SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sheekh Samaroon Ayaan Manaam Ku Arkay Waxa Uu Isoo Faray Fariintan Culus-Keeda Leh !!

Dhankiisa salaan ka dib; waanu yara wada lugeynay anaga oo hab degan iyo qunyar isku barbar socona !! wuxu yidhi ha iga nixin

Xilli dambe ayaan seexday; sidii caadada ii aheyd habeenka aan daal dareemayo marka laga yimaado waxa aan tukaday salaatul-leyl kadib waxa aan u holladay hurdo dhankaa iyo sariirtii aan seexanayey.

Waa dhawaadkii ayaa riyo iila ban baxday aniga oo jooga meel dhulka ka yara sareysa oo taag ah hoostiisana biyo durdur xoog ah ay socdaan aniga oo aad indhaha ugu haya biyaha durdurka iyo halka ay kasoo baxayaan ayaa qarka kale ee durdurka dhankaa midig iiga muuqday sheekh weyn oo ah oday da’a , laba qeyd oo cad-cad xidhan, gadhka, xiribaha iyo timaha madaxa iyo gacmuhuba cadaan ay yihiin waayeelnimo darteed .

Sheekadan ayaa na dhex martay?!

Dhankiisa salaan

ka dib; waanu yara wada lugeynay anaga oo hab degan iyo qunyar isku barbar socona !! wuxu yidhi ha iga nixin; awoowo miyaad imaleyn kareysaa qofkaan ahay? Waxaan idhi : maya awoowe !! waxa uu yidhi : waxa aan ahey sheekha iyo odayga aad ku nasabad tirsato SHEEKH SAMAROON SICIID!! salaan iga gaadhsii ubadkaygii iyo barako aan rabi uga baryaayo; waan kaa sii tagayaa awoowo e’ !! waxaaba deg-deg noogu soo muuqday 3 saddex meelood 2 ama labo illays cirka ku takhlan iyo qurux baa ka muuqatay meesha saddexaadna damis iyo hadh baa saarnaa bidhiiqsada kaliya kaaha illaysyada labada meelood ee kale!! waxa aan ku idhi anigu awoowe maxay yihiin labadan meelood ee quruxda iyo illayska leh iyo meeshan kaaha bidhiiqsaneysa??! sheekh samaroon wuxu yidhi : awoowo waa nuurkii wallaalahay sheekh ciise iyo sheekh isaxaaq !! labada meeloodna waa Djabouti iyo Hargaisa!!. meeshan hadhku saaranyahayna uu isoo eegay isagoon wax odhan !! waanse fahmay in ay Borama iyo Awdal tahay!! waxa uu i weydiiyey ??? maxaa helay ubadkaygii?? miyaad xaaqanteen??! maxaad u shidiweydeen burhaanta illayska iyo nuurkaygii rabi isiiyey ood u hagrateen iyadoo illaahay idin hagranin???

Waan u jawaabi kariwaayey!! naxdin iyo yaabka yaabkiis!! uu iga yara dhaqaaqay intii kadibna si dhameystiran ayuu dhankayga u soo eegay isagoo leh: waxa aan ku farayaa adiga iyo dhamaan ubadkaygiiba si xikmad iyo xilkasnimo ku jirto in aad u shidaan oogta nuurkaygii iyo quruxdiisa!! idinka oo garabsanaya ubadka aan adeerka u ahay ee reer sheekh isaxaaq , sheekh ciise iyo cidii kale ee aad dan bidaan !! illaahay ayaa cizi iyo nuur-leh quruxdana uu jecelyahay!! ducaan idinku ogahay fulliya fariintaydaas waa idinku deyn!!! uu iga qarsoomay aniga oo sii eegaaya tallow halka uu maray dhanka kalena aad iyo aad ula yaaban xaaladan aan manaamka kula kulmay habeenkaasi oo dhamaadka toddobaadkii hore aheyd waxa aan ku baraarugay oohinta wiilkayga BAYLE oo ay gaadhay dhankiisa xilligii uu caanaha u kici jiray si ay hooyadii u siiso; waxyar kadibna dananka eedaanka misaajidka ii dhaw iyo kuwa kalee durugsanba ayaa iswada-gaadhay; arintan ayaa noqotay mid maskaxada igaga soo ugu noqo-noqotay aamus badana igu dhalisay

Fasirka Waxa aan u fahmay sida tan:-

1. Nuurkii sheekh Ciise isagoo dawlad ah wakaa ka hilaacay ee ifiyey wadanka iyo magaalada Djabuuti ubadkii sheekh ciise inta joogta halka burhaanta sheekhu ka shidmayso ee jabuuti ay heleen cizi dhamaantii oo ay ka mid tahay ( mulki madaxnimo iyo siyaasada, dhaqaale baaxad leh, iyo rar furasho heeryadii duliga ciise dhigay inta aan jabuuti joogina ku ill qabowsato nuurkaasi.

2. Fariska xiga waxa uu tibaaxayaa: Nuurkii sheekh isaxaaq waa kaa magaalada hargaisa iyo dhamaan dalka inta ubadka sheekh isaxaaq joogaba gaadhay nuurkii iyo quruxdiisu oo dawladnimada maanta somaliland ah ( mulki madaxnimo iyo siyaasada, dhaqaalaha baaxada leh iyo quruxda ka muuqda caasimada iyo deegaanada kale ee reer sheekh isaxaaq).

3. fasirka saddexaad waxa uu tibaaxayaa : waa sababta kaliya ee uu sheekh samaroon manaamka iigu yimi !! si uu wax ii baro?! oo uu ii tuso sida ay ubadkiisii ambadka u yihiin !! baahi weyna looqabo in ay hurdada iyo dheel-halwoga ka baxaan; oo ay laasim xaq ah tahay iyo masuuliyad saaran in ay shidaan nuurka burhaanta iyo illayskii sheekh samaroon ee uu farid iyo dardaaranka culus uu iigu soo dhiibay.

Faalo : ( waxa la yidhi sida cadowga u xisaabtama sida wallaalahana u wada noolaada waxna isku siiya)

Weydiimo maan-gal ah:

1. maxaa ubadkii sheekh samaroonka iyo dhamaan masuul kasta oo reer awdal ah xil uu hayaba ka dhigay xillal inta ugu badan ay cameys iyo cidkale loo quudhi waa wada yihiin markalena dhamaantood amarka iyo go’aanka masiirkooda looga gacan sareeyo ?

2. maxaa ubadkii sheekh samaroon madiidin ama sidig uga dhigay ubadka sheekh yada kale oo markale ka dhigay carmo iyo xayaabada danab tiraha dhirta u ah in ay dam-damis iyo danab tire uu u noqdaan ubadka reero kale toodiina ay wiiqanto??

3. inta hadhsi kale iyo waab kale gogoshu u taalo bal maxaa u diiday in ay noqdaan geed damal ah oo la hadhsado in ay iyagu noqdaan?? wey noqon karaan e’ !!!.

4. maxaa ubadkii sheekh samaroon kuwo xil dawladeed haya kuwo xilka ka degay , kuwo madax-dhaqameed ah iyo dhamaan shacabkooda ka dhigay kuwo qaba dareen tabasho oo had iyo goor dareemaya deganaashiyo la’aan iyo in la dulmiyey ???

5. tabashadan ay u sheegayaan jiilka aan ku jiro iyo ku naga sii yar-yarba ma illaahay baa ku xulay dulliga iyo ducfi hooseynta mise waa mid faraj iyo makhraj leh ??!!

