SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Madaxwaynaha Somaliland oo magacaabay Degmooyin cusub.

Iftiinkacusub.com: WAR-SAXAAFADEED-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4960/082017 uu maanta ku magacaabay labada degmo.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Masalaha Gorad iyo Cali Xaydh loo magacaabo Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

In uu Masalaha Gorad u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

In uu Cali Xaydh u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

No comments:

Post a Comment