halka ay ka tagan yihiin waxa loo yaqaano midnimada Somaliyeed iyo kooxdaasi Khatumo oo warkaasi ka dharagsan.

Waxa kaloo hadalada Dr Cali Khaliif laga dhandhansan karaa marka uu khudbadaynaayo,in uu ku celceliyo dhibatooyinka ay Xamar iyo Puntiland u gaysteen Khaatumo ,taasi aya waxa ay kuu cadaynaysaa in Cali iyo saxibadii ay cadho wayn u qabaan dawlada Somaliya.

Hadaba waxaa marag madoona ,soona bixi doonta ,horteenana imandoonta hadii Allah uu idmo ,Guruubkaasi Khaatumo oo si aan gabasho lahayn wakhti aan fogayn ka dhawaajin doona in dhamaan ay kalsoonidii kala noqdeen dawlada ku meel gaadhka ah,kuna qanacsan yihiin dastuurka iyo gooni isutaaga Somaliland.

Akhristow marka ay taasi cadato waxa ay iswaydiintu tahay masoo afjarmayaa dagaladii iyo isfahan la'aantii ka jirtay Somaliland iyo Dhulbahante,anigu waxa an isleeyahay haaaa ,maya ,haa ,maya ,waxaan sidaa u leeyahay waxa uu muuqda in meelaha la iska diidan yahay aanay ahayn meel dhaw.

Hadii Cali Khaliif iyo Saxibadii ay ku qancaan Somaliland iyo sharciyadeeda waxa aniga ii muuqda in ay goboladaasi kasoo mudh odhanayaan Aktaro cusub oo iyaguna jilaaya Filimo aan sidaasi u xoog badnayn ,balse markasta hantaaqo ku ah goboladaasi.

Khaatumo Muqdisho iyo Garoowaba waxa ay u haystaan in ay yihiin kuwii waxbadan oo ay xaq u lahayeen hagraday amma duudsiyay ,taasi awadeed ayaa Dr Cali Khaliif waxa khudbadahiisii u danbeeyay laga hayaa "walee iyana karis xumi wax ku la" taas oo loo fasiran karo Somaliweyn iyo anagu waanu is daynay.

Cali Khaliif Fikirkii Somaliweyn waxa uu ku lahaa laba Saxiib oo kala ah Dr Axmed Ismaciil Samatar iyo Dr Ismaciil Buubaa ,labadaasina wakhtigan xaadirka ah waxa ay ku sugan yihiin Hargaysa ,waxana la odhan kara waxa aya qayb ka yihiin imatinka Cali Khaliif ee Somaliland.

Cali Khaliif nacaybka iyo colaada aadka u fogaatay ee uu u qaaday Koonfurta Somaliya gaar ahaan Puntiland waxa ku tusinaysaa ,waxa aan xasuustaa Cali Khaliif oo ka khudbadaynaya magalkadisii yarayd ee Saaxdheer ayaa waxa uu dadka u sheegayaa khaasatan wariyayaasha in Magaciisu uu yahay Cali Khaliif Galay(dh) ee aanu ahayn Cali Khaliif Galay(r) iyasa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi waar hoooooy kuwa Galayr igu sheegayoow aniga layma yidhaahdo.

Khaatumo maxay ku qanci kartaa?

Inkastoo wakhtigan xaadirka ah la odhan karo Khaatumo waxa aad mooda in ay tahay mid ka waydaysan sida ay waayo qaar ahayd, hadana lama dhayal san karo awoodaha macnawigaa .

Khaatumo waxa ay ka kooban tahay laba magac oo waawayn oo ay donayaan in ay Somaliland cad kaga goostaan ,sida magaca Khaatumo oo Somaliya oo dhan caan ka noqotay iyo Dr Cali Khaliif Galaydh oo la odhan karo waxa uu yahay misaanka ugu wayn ee ay Khaatumo wax ku goosan karto.

Khaatumo heshiska ay Somaliland la galayso marka hore waxa ay soo bandhigi doonaan kalmado aad usoo jiita deeganada ay ka yimadeen ,sida in cidamada dhulka Khaatumo jooga dhamaan laga saaro,waxa kaloo ay soo bandhigi doonaan in waxka badal lagu samereyo Saami qaybsiga golayasha Somaliland sida Baarlamaanka iyo Guurtida.

Waxa kaloo ay miiska wada hadalada keeni karaan in hay-adaha dawliga iyo kuwa muxaligaba ay deegamadooda si toos ah uga hawlgalaa, iyaga oo codsan doona in dhamaan dibi-dajin lagu sameeyo dadkooda.

Khaatumo waxyabaha laga yaabo in ay la shirtimaado waxa ka mid ah in qaab mamul goboleed oo kale ay dhulkooda uga tashadaan ,yeeshana awooda iyo cidamada gobaladooda,taasi oo Somaliland ku adkaan doonta madama nidaamka wadanka u yaala aanu sidaas dhigayn.

Waxyabaha la fili karo in ay miiska wada hadalka soo dhigaan ayaa waxaa ka mid ah in ay helaan Kursiga Madaxawyne xigeenka Somaliland amma Gudoomiyaha Baarlamaanka ,taasi oo uu isku waddo Dr Cali Khaliif Galaydh.

Waxyabaha aan isleeyahay Khaatumo waa ay la golo iman doonta ayaa waxa ka mid ah in ragbadan oo wakhtigan xaadirka ah ku jira dawlada Somaliland in ay codsan karaan in meesha laga saaro ,taasi oo la odhan karo waxa ay leedahay culayskeeda ,balse hadana waxkasta waa suuragal in ragga hada jooga qaar kamidii ay kuraastooda ku wayaan heshiisdka lala galay Khaatumo.

Waxaa kaloo dhici karta in Cali Khaliif oo dadka qaar ku sheegaan in uu yahay nin kani adayg u samaysan, sida uu horayba looga arkay xiligii u horeeyay ee loo magacabay Raysalwasaraha Somaliya Shirkii Carta , isagoo wali ku sugan Jabouti oo dowladii aanay guryo noqon uu colaadiyay siyaasiyiintii iyo waxgaradkii la joogay madasha shirka .

Cali Khaliif waxa u hada u muuqdaa in uu yahay nin isku halayn wayn ka haysta Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxaamed Maxamud Siilaanyo dadka qaarna ay leeyhiin kursigii Cali Khaliif waa hore ayaa loo carababay ,waana sababta keentay in wada hadalka laga dhigo in ay wada hadlayaan laba garab oo siman.

Marka aynu isku soo wada duub duubno Mudane Cali Khaliif iyo kooxdiisa Khaatumo wax ay ila tahay in ay Somaliland kala kulmi donaan soo dhawayn aad u fiican ,iyaga oo ka raysan doona dibad wareegii iyo duurxulkii .waxa kaloo la odhan karaa waxa ay guul usoo hoyn donaan dadka iyo deegaanka ay kasoo jeedaan hadii siyasada la isla fahmo..

Waxa aynaa wali heshiisyada lawado aynaan maqal halka ay ku danbeyeen Garadadii faraha badnaa ee reer Khatumo gaar ahaan garaadkii uu Cali Khaliif inta badan ku dhaadan jiray ee Garaad Jamac Garaad Cali ,garaad kasii oo isaga laftiisu miisaankisa leh oo aan la dhayal san karin.

Waxa aan qoraalkaygan kusoo gunanadayaa ,Somaliland gudaheeda waxaa isugu soo galayaa iskuna hirdiyaya siyasiyiin marka dhinac laga eego isku reer kasoo wada jeeda (Dhulbahante) balse hadana muddo aad u badan iska werarayay warbahinta kala duwan.

Hadaba maxay ayay ku danbayn doontaa siyasiyiintaasi aynu kasoo sheekaynay iyo kuwii hore Somaliland u joogay ,mid iyada waa lahubaa in anay dhacay in xilalka waawayn ee ay wasiiradu ka mid yihiin aanay wada helayn, balse hadaba yaa wasirada la siinaya yaase meesha ka baxaya maxay ayay yeeli donaan kuwo xilalkooda waayaa ,waa su'aal dadka u taal

Wabilaahi tawfiiq.
W/Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

khadar-aar.blogspot.com