Jawaab aanad iskuba daalinin mudane akhriste:

Gabi ahaan ba Tabashada reer awdal waxa dhamaaneysaa marka ay u bislaadaan , wadajir ku go’aan sadaan in ay shidaan NUURKII SH.Samaroon (Dawlad goboleed dhamaan reer awdal haakah kaga haqab beelaan tabashada ay cidka u daba fadhiyaan ) !! waayo qoom alle ducufnimo iyo dullinimo kama badello illaa ay iyagu baddelaan sida ay u fikirayaan, u xisaabtamayaan , waxa iyaga dan u ah fahmikaraan ; maalintaasi ayaa ugu dambeysa wisiisiga ,jaah wareerka oo ka baxaan ,caloolyowga oo ka hadha, jiritaan kooda hadhku saaran yahay oo sugma , Awdal iyo dadkeeda oo dhan guul iyo barawaaqo kunaalooda, (waayo cududiisa nimaan cunin ciil kama fogaado ) goormay taasi imaneysaa ?? maalinta ay qeexaan reer awdal dantoodu waxa ay tahay!!! qofna kuu sheegi maayo waxa adiga dan kuu ah ee aad garan la’dahay !!! Nin-na ninkale uma waabo hadhsi iyo raaxo aan dani ugu jirin.

Maanta wiilka reer awdal kaaha illeyska hargaisa iyo Djabouti ayuu ku seexdaa, halka wiilka reer sh.isaxaaq iyo sh.ciisaha Djabouti ay ku seexdaan naruurada nuurka iyo illeyska dawladnimo udgoonkiisa iyo sharafkiisa sare; balse wiilka reer Awdal uu ka dareen duwanyahay waayo nuurka sheekhiisii ayaa dansan oo dam ah.

MAXAY REER AWDAL RABAAN ?!

Dhamaan beelaha ku abtirsada reer awdal waxa ay diifta tabashada iyo jaah wareerka kaga bixi karaan oo kaliya yaqleelida dawlad goboleed maamulkiisa iyo masiirkoodaba ay u madax banaanyihiin 80% ; 20% soo hadhayna ay wada tashi wallaalnimo ka wada yeeshaan dawlada guud ee fadhigeedu yahay hargaisa.

SABABMA AYEY REER AWDAL DAWLAD GOBOLEED U RABAAN??!!

1. Sh.Samaroon, Sh. Isaxaaq iyo Sh.ciise waxa ay ahaayeen wallaalo diimeed ay dhici karto in ay isir wadaag ahaayeen sida ay dhaqan wadaag u yihiin; hayeeshee sh. Isaxaaq iyo sh.ciise dadkoodii waxa ay hadhgaleen nuurka dawladnimo u adeegta danahooda oo ay mudnaanta koowaad leeyihiin, hadba sida ay doonaana ugu tasarufaan; saxna ay ku yihiin waliba halka ubadkii sh.samaroon ay wali jaah wareersanyahay, masiirkoodana cidkale go’aan ka gaadho; sababtaa awgeedna ay xaqtaay in ubadka sh.samaroon Awdal ka yagleelaan dawlad goboleed iyo nuurkii sheekha; si ay u illaaliyaan jirtaankoodu in aanu kumil min ubadka sheekhyada kale; qof ahaan waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa ( after research ) in awdal dawladnimo 100 % isku bixin karto!!!.

2. Dawlada ingiriis ee gumaysi illaaleedka u aheyd somaliland waxa ay iyada lafteedu ka kooban tahay ( 4 dawladood oo dhamaantood isku noqda UK , united kingdom iyo great Britain; federal government!! dawlad kaliya guud ahaan isu noqda ) sababta ay horey ugu kala baxeena ay tahay sad-bursi iyo tabashooyin dhexdooda ka dhacay ugu danbeyntiina 4 dawlad goboleed oo wada jira in ay noqdaan ku heshiiyey; waayo kala tagid kala lulasho ayaa dhaanta!!! ingiriis oo kaliya maaha waxa hab maamul siyaasadeedkan oo kale u qaabeysan dunida wadamo badan oo ay tusaale u yihiin wadamadan somaliland darisa la’ah; sidaa darteed reer awdal tiiha ay kujiraan iyo tabashada ay cidkale u daba fadhiisanayaan masiirkooda iyo baahidooda waxa ay haakah ka odhanayaan oo kaliya reer Awdal oo u dareera hab xikmad iyo miyir qab ku jiro yagleelida Dawlad gobolood ay ku illaaliyaan ( their identity ); qof ahaan waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa ( after research ) in awdal dawladnimo 100 % isku bixin karto!!!.

