SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso: Intii aan idinka maqnaa Sadax goor ayay Dawladu i xidhay!!

Salaadii Jimcaha markii laga soo baxay ,ayaanu waxoogaa meel aan Masaajidka ka fogayn dhawr nin isugu nimi,Somali ayaanu nahaye markiiba dadkii iyo dalkii ayaanu iska waraysanay,balse isla kulaankaasi ayaa waxaa markiiba nagu soo biiray nin in muda ahba naga maqnaa oo aanu tebaynay.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa "Kub kusiigalaha la waraystaaye",waxa aanu markiiba ninkii ku boobnay iyada oo aanu warba nagu seeganayn dalkii ,waraysi ku saabsan Dalkii iyo Dadkii , isaga oo aad moodo shucuurta iyo farxada ka muuqata in uu war farxadle noo sheegaayo, waxa uu hadal nooga bilaabay, "intii aan idinka maqnaa sadax goor ayay dawladu u xidhay"? waxa naga soo hadhay ""yaaaa lay xidhayaa oo maxaad samaysay?sheekhaa warkiisa intaasi ku dhaaf.

Ujeedadu waxa ay tahay ,xadhiga iyo Xabsigu waxa uu ahaa mid sharafta iyo karaamada qofka dhaawaca,baryahandanbe waxaa soo badanaysa in dadka qaarkii ay jeclaysanayaan ama ay kuba hamiyayaan in ay fiicnaan lahayd iyo Xabsi iyo Xadhig laysugu daro si uu u noqdo qof bulshada dhexdeeda caan ku ah.

Malahayga inagu Duni kale ayay ku nool nahay,balse Dunidan ay dadka kale ku nool yihiin qof la la xidho ama xabsi la galiyo waxaa looga shakiyaa in uu yahay qof danbiila ah.

Hadii maanta dadka qaar ay ku ogaadaan in danbi aad gashay ama yaanad galine xukun Maxkamadeed uu kugu dhacay ,waxa markaaba laguu fahmayaa in aad tahay qof sharwade ah.

Imisa ayaad garanaysaa nin madaxa ama Suldaana oo inta Maxkamad lasoo joojiyey xabsi iyo xadhig laysugu daray,balse hadana ku faanaaya oo ku faraxsan, aan una faham sanayn iyo sharaftisii meel lagaga dhacay.

Waxa kaloo aad arkaysaa mid ku sayaxaaya waxa la doonayaa in la i xidho iyo kuwo kale oo iyaguna sidaasi ku raacsan, lama garankaro sabab uu dadka u ogaysiinaayo in xadhig lala maagan yahay,mana jirto wax ay u taraysaa.

No comments:

Post a Comment