SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wasiirkii hore ee A.Gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa ku biiray xisiba mucaaradka ah ee Wadani.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuumadii Daahir Rayaale Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Wadani,laga bilaabo maantana uu ka tirsan yahay Wadani.

Cabdillaahi-Cirro oo xalay uu wargeyska Geeska Afrika weydiiyay jiritaanka warar sheegaya inuu qaatay siyaasad ah inuu xisbiga Waddani ee mucaaradka ah ka mid noqdo, ayaa xaqiijiyay inuu ka tirsanyahay Waddani ,waxaanu yidhi:

"Waxaan xaqiijinayaa inaan ka tirsanahay xisbiga Waddani, Anigoo ah nin waayo arag ah oo wax badan u soo joogay, markaan wax badan eegay ee aan dhinacyo badan ka eegay waxaan arkay in danta qaranku ku jirto xisbiga Waddani, Sidaas daraadeed anoo su’aashaada ka jawaabaya ‘Haa’ oo waxaan ka tirsanahay xisbiga Waddani." ayuu yidhi Cabdillaahi-cirro oo u waramay Geeska Afrika, isagoo jooga magaalada Hargeysa.

Cabdillaahi-cirro, wuxuu shacabka Somaliland ugu baaqay inaanay xisbiyada tartamaya ee saddexda ah ku kala dooran qabyaalad ee ay ku doortaan barnaamijyadooda siyaasadeed, "Xisbiyada waxa aynu u samaysanay inaynu kaga baxno qabyaaladda, sidaas daraadeed shacabku waa inay xisbiyada ku doortaan barmaamijyadooda oo aanay qabyaalad ku dooran. Xisbiyaduna waa inay ku ololeyaan siyaasad qaan gaadh ah oo bisil oo wanaag mooyee aan waxyeelo u gaysan qaranimada iyo amniga guud ee dalka."

Cabdillaahi-Cirro oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee u dambeeyay ee Madaxweyne Rayaale ayaa ah siyaasi iyo khabiir amni oo aan looga baran inuu ka dhex muuqdo siyaasadaha maxaliga ah ee xisbiyada dalka ka jira, waana markii u horaysay ee tan iyo markii ay qabsoontay doorashadii 2010 lagu dhex arko isagoo xisbi ka tirsan.

 


1 comment:

  1. Xisbiga waddani waa xisbiga siyaasiinta cadhooday markay jago waayeen, siyaasiinta Somalia u socda sida ina Buubaa iyo kuwo qabiil iyo musdambeed madax maray.

    ReplyDelete