SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nin sheegay in uu khaati ka joogo cunista Hilibka Dadka!!

Maxkamadda Gobolka Kwa-Zul Natal ee dalka South Africa, ayaa waxaa la horkeenay Shan nin oo lagu eedeeyay in ay dadka cunni jireen ama dad cunnayaal ay ahaan jireen.

Shanta nin sidoo kale waxyaabihii lagu eedeeyay waxaa kamid ahaa dil iyo inay maleegeen dilal.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay dibadda maxkamaddii dacwadda ay ka socotay ee gobolka bartamaha ee Kwa-Zulu Natal.

Boolisku waxay rumaysan yihiin in koox isku xiran oo ka shaqaysata xubnaha jirka bani'aadanka ay gobolka joogaan. Waxaana dhinaca kale ay sheegeen in kuwa kalena lagu raadjoogo.

Shanta nin ee maxkamadda la hor keenay waxaa la rumaysan yahay in midkood uu yahay dhakhtar dawo dhaqameedka yaqaanna oo iskiis booliska isugu soo dhiibay, isagoo u sheegay inuu khatiyaan ka istaagay cunista hilib bani'aadam.

Kiiskooda ayaa dib loo dhigay ka dib markii dacwad oogaha gobolka uu sheegay in boolisku ay weli baaritaan wadaan, lagana yaabo in dad kale oo laga shakisan yahay la xiro.

Dhanka kale, inta badan dadka isugu soo baxay maxkamadda banaankeeda ayaa farxad la dabaal degay markii ay maqleen in tuhmaneyaasha laga diiday in damaanad lagu sii daayo. Waxaa maxkamadda mar kale la hor geyn doonaa bisha soo socota.

xigasho:Hiiraan Online,

No comments:

Post a Comment