3. Dhaqan ahaan sabankii soomaalidu reer guuraaga aheyd marka ay geedi iyo hayaanka ay ku furaan meel-san reeraha; ugu horeyn gaashaan qaadka iyo odayada reeruhu waxa ay soo wada oodi jireen dudo ama xayndaab lagu soo weegaarayo dhamaan reeraha oo u taagan xuduuda guud ee ayaalaan; reerahaasi soo degay dabadeedna reer waliba waxa uu masuul ka ahaa qoqobihiisa ama inta uu gaar ahaan u sii degayo; dhanka uu gurigiisa u jeedinayo, halka uu ka dhigayo albaabka xoolaha iyo dadkiisuba marayaan, halka uu qalwada iyo edega waxaraha iyo nirgaha ka dhigaayo waxaasi oo dhan qoys waliba wey u madax banaanaayeen maamulkooda iyo tasarufkooda gaar ahaaneed; waxa kaliya ay wadaagi jireen waxyaabaha guud sida ( difaaca reeraha, duulaanka iyo gulf kicinta, qaraamaadka, iyo dhamaan hawlaha guud oo dhan) markuu dhaqan keenii suubanaa kaa yahay inaga oon caqligeena caayeyn reer awdal waxa ay ka mid yihiin reerahaa badan ee ku jira xayndaabka guud ee somaliland balse waxay rabaan in ay u madax-banaanaadaan masiirka dadkooda iyo qoqobahooda gaarka ah; qof ahaan waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa ( after research ) in awdal dawladnimo 100 % isku bixin karto!!!.

4. dhamaan carabta bariga dhexe ee aynu dhaqanka qabiil ku xisaabtanka iyo cimilada wadaagno iyo qabiil kasta oo soomaali ah meel ay joogaan ba maanta qabiil guud oo waliba dawlad ayuu samaystay u adeegta danahooda , difaacda sharafkooda iyo jiritaankooda !!! sababtaa darteed samaroon ma sumad laawe sidig in uu cidkale u ahaado loo abuuray baa?? maya !! maya !! maya !! reer awdal oo dhan wey gayaan gobonimo iyo sharafka kamaqan ee dawladnimo ay; qof ahaan waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa ( after research ) in awdal dawladnimo 100 % isku bixin karto!!!.

Gabagabo:

Isbedel siyaasiya oo xaq ah oo dalka ka dhacaayi waxa uu u baahan yahay dastuurka oo la furo kaabis iyo wax ka badelka uu u naadinayo looga wada jir looga hawl galo; iyadoo lagu saleynayo xulashada nidaam siyaasadeed dadka reer somaliland wada shaafinaya!! tani waa mid la karayo hadaan hagrasho jirin.

Qormadani waa risaalad bishaaro iyo barkhad u sida dhamaan ummada reer somaliland; qormadani waxa ay saamax iyo dambi dhaaf rabi u weydiinaysaa qofka dareemo khaldan , aragtiyo raqiis ah u fahma ridada fog iyo baaxada isbedelka geediga ay yaboohineyso in ay mar uun aragto ummada reer somaliland oo farax siman wada dareemaysa; iyadoo qolo walba muraadkada ay u baahantahay laga waabineyn balse u baahan fahmo sare iyo maskax furan.

Qof ahaan haba yaraato haba weynaatee cid aan necbahay majirto reer somaliland dhamaantood waa tol laxmi dami ah; hayeeshee danaha hoose ee beelaha dalka mid walba u gaar ah ka hadal koodu maaha kuwo la isku raaligalinaayo waayo horaa loo yidhi ( waxa la yidhi sida cadowga u xisaabtama sida wallaalahana u wada noolaada waxna isku siiya)!!

Waxa aan hambalyo hawada u marinayaa mayorka cusub ee degmada saylac mudane sacad daahir cige waxa aan rabi uga rajeynayaa in uu ku asturo xilka uu gudoomey; reer awdalna waxaan leeyaay yaayuulka iyo calool isku heynta dhaafa barbar istaaga hadba masuulka nasiibku saacido.

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

No comments:

Post a Comment