SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xigmad Siyaasadeed:Magacaygu maaha Dameer balse waa Kaluun!

Iftiinkacusub.com: Siyaasiyiintu inta badan ma jecla in ay markasta hal waji ama hal ujeedo dad waynaha ku dhex joogaan,ninka siyaasiga ahi waxa ugu badan ee uu markasta ka fikiraa waxa ay tahay,in uu lasoo baxo Filim ama cayaar ka iibsamaysa oo wax badan aan ka gadis nayn middii hore loogu bartay.

Somalidu inta badan Xayawaanka Dameerka layidhaa Magaciisa Dameer ,waxa ay kusoo qataan halqabsiyo aad u farabadan oo ay ka mid tahay Doqoniimada,nacasnimada iwm,hadii laguugu yeedho dameer waxaa laga yabaa in aad ka dagaalanto,balse hadii laguugu yeedhi Libaax ama shabeel waxa dhici karta in aad amaan iyo gacal-tooyo u aragto.

Waligaa ha dhayalsan hana fudayd-sanin halqabsiyada iyo sheekooyinka mala'awaalka ah ee ay Somalidii hore soo tabisay,yey kula fududaan, hana u arkin oo kaliya sheeko baralay iyo wax la iska yidhi,yey kuula muuqanin kutidhi-kuteel iyo sheeko xariir waayo hore laga soo gudbay.

Sheekadan iyo qisadan aan soo gudbin doono,bal adigu sidii ay kula noqoto u macnayso,xaq ayaad u leedahay in aad ku cabirto waxkasta oo aad isleedahay sheekadina waa ay ku haboon tahay,balse waxa aan kaaga digayaa uun in aadan u arag hadal la iska yidhi iyo bari hore waxaa jirijiray!

Aniga qoraaga sheekada ah, abbaar iyo astaan ayay ii leedahay,mana rabo in wax intan ka badan aan kasoo tabiyo,balse hadii aan iftiinyar idin ka siiyo waxa ay iigu astaysan tahay oo aanay dhinacna iila dhaafayn waa siyaasada maanta ka jirta Somaliland,gaar ahaan kuwooda aan siyasadooda loo bogin ,haday yihiin Mucaarad iyo Muxaafid.

Sheekatii waatan:

Dameerbaa waxa layidhi waxa uu in badan karah iyo nacayb ka muujiyey magacan loogu yeedho ee ah Dameer ama Ximaar,waxa uu u arkay in uu magacani uu bulshada dhexdeedii ka noqday mid aan qurux badnayn,kuna suntan waxkasta oo la liidaayo sida Duqoniimo iyo nacasnimo iwm;waxa kaloo uu ogaaday in magacan Dameer loogu yeedho oo kaliya cida la caayaayo ama wax laga sheegayo,taasi ayaa waxa ay ku dhalisay in dhamaanba ay magacan wax iska waydiiyaan qoyskii la odhan jiray Dameerahu.

Dameerkii waxa uu damcay in magacan hal-qabsigiisii uu noqday mid tilmaamaaya liidnimada ,sumad iyo astaanta gaarka ahna u noqday dadku Dunida ku noolaa oo dhan, in uu iska badalo isla markaana uu ka badalo dhamaan bahdiisa Reer Dameeraad.

Dameerkii waxa uu maalin maalmaha ka mida isugu wada yeedhay dhamaan Dameerii,isaga oo u qabtay shir la magac baxay (shirka Isbadalka magaca Dameeraha),Dameer-lab iyo Dameer-dhadigba waxa ay isugu yimadeen shirkii lagaga tashanaayey magaca cusub ee ay la bixi doonaan ,kaasi oo ka fiicnaan doona kan ay hadda rabaan in ay ka guuraan ee Ximaar iyo Dameer oo ay u arkeen in uu yahay mid dhagtoodii iyo sharaftoodiiba lagu dhaawacay .

Dameerkii u waynaa ee isagu fikirka iyo talada keenay ,ayaa waxa uu soo jeediyey in loo baahan yahay Magac cusub oo ay bulshada dadka ah iyo Xayawaankaba ku dhexgalaan, isla markaana cidi aanay ku qabsanayn,haddii hore cid loo odhan jirayna ay ciddaasi tahay mid ay iska caabin karaan hadii ay soo weerarto.

Dood iyo falanqayn ka bacdi waxaa badka lasoo dhigay, dhamaan magacyadii ay markaasi Dameerahu u arkayeen in in ay ka fiican yihiin koodii hore,magacdaasi oo ay u arkeen in ay kaga badbaadayaan magacii sharaftooda iyo karamadoodaba wax u dhimay ee Ximaar ama Dameer.

Waxaa badka lasoo dhigay ugu horayntiiba, sadax magac oo ay markaasi Dameeruhu u arkayeen in ay yihiin kuwo bulshada iyo xayawaankaba sharaf iyo karaamo aktooda ku leh,magacdaasi oo ahayd Faras,Libaax,Shabeel iyo Waraabe,sadaxdaa magac in ay mid ahaan la baxaan.

Dameerkii isagu Dameeraha u aqoonta iyo garashada badnaa ,ayaa waxa uu dameerahii kale ku hanbalyeeyey in ay ku mahadsan yihiin Magacyadan ay soo bandhigeen ,waayo ayuu yidhi waa magacyada ay dadku ku fanaan,inaguna waxa ay nahay cida kaliya ee Habar Dugaag dadka xidhiidh joogta ah la leh waxna tara, hadana iyada oo sidaasa magaceenu waxa uu bulshada akteeda ka yahay mid laysku caayo;balse waxa uu raaciyey talo ah,hadii habar-dugaagaasi Faraska,Libaaxa,Shabeelka iyo Waraabuhu ay bari magacyadooda inagu qabsadaan, maxay ayaynu yeelaynaa,yaa inaga caabinaaya, ilayn waa ay inaga xoogwayn yihiine.

Dameerkaa caaqilka ahaa waxa uu ku taliyey in marlabaad magacyadii lagu noqdo,oo la keeno lana soo bandhigo magac run ahaantii quruxbadan dad iyo Dugaagna la jecel yahay ,sidaasoo ay tahayna aanay jirin cid inagu qabsanaysaa,hadii ay jirtana ay cidaasi yahay mid aynu iska caabin karno.

Waxa dameer dameeraha ka mid ahi markiiba uu si lama filaana usoo gudbiyey magac uu isleeyahay malaha ma jirto cid idinku qabsanaysa iyo xataa xayawaan aad isugu imanaysaan kaasi oo ah magaca KALUUN.

Magacan Kaluun markii ay dameerahii si xigmadi ku jirto uga doodeen,waxa ay arkeen ama usoo baxday in uu magacani yahay midkii kaliya ee ay kaga badbaadi lahayeen magac xumadii mudadad aadka u badan soo haysatay.

Waxyabaha kale ee ku dhiiriyey in ay magacan Kaluun qataan wanqalna ay u dhigaan waxa uu ahaa ,iyada oo ay dareen san yihiin in Xayawaanka Kaluunka layidhaa aanu marnaba ugu imanayn Bariga oo ay iyagu ku nool yihiin,iyaguna aanay suuragalayn in ay ugu tagaan halka uu ku nool yahay ee Badda, arimahaasina ay noqdeen kuwo u sahla in aanay marnaba magacan sii dayn.

Waxaa markiiba Dameerahii ay guda galeen in ay sameeyaan Wanqashii magaca Kaluun,waaxanay halkii ku tirtireen ama ay ku xooreen magacii ay u arkayreen in uu sharaftooda iyo karamadoodaba uu wakhti badan hoos u dhigay.

Markii isla fadhigii lagu gudoomiyey in Magaca iyo Isamka ay Dameerahu leeyihiin uu yahay Kaluun,ayaa Dameerkastaaba Dameerkii dhinaciisa taagnaa waxaa la amray in uu ugu yeedhi magaca Kaluul si farxadda iyo raynrayntu ay hadaba usii bilaabanto ,waxaana meesha ka yeedhay sawaxan iyo mashxarad uu ku ladhan yahay halqabsiga magaca ""Kaluunoow Kaluunow Kaluunoow"".

Intaasi markii ay dhacday,Dameerkastaana uu isu arkay in laga bilaabo maanta oo magaciisu yahay Kaluun,dagaal iyo cadaawadna uu ka xigo cidda danbe ee ugu yeedha magacii cunsurta ahaa ee Ximaar kaasi oo ay u arkeen in ay maanta ka xoroobeen,kadibna waxaa Kaluunkasta(Ximaarkasta) qoorta loo sudhay astaan iyo caalamad cadaynaysa in uu magaciisu yahay Kaluun balse aanu ahayn Dameer ama Ximaar ,kadibna dhulka Ilahay ayaa loo kala foof tagay .

Hadaba in muddo ay markii ay Kaluumadii/Dameerahii iyaga oo uu Madaxa u sudhan yahay boodhkii ay magacooda cusub ku xayay-siinayeen ee Kaluun ,ayaa maalin maalmaha ka mida waxa ay la kulmen Adhi/Xoolo meel daaqaaya, Dameeraha inta badan waxaa u caado ah in ay mararka qaar Adhiga didiyaan,taas awadeed ayaa Dameerii Adhigii ay goobta ugu yimadeen ay didiyeen.

Adhigii oo ka xanaaqsan qaylada iyo sawaxanka uu Dameerahu ay Kaynta la yimadeen,una jeeda astaanta iyo magaca qoorta u sudhan ee ay la baxeen, ayaa waxa ay ugu yeedheen magacoodii hore loogu yaqaanay waxaanay ku yidhaahdeen""Waaryaadhaheen Dameero wali masidii ayaad u qaylinaysaan una qururuf-leedihiin",intaasi markii ay kasoo yeedhay Adhigii,bal adba Kaluumadii/Dameerahii cilinkooda saar,inta ay halmar wada hadleen ayaa waxa ay ku tirabeen !!anagu Dameero ma nihin balse waxa aanu nahay Kaluumo".

Adhigii iyo xoolahii Ilahay yaab ayuu u keenay,waxa ay fahmi wayeen Dameero la baxay Kaluumo, waxaanay Kaluumadii/Dameerii kula taliyeen in ay ku kalsoonadaan magacooda,iyaga oo si cad ugu sheegay in aanay marnaba Kaluun ugu yeedhayn balse ay Dameero ugu yeedhi doonaan.

Dameerii runtii arintaasi Adhiga aad ayay u cadho galisay, xaanaqii iyo niyad jabkii ay ka qadeen hadalkii Adhigana waxa uu kalifay in ay Dameerahii qabtaan shir ay ugu yeedheen kalfa'dhi aan caadi ahayn,waxa ay gorfeeyeen marlabaad isla magacii sidii ay u hirgalin lahayeen,waxa ay ogaadeen in cadaawada loo hayaa ay tahay mid fogaatay,sababta oo ah ayay yidhaahdeen, Adhiga oo ah Xayawaan kii inoogu xigay ee aynu xigtaysanayna ayaa xumaanteena ka shaqaynaaya,taas awadeed ayay go'aan sadeen in aanay cidna aaminin.

Markii waagii baryay ayaa Dameerkastaa waxa uu wajiga hore iyo dhanka danbaba uu ku xidhay Boodhkii ay ku qorayd ""la'ima yidhaado Dameer,waxa aan ahay Kaluun",waxa ay la wareegeen suuqyada,waxa ay tageen meelkasta oo ay isleeyhiin waxa aad ka shaacin kartaan magaca cusub ee Kaluun.

Dameerihii uu mudaharaadsan isla markaana Boodhadhkii iyo Makarafoonadii kaga qaylinaaya magacii cusbaa ee ay la baxeen ee Kaluun,ayaa waxaa arkay koox aad u farabad oo Dayeero ah ,Dayeeradii ayaa waxa ay arkeen Mudaharaadka ay dameerahu dhigayaan iyo magaca ay labaxeen ee Kaluun oo qoorta u sudhan,kadibna Daayeeradii inta ay kor u dhawaqeen ayeey waxa ay Kaluumadii/Dameerii ugu yeedheen"" waaryaadhaheen Kaluumadoow""Dameerahii inta ay istageen ayay farxad iyo qosol kala joojin wayeen,kadibna waxa ay midmid u salameen Daayeeradii,iyaga oo uga mahad celinaaya in cida kaliya ee magacii ay la baxeen ugu yeedhay ay tahay Daanyeerada.

Dameerahii waxa ay Casuumad iyo xafladayn u sameeyeen Daanyeeradii ugu yeedhay magacii cusbaa ee Kaluun ee ay calmadeen,waxaanay u sheegeen in magacan cusub cid iyaga ka horaysay oo ugu yeedhay aanay jirin,balse cidkastaaba iyada ku cadho galinaysa ay ugu yeedhaysay magacii ay ka guureen ee ahaa Ximaar ama Dameer.

Daanyeeradii waxa ay u sheegaan Kaluumadii/Dameerahii in aanay iyagu ahayn Dameero ee ay yihiin Kaluumo,isla markaana ay ahayd in ay Magacan hore u hirgaliyaan,sababta oo ah ayay Daayeeradu ku doodayaanba in aanay Dameeruu ahayn Xiimaaro balse ay yihiin Kaluumo.

Dameerii oo faraxsan,isla markaana Daanyeerada wax ay ugu abaal gudaan aan garanaynin,hamiga iyo yidi'diilada cusub ee uu magaca Kaluun ay u qabeena uu noqday mid noloshooda wax ka badalay,ayaa Daanyeeradii waxaa kasoo yeedhay talo iyo tusaale ay siinayaan Kaluumadii (Dameerahii).

Waxa ay ku yidhaadeen iyaga oo la hadlaaya Kaluumadii(Dameerii):

""Kaluumoow waxa aanu idin kula talin lahayn,hadii aad tihiin Kaluumo in aad ku noolataan halkii aad horaba ugu noolaan jirteen ee Badda,taasi oo cadaynaysa in aad tihiin Kaluumo,sababta oo ah ma jiro Kaluun ku nool Bariga,balse waxaa jira Dameer ama Ximaar isagu ku nool Bariga,idinkana waxa aanu idiin aqoon sanahay in aad tihiin Kaluumo"".

Hadalkaasi markii uu kasoo yeedhay Daanyeeradii,Kaluumadii/Dameerahii waxa ay dib u galeen shir,waxa ay wax iska waydiiyeen arimahan iyo talooyinka cusub ee uu Daanyeeradu ay soo kordhiyeen,waxa ay ogaadeen in ay Daanyeeradu ay wax sax ah sheegayaan,waxa kaloo ay ogadeen markii ay dib iska waraysteen in aanu jirinba Kaluun ku nool bariga,isla sidoo kalana aanu jirin Ximaar ama Dameer ku nool Badda,taas awadeed waxa ay go'aan sadeen si ay Kaluunimadooda u xaqiijiyaan in ay dhamaantood yar iyo wayn ay Badda quusaan, iyaga oo ka galaaya halka ama Goobta Badda ugu dheer si aanay mardanbe Bariga ugu soo noqon.

Kaluumadii ama Dameerahii waxa ay iska shalwiyeen(tuureen) dhamaantood yar iyo wayn,halkii Badda ugu dheerayd,kadibna markii ay dhamaan tood ay Badda ku wada daateen,halkii ay soo dhawayn iyo gacmo-furan ka sugayeen walalahoodii kale ee Kaluumo ee iyagu hore Badda ugu jiray, waxaa markiiba isha ku dhuftay Kaluunkii Badda ku jiray,kadib markii ay arkeen Dameero uu qoorta ugu xidhan yahay magacoodii Kaluunka ,cadhadii iyo ciilkii ay ka qataan arintaasi ,waxaa goobtaasi ku layaan ama ku cuneen dhamaan Dameerahii.

Hadaba maxay ayaynu qisadan ama sheekadan uga jeednaa,ma jecli in aan ujeedada si fiican daaha uga rogo balse waxa ay ila tahay dadka badankiisu waa ay garanayaan,sheekada noocan ahi halka iyo cida ay ku wajahan tahay ama lagu suurayn karo

Wabilaahi Tawfiiq.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

 

 


No comments:

Post a Comment