SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Cunista hilibka Lo'da ee dalka Hindiya oo ka cadhaysiiyey dadka Lo'da caabuda.

Gudoomiyaha Dawlada hoose gobolka Haryana ee dalka Hindiya Manohar Lal Khattar, oo ah hoggaamiye ka tirsan xisbiga Bharatiya Janata Party ee xukuma waddanka India ,ayaa sheegay in cunidda hilibka Lo’da ee Muslimiinta ku dhaqan India uu dhib weyn ku yahay bulshada Hinduuska, oo iyagu caabida Lo'da, sidaas awgeedna ay waajib ku tahay bulshada Muslimiita Hindiya in ay joojiyaan cunista hilibka Lo’da.

Manohar Lal Khattar oo guddoomiya dowladda hoose ee gobolka Haryana ee waddanka Hindiya ,ayaa intaas ku daray in Lo’du loo aqoonsan yahay mid kamid ah tiirarka Caqiidada ee Madhabta bulshada Hinduuska ee Dalka Hindiya.

Inta badan Gobolada waddanka Hindiya waxaa mamnuuc ah gowraca Lo’da, taas oo ay Bulshada Hinduusku u arkaan xayawaan barakeysan, Hinduusku waa bulshada ugu badan ee waddanka Hindiya.

Go’aanka mamnuucidda cunidda hilibka Lo’da ,ayaa dhaliyey cadhada dadka Muslimiinta ah,oo iyagu si aad ah u cuna hilibka Lo'da, iyada oo dadka waddankaas qaarkiis ay su’aal geliyeen halka ay ka heshay xukuumadda xaqa ay ku xadaynayso waxa ay karsanayaan ama ay cunto ahaan u adeegsanayaan.

Go’aanka ay xukuumaddu ku mamnuucday cunidda hilibka Lo’da ee dalka Hindiya, ayaa wajahaya dhalliilo waaweyn, oo ay sababtoodu tahay in hilibka Lo’du yahay waddanka Hindiya mid aad uga jaban ama uga raqiisan hilibka digaagga iyo kan Kalluunka, sidaas oo kalana hilibka Lo’du waa kan ugu badan ee ay cunnaan bulshada muslimiinta ah iyo mujtamaca habka qabaa'ilka ah u dhisan oo dhammaantood ah saboolka ah.

Xisbiga congress-ka ee mucaaradka ayaa si weyn u dhalliilay hadalka Manohar Lal Khattar duqa dowladda hoose ee gobolka Haryana ee waddanka Hindiya ee u saabsan joojinta cunidda Hilibka Lo’da, waxa uu sheegay xisbiga mucaaradku in uusan mudane Lal Khattar xaq u lahayn in uu sii joogo xilkiisa guddoomiyenimada dowladda hoose ee gobolka Haryana

Xigasho:

BBC carabi

No comments:

Post a Comment