SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Somaliland waanu aqoon sanaynaa hadii aanu doorashada ku guulaysano.

Gudoomiyaha xisbiga ODM ahna musharaxa isbahaysiga mucaaradka NASA ahaana raysal wasaarihii hore ee kenya ahna musharaxa ugu awooda badan doorashadan soosocota ayaa si aan gabasho lahayn ugu dhawaaqay inuu aqoonsan doono soomaaliland ciidamadiisana kalasoo bixi doono soomaaliya haduu Ku guulaysto doorashada madaxtinimada dalka ee dhacaysa berito oo bishu tagay 8-8-2017.

Hadaba odhinga waa ninkii ciidanka Kenya geeyey soomaaliya markii uu raysal wasaaraha ahaa isagoo la jaanqaadaya siyaasada aduunku kaleeyahay soomaaliya oo ah in nabadgelyo iyo xasilooni dib loogusoo dabaalo dalkaas ahna mid ay deris yihiin dhibtiisuna sinaba uga maqnaan karin .

Hadaba dalka keenya ayaa dhibaato badani kasoo gaadhey keenya iyadoo lagaga laayey ciidan aadu farabadan isla markaana alshabaab gudaha u gashay dalka kenya kana geysatey dhibaatooyin farabadan kuna laayeen dadbadan gudaha kenya si ay ugu khasbaan inay keenya ciidankeeda kala baxdo soomaaliya .

Hadaba raila odinga wuxuu go,aan cad ka qaatay inuu ciidankiisa kala baxayo soomaaliya ilaalinayana xuduudihiisa keliya si aanay ugu soo gudbin ururka alshabaab taasoo maslaxad u ah dadkiisa iyo dalkiisa kuna khasban yahay siyaasad ahaan marka loo eego baqdinta maanta keenya dhextaal ee ay cagohooda Ku doonteen .

Hadaba wuxuu kaloo raaciyey inuu aqoonsan doono jamhuuriyada soomaaliland oo ah dal ay isku siyaasad yihiin soomaaliland isla markaana soomaaliya deris kala ah dhinaca kale una muuqata in siyaasad ahaan heshiis lagu gaadhey in soomaaliya la go,doomiyo si aanay argagixisadu ugusoo gudbin sadexda dal ee soomaaliya deriska la ah kenya , itoobiya iyo soomaaliland iyo aduunka intiisa kaleba isla markaana ciidamada afrikaanka looga saari lahaa soomaaliya marka soomaaliya amnigeeda gacanta loo geliyo .

Dalalka aduunka ayaa soomaaliland hortaagnaa citiraafkeeda si ay isugu joojiyaan siyaasad ahaan isla markaana aanay wax eeda uga gelin soomaaliya oo aanay soomaaliya marmarsiinyo ka dhigan goynta soomaaliland hase yeeshee mudo 27 sano ah aduunka dhib Ku haysey kadib markii iyana waxba hagaajisan waayeen aduunkana waxba ka maqli waayeen taasoo kelifeysa in uu gebi ahaanba aduunku faraha kala boxo soomaaliya si loo daawado cidda debeda loogasoo tuuro dawlad iyo ihraabiyiin miduun .

Hadaba citiraafka soomaaliland ee uu Ku dhawaaqayo odhinga waamid siyaasad ahaan aduunku uga firsan waayey oo khasabku noqotay sidii soomaaliya dhinac loogasoo wadajeesan lahaa . Hadaba citiraafku maaha mid eleclionka lagu gelato ee waamid dhab ah oo ah mid laga fursan waayey in waxlaga bedelo siyaasadii lagu khasaaray ee soconaysey 27sano oo lasoo dhaafay .

Dhinaca kale ayaa laga yaabaa in soomaaliland gudeheeda soomaaliya ka rido dagaal ay kaga jawaabayso arinkaas iyadoo ay iska kaashanayaan dawlada fadaraalka ah , butlaan iyo kooxo Ku sugan soomaaliland gudeheeda oo kala wejiyo ah iskuna calool ah .

Waxaan dawlada iyo shacabkaba usoo gudbinayaa inay ilaaliyaan nabadgelyadooda iyadoo ay soomaalilandna geleyso doorashadii madaxtinimada oo fooda inagusoo haysa , taasoo u baahan feejignaan dheeraad ah iyo heegan buuxa dawlad iyo shacaba , waxaad kaloo ogaataan marka aduunku leeyahay waxaanu sibuuxda isha ugu haynaa doorashada soomaaliland inay jiraan signalo khatareed oo looga baqdin qabo in soomaaliya iyo cidkastoo soomaaliland cadawku ahi soo dhex dhigto xiliga doorashada iyo inta ka horaysaba si loogu burburiyo laydiinkuna sheegayo si dadban.

QORE : maxamed aadan axmed

Siyaasi madax banaan

Ahna baadhe siyaasadeed

No comments:

Post a Comment