SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Madaxdeenu waxa ay u bahan yihiin Iskuul wax barasho.

Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw ee Islanimada inagu galadaystay,kaasoo Nabi Muxamed (N.N.K) inoogu soo dhiibay Waxyiga Quranka ee dhamayska tirnaa.

Akhristayaal maanta ayaa waxa aan dawaday TV-ga ,waxaa kasoo muuqday madax-qaran oo meel ka khudbaday-naysa ,kadibna waxa aan si aan kala joogsiba lahayn aan u arkay , Madaxdii oo khudbadoodii ku guda jira taaganna minbarkii khudbada , ayaa waxaa dhacaya madaxda qaar ka mida oo inta ay soo kacaan kolba ninkii khudbadaynayay dhagta wax aan la garanayn u saaraya , mana aha dhaqan inagu cusub.

Taasa waxa ay keentay in aan qalinka iyo warqada aan usoo qaato, iyada oo aan uga jeedo baraarujin iyo in ay madaxdeena ay ka taxadaraan arimaha foolxumada ku keeni kara xiliyada ay ku guda jiraan khudbataha .

Madaxdeenu waa in ay ogataa in marka ay Khudbadda ku guda-jiraan in aduunka dacaladiisa oo dhan laga dawanaayo ,sida awadeed xataa haduu ninka madaxdii si qaldan meel jidhkiisa ka mida uu u taabto waa boog ku taala waligii oo aan ka baaba'ayn.

Waxaan hubaa hadii aduunka dadka ku nool ee dhishibiliinka madaxda yaqaana la tusi lahaa hab-dhaqankeena xiliyada ay madaxdu ku guda jirto shirarka iyo khudbadaha, waxa hubaala in laynoo arki lahaa dad fowda iyo fool xumo ka muuqato.

Arimahaasi waxa aad mooda in ay aad inoogu sii xoogay-sanayaan,waxa kuu muqanaya marar badan ,nin madaxa oo taagan goobtii amma Miiskii uu dadka kala hadlaayay oo hadana madaxdii kale ee isaga la socotay marba uu mid inta uu soo kaco uu dhagta wax ugu shegaayo.

Waxyabaha iga yaabiyay waxaa ka mid ah, Madaxwayne amma Wasiiro dhan oo usoo diyaar garoobay in ay dad u khudbadeeyen ,soona gashaday dhamaan dharkii iyo Suudhkii ku haboona goobtaasi iyada ah ,ayaa hadana waxa si aan kala joogsi lahayn marba marka ka danbaysa isaga oo taagan Miiskii khudbada dhagta wax loo sarayaa.

Waa maxay sababtan keentay in aynu dhaqankan xun caado ka dhigano,maxaa inagu kalifaayo in aynu sidii tuug wax xadaya amma qof qofkale xamaanaya in madaxdeeno ay caado ka dhigato dhaqankaasi aan fiicnayn , dhaga waxa isu saarku miyaanu ahayn kii ay dadku ka xanaaqi jireen ee loo arkayay xanta iyo xuuraanka.

Maxaa loo sheegayaa ninkan madaxda ah ee la xasuusinayaa ee uu ilaabay,maxa ka qaldamay ,xataa mararka qaar khudbadiiba isaga oo aan bilabin ayaa toban soo kacayaan markasay dhagta afka u sarayaan ,taas waxaba kasii daran buuqa iyo qaylada qof qof maqlayaa ma jiro.

Ma ogtahay in ay tahay arintaasi arin qalad ah oo ay dhici karto in dadka qaar ka shakiyaan ninkan waxan dhagta loo saaraaya in ay tahay wax aan la isku ogayn ,waayo kala shakigeenu waa uu badan yahay .

Anuu waan garan wayay waxan madaxdeena marka ay halkaasi oo kale tagan yihiin dhagda loo saaro ,maxay ayaa la leeyahay ,ma waxa la xasuusinayaa khudbadii dhamayd ee uu soo qortay amma maskaxdiisa ku hayay oo badhkamida uu ilaabay.

Ma waxaa kaloo loo sheegayaa in khudbadiisa uu ku darsado arimo cusub oo madasha ku soo kordhay ,mise marka waxaas oo dhan laga yimaado waxa lagu wargalinayaa wax ku saabsan abnigiisa oo khatar ku jira .

Waxaa in badan Tv-yada iyo goobaha shirarka kaaga muuqanaaya nin madaxa oo la leeyahay khudbada soo gaabi ,taasi miyanay ku tusinayn nidaam xumida iyo kala daadsananta inta badan ka muuqata madaxdeena iyo dawladda.

Waan ogahay oo caad igama saara in aynan ku fiicnayn in aynu ilaalino nidaamka shirka gaar ahaan in ninkastaaba khudbadiisa ku dhamaysto wakhtigii loo cayimay ,balse hadana waxa ila fiican in dadka shirarka maamulayaa waa in ay madaxda ku khasbaan in ay wakhtigooda ku koobnadaan.

Waxa kaloo taas kaba siidaran in dhago wax isu sheegu mararka qaar uu muran iyo sheeko isu badalo ,sababta oo ah madama ninkii madaxda ahaa khudbadii uu soo diyarsaday waxkasta oo lagusoo kordhiyaba waxa ay caqabad ku noqonayaan hadaladii sida fiican uu u soo diyaarsaday.

Waxa kaloo iyana shirarkeena aad uga dhex muuqda niman madax ah oo qaarkood ay Xanjo calashanayaan ,ammaba ay samaynayaan dhaqdhaqaaq qalad iyo foolxumo ku ah Shirka ,taasi oo u bahan in madaxdeenu ay iska ilaaliyaan.

Waxyabaha aan madaxdeena ku arkay waxaa ka mida ,tusale ahaan shan nin oo madaxa ayaa meel ka khudbadaynaaya ,halkii ay ahayd midkastaba marka uu khudbada dhamaysto in aanu halka uu tagan yahay ka dhaqaaqin ilaa inta shirka lagasoo xidhaayo, balse waxa aad arkaysaa in madaxdeena qaarkood marka ay khudbadooda dhamaystaan waxa aad mooda in la yidhi iska bax adigu fasax baad tahee.

Wakhtiga aad Khudbada jeedinayso amma aad fadhido madal ay dad badani isugu yimadeen waxaa sideedaba fiican in qofkastaa oo dhaqdhaqaqiisa xadido ,waxa kaloo iyana meesha ku jirta qaabka iyo hanaanka loo fadhiisanaayo oo u bahan foojignaantiisa.

Waxaa kaloo baryahan inagu soo batay waxyabo aan isleeyahay waxa laga dhaxlay Kacaankii ,waxa aad arkaysaa madax meel ka khudbadaynaysa oo marka ay laba kalmadood yidhaadaanba dadkii madasha yimi sacab iyo durbaan loo garacaayo.

Waa arin aad u layaab badan ,waana arinta keentay in shacbiga iyo madaxdu aanay inta badan isba fahmin ,sababta oo ah shacbigani umay iman ninkan madaxda ah in ay dhagaystaan khudbadiisa, balse waxa ay ku yimadeen qabiil iwm ,taasi waxa ay ina dhaxal siisay in ninka madaxdaa aan xiisaba loo hayn khudbadiisa.

Maalin maalmaha ka mida ayaa waxa aan dawaday TV ,waxaa khudbad jeedinayay nin madax ah, waxa uu la hadlaayay shacbi uu safar dheer usoo galay si uu waxyabo dantooda ah ugala hadlo, markii uu khudbadii bilaabay ee aanu laba kalmadoodba odhan ayaa sacabka iyo mashxaradu isqabsaday.

Ninkii isaga ahaa ee madaxda ahaa waxa uu ahaa nin wadanka ku cusub kadibna waxa uu fahmi wayay waxan ay dadku u sacabiyeen ,waayo waxa uu dareen san yahay in aanu odhan afkiisana kasoo bixin wax durbaan loogu tumo amma loogu sacabiyo.

Ninkii madaxda ahaa markii uu khudbadiisii dhamaystay ayaa waxa uu dadkii qaar ka mida waydiyay bal in ay uga jawabaan khudbadisii waxyabahii uu kaga hadlayay ,balse waxa meeshii kasoo baxday in dadkuba aanay marqudha dhagta u raaricin ninkan isagu Suudhka ku taagan ee ilaa xalay khudbada soo diyaar sanayay.

Waxa kaloo iyaduna dhacday in maalin maalmaha ka mida nin madax ahi waxa uu u khudbadeeyay dad isaga tageero u ahaa ,balse markan waxa uu rabaa in uu u sheego dadkan dhaliil ay leeyhiin ,markii uu dhalishii u sheegay ayaa halkii uu ka filayay waxooga in dadka shucuurkooda amma dareen koodu uu isbadalo ,ayaaba waxa ay qabsadeen durbaan iyo mashxalad iyaga oo leh "waa geesigii aan godob lahayn"yaab badanaa!!

Halkaas waxa aad ka garanaysaa in shacbigu xiliga ay madaxdu la hadlayaan ay yihiin joogaha maqan,ammaba aan dan ka lahayn ninkan maanta oo dhan milicda taagan ee la hadlaayay,balse iyaga waxa aad mooda sidii Heesaha ayaa marka uu kalmad yidhaahdaba waxa la racinayaa Laxan iyo durbaan dhawaaq dheer.

Waxyabaha kale ee inagu cusub waxaa ka mida ,waxa jira bahal Roog amma kaarbad cas oo madaxda loo dhigo marka ay salaan qadanayaan amma ay madarada iyo meel kamida ka dhoofayaan amma kasoo degayaan,inkastoo uu yahay Kaarbadkaasi iyo shaqadiisuba wax aan macno badan ku fadhiyin oo la iskaba dayn karo ,hadana waxa aad indhahaga ku arkaysaa iyada oo Kaarbadkii ciday u dhigeen cidaan ahayni dhex lugaynayso.

Akhristaw arimahaasi aan kasoo sheekeeyay waxa ay ina dhaxal siyeen in dawlada iyo dadku ay kala xidhiidh furmadaan wana ta keentay in ay yaraato kalgacalka loo hayo madaxda ,waayo iyaga laftooda ayaa qayb wayn ka ah in aanay dadku waxa ay ka hadlayaan dhagaysan kadib markii balan qaadyo badan oo beena looga bartay.

Akhriste waxyabaha kale ee iyana aad daremayso marka aad u kuurgasho waxa ka mida ,waxa aad arkaysa nin madaxa oo jooga goob dhiilo amma dhibaato ka dhacday sida koob Xabaalo iwm waxa uu xidhan yahay Suudh dhamays tiran amma waxa uu soo qatayba dhar bilicda iyo quruxda aad yaabto oo loogu talagalay xafladaha farxada .

Waxa kaloo madaxdeena aan ku arkay qaar ka mida marka ay safarada goobaha miyiga ah tagayaan waxa ay xidhanayaan Suudh kadibna waxa laga yabaa hadhaw in aad aragto ninkii oo dhex taagan dad reer miyi ah oo aad u tabalasayn una bahan in gargar loo fidiyo ayaa waxa Vidoga kaga dhex muuqanaya ninmadaxa oo xarago awadeed la tiicaya.

Kibirka iyo isla waynidu waa shay aad u xun Ilahayna swt ma ogola ,balse madaxdeenu marka ay xilka madaxnimada qabtaan waxa ay ka tagaan kana talabsadaan noloshii saxa ahayd ee ay marki hore ku sugnayeen.

Guntii iyo gaba-gabadii mushkiladu meesha ay ka xumatay waxa ay tahay shacbigu ma dareen sana madaxdu in ay tahay shaqalahoodii ka hooseeyay, madaxduna ma dareen sana in ay dadka u yihiin shaqale u adeega .

Ismaan dhaafkaasi ayaa waxa uu keenay in dadkii u arkeen ninka madaxda in uu yahay nin ka sareeya ,waana ta keentay in nin marka madax laga dhigo markiiba ay noloshiisu isu badasho,Guryo uu helo ,Babuur uu helo, dadkii awal aan amini jirini ay aminaan ,aduunka meeshuu doonaba uu u tamashlayn karo.

Ilahay waxaan ka baryaya in uu khayrka ina wafajiyo.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar