SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxay dadka qaar uga cabsadaan in ay Khudbadeyaan?sideese looga hortaga Cabsida?


Iftiinkacusub.com: Dadka qaar waxaa jira aan Geerida ka baqanin balse ka baqda kana cabsida in ay dadka hortiisa soo istagaan waxna ka yidhaahdaan.In aad umad soo hor istaagto oo aad wax u sheegtaa maaha wax sahlan oo si fudud looga gudbi karo.


Qofkasta oo Dunida ku nooli waa uu jeclaanlahaa in uu dad aad u farabadan hortooda ka Khudbadeeyo,balse hadana arintaasi dadka badankiisa uma wada sahlana umana suura gasho in ay sidaasi yeelan.

Dadka had iyo goor shaqadoodu ay tahay in ay dadka is hortagaan culays sidaasi u badan kuma keento in ay dad wayne aad u farabadan ka hor khudbadeeyaan,waxaana u sahlaysa laqabisga iyo barashada uu hore usoo arkay.

Waxa laga yabaa in dad yaw farabadan oo Dunida ku nooli ay ka cabsataan kana khajilaan hor istaaga iyo ka hor khudbadaynta dad waynaha,hadana iyada oo ay sidaasi tahay Somalida waxa aan ku tilmaami karaa in ay yihiin kuwo ku dhiiran in ay arintaasi samayn karaan indha adayga inagu jira aawadii.

Maaha wax sahlan in aad khudbad ka hor jeediso dadyaw aad u farabadan,runtiina maaha mid uu qofkastaaba uu samayn karo,iyada oo ay jirto cabsi soo wajahda dadka badankiisa xiliga u khudbada ku guda jiraan.

Hadaba su'aalaha iswaydiinta lihi waxa ay yihiin:Maxay ayaa keena cabsida faraha badan ee ku timaada dadka badankiisa marka ay khudbadaynayaan?Misse indhaha badabn oo qofka soo eegaaya ayaa qofka ku abuura kalsooni darada?suura gal ma tahay in Masraxyada laga khudbadaynayaa sida ay u kala munaasib san yihiin una kala qurux badan yihiin ay dadku ugu kala kalsooni badan yihiin.

Waa maxay sababta dadka cabsi galinaysa,waxa laga yabaa in qof geesi ku ah dagaalka ama ah nin Baylood Diyaradeed oo hawada dusheeda Diyaarad duulinayaa in uu ku dhici waayo in uu dad kooban ka hor khudbadeeyo waxna u sheego.

Qofkastaa waa uu ka hor hadli karaa dadka,balse qofkastaa ma noqon karo mid ay dadku jeclaystaan.

Runtii cabsida waxa ay ila tahay waxaa keena waxyaabo aad u farabadan oo aan qoraalkan lagaga bogan karin,balse hadii aad rabto in ay khudbadahaagu ay noqdaan kuwo ay dadku si fiican u dhagaysan karaan,waxa aad raacdaa talooyinkan.

Qofkasta oo jecel ama raba in uu dabaasha barto ,sida caadada ah kama bilaabo Badwaynta iyo halka uu isleeyahay waa aad ku haligmaysaa,balse waxa jira goobo iyagu uu dabaasha ku baran karo waxna aanay kasoo gaadhayn.

Inta aadan khudbadaha isku dayin in aad ka jeediso xarumaha iyo masraxyada waawayn ee ay Madaxdu isagu timaado,kadibna aadan fadeexad iyo ceeb aadan kala holeelin ,waxaan kugula talinayaa horta Afartan casho Tabliiqa raac oo la bax si aad uga soo faa'idaysato suda dadka wax loogu sheego iyo asluubka loo adeegsado.

Talooyin guudmara maskaxdaada ku hay:

1.Goobta aad khudbada ka jeedinayso ku talagal in ay joogi karaan dad markaasi mawduuca aad ka hadlayso kaagana aqoon badan,iska ilaali laablakaca iyo khudbad jacaylka,ogsoonow hadii aad halmar khudbad ku turun-turooto in ay kugu adkaanayso sida aad uga soo kabataa.

2.Tijaabi adiga oo kaligaa ah in aad dad ka hor khudbadayn karto iyo in kale,sababta oo ah fanaanintuba inta aanay masraxa tagin ayaa waxa ay sii galaan tijaabooyin aad u farabadan.

3.Inta aadan dadka hortiisa tagin ,adigu waa in aad garawshiiyo isa siisaa ,isla markaana ay naftaadu ku qanacdaa waxa aad khudbada ku odhan doontaa in uu yahay wax sax ah iyo inkale.

4.Xidho isla markaana ku labiso dhar aad u fiican,adiga oo aan labiskaaga ka dhigayn mid ka badbadisa(indho-daraandar ah) si aanay dadku ugu mashquulin dharka aad xidhan tahay, aakhirkana aanay kuugu keenin kalsooni darro iyo in dharkaaga uun laga sheekeeyo.

5.Dadka shirka aad ka khudbadaynayso lagu soo casuumaayo waa in aad wax badan kasii ogaataa,taasi waxa ay kuu faa'idaynaysaa in aad kasii digtoonaato cadawgaaga,kuwaasi oo xiliga aad khudbada ku guda jirto kuu yeeli kara dhaliilo aan markaasi dadka kale u muuqan,ujeedadooduna ay tahay in ay ku niyad jabiyaan.

6.Wax macna ah oo badan kuu samayn mayso in aad dadka shirka qaban qaabinaaya aad ka codsato in lagugu qoro dadka khudbadaha jeedinaaya,markasta waxaa fiican in ay dadku kusoo codsadaan.

7.Marka aad timaado goobta shirku uu ka dhacaayo isla markaana laguugu yeedho in aad khudbadaadi jeediso,masraxa khudbada laga jeedinaayo waxba ha la tagin waraaqo aad u fara badan oo hadhaw ku mashquuliya,taasi oo kugu keeni karta niyad jab .

8.Hal Warqad ama Laba warqadood ayaa kugu filan;taas awdeed waxa aad ka taxadirtaa in aad khudbadaada dhamaan Warqadaha kusoo qorato kadibna aad ku foorarto saacado farabadan, taasi waxa ay kuu keeni kartaa in ay dadkii kaa niyad jabaan,balse mawduuc kasta oo aad ka hadlayso tixtaac iyo calaamad u samyso.

9.Waxa kuugu horeeya ee aad samaysaa ha noqdo in aad dadka Salaanto,Ilahayna aad u mahad noqodo,wax macna ah oo badan samaynmayso in aad dadka kooxkoox u salaanto sida waayadan danbe inoo cadada noqotayTusaale ahaan:

Dadka qaar waxa ay yidhaahdaan:

""Waxa aan salaamayaa,dhalinyarada,dumarka,hoyoyinka,odayasha,madaxda,wasiirada iwm,waxaas iyo waxyaabo kale oo hada ay dadka qaar sameyaan maaha wax mucno badan ku fadhiya ,waxa kaliya oo ay kaa luminaysaa wakhtigii iyo adiga oo bulshadii kooxo u kala qaadaaya,taasi oo aadan ka dhamanayn kooxa dadku ka kooban yahay ,balse waxaa kaaga filan adoo yidhaahda :""Asalaamu calaykum wa-raxmatulaahi wabarakaatu iyo in aad Ilahayna ku mahadiso, kadibna hore ka gal khudbadaadii.

10.Khudbadaadu yey u badan mid dadka ku kalifta in ay markasta qoslaan ,waxaa ka fiican in qosolkoodu baato in ay sacabka ku tumaan, marka aad ka hadasho wax macquul ah.

11.Hadalkaagu yaanu dadka ula muuqan mid si degdeg ah ama boobsiis ah u socda ,sidoo kalana yaan lagaa dareemin in aad hadalka jiidayso sidii oo aanu hore kaaga soo baxayn,waxkasta dhex dhexayso.

12.Iskajir dhaqaaqa aadka u faraha badan ee ay dadku kaa dareemi karaan,aadna uga taxadar in xubnaha jidhkaaga meela ka mida aad gacmahaaga la doonato ama aad ku celceliso,wa calamadaha kalsoonidarada.

13.Inta aad khudbada ku guda jirto la soco dareenka dadka iyo xarakaadkooda si aad u ogaato in ay dadku yihiin kuwo kusoo jeeda oo ku dhagaysanaaya iyo in ay kaa caajiseen.

14.Waxaa dhici karta in khudbadaada laga siiyo meel dhexe ama xaga danbe,taasi inta badan waxa ay dadka qaarkii ku keentaa niyad jab,sababta oo ah waxaa dhici kara in mawducii aad soo diyaar satay in uu qofkale ka hadlo,isaga oo adeeg sanaaya xigmad iyo af-tahanyo ka fiican middi adiga kuu diyaar sanayd;hadii arimahaasi ay kula kulmaan iska jir in aad dalbato in khudbada aad ka hadho,isku day in aad wax ka badali karto khudbadii kuu diyaar sanayd.

15.Waligii khudbada aad shir ka jeedin doonto cid hawga sheekayn,khaasatan dadka markaasi iyaguna shirka kugula qoran,taasi waxa ay kuu keeni kartaa in lagaa xado ama lagaa koobi kareeyo wixii aad soo diyaarsatay oo dhan,aakhirkana aad cidlo ku dhacdo.

16.Markasta oo aad dareento adoo khudbadii gudaha ugu jira kalsooni darro,shaydaanka iska naar,waxaa dhici karta mararka qaar in aad dhidido ama aad ilawdo dhamaan khudbadii aad soo diyaar satay, waxaad samaysaa hadii ay taasi kugu dhacdo sida ugu dhakhsaha badan oo xeeladi ku jirto khudbadaadi usoo gaabi kana bax.

17.Xiliga aad khudbada ku guda jirto kalmad kasta iyo odhaahkasta oo kasoo baxdaa waa in ay la ficil noqotaa dareenka wajigaaga.Dadku ma jeclaysanayaan in aad kalmad cadho leh inta aad tidhaado hadana in aad qososho,sidoo kale inta aad dadka ka qosliso in hadana wajigaaga laga dareemo cadho xoogle taasina ma fiicna ,hadba xaalada aad ku jirto iyo hays wafaqaan hadalkaagu.

18.Marka khudbadaada aad dhamaysato dadkuna dhamaan ay masraxa ka dareeraan,raadi oo baadidoon u gal sidii aad ula muuqatay dadka iyo in ay khudbadaadi ahayd mid munaasib ah iyo inkale, iska jir hana ku kadsoomin kuwa adiga kula saaxiibka ah ee raba in ay ka qariyaan wixii aad dhaliilo lahayd,taasi waxa ay kuu keenaysaa in aad khaladaad badan oo aad lahayd aad sixi kariwaydo.

19.Khudbadaha waxaa qurxiya Maahmaahda iyo Gabayada inta yar laga soo qaato,kuwaasi oo waafaqsan mawduuca aad ka hadlayso.

20.Waxaa fiicnaan lahaa in aad hadalkaaga kusoo gaba-gabayso ,weedho sumad iyo astaan u ah khudbadaadii dadkuna kugu xasuusan karaan.

Waxa aynu intasi kusoo koobaynaa waxyaabahii aan islahaa rayi ahaan waxa ay wax ka taraysaa dadka iyagu jecel in ay Khudbadeeyaan ama ay dadka soo hor istaagaan.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment