SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Is-macasalamayntii Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxwayne Siilaanyo.

Sawiro: Ogosto.2,2017-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta guriga Madaxtooyada ku qaabiley, Gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada ahna musharaxa madaxnimada xisbiga Waddani oo maanta si rasmi ah isaga casilay xilkaasi.

Kulanka Madaxweynuhu markii uu soo dhamaaday waxa saxaafadda si wada jir ah uga hadlay afhayeenka madaxtooyada iyo Gudoomiye Cirro.

Waxa hadaladoodii ka mid aha:

"Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maanta soo booqday guddomiyaha ahna musharaxa xisbiga Waddani oo maanta si rasmi ah iskaga casilay xilkii mudada dheer uu u hayay qaranka ee ahaa guddomiye-nimadii golaha wakiilada, madaxwaynuhu waxa uu guddomiyaha uga mahad celiyay wakhtiga dheer ee ay soo wada shaqeeyeen waxaanu ku booriyay inuu qaranku halkaa kasii taabo galo, wuuna u duceeyay musharaxa iyo musharaxiinta kalaba wuxuuna ku booriyay in danta qaranka wax walba ay ka horaysiiyaan" ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada JSL Xuseen Dayr.

Waxa isna goobtaasi ka hadlay gudoomiye Cabdiraaxmaan cirro waxaanu yidhi:


"Sidaa uu sheegay Afhayeenku maanta waxaan baneeyay jagadii guddomiye-nimo ee golaha wakiillada Somaliland iyadoo doorashadii inoo qabsoomayso 13/Novembar/2017, sidaa awgeed maadaama aan qaranka masuuliyad u hayay waxaan soo booqday madaxweynaha qaranka oo aan ku war gelinaayay in aan baneeyay hawshaas iyo dar-daaran wuxuuna sii farayaba waxaanu madaxwayanaha isla fahamnay in mudnaanta lasiiyo danta qaranka doorashooyinkuna wakhtigoodii inoogu qabsoomaan"ayuu yidhi Guddomiyihii hore ee golaha wakiillada Somaliland.

No comments:

Post a Comment