SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ciidanka AMISOM oo bilaabay in ay Shabaab u baneyaan Degmooyin muhiim ah.

Waxaa jira Warar xaqiiq ah oo ka imanaaya gobolka Shabeellaha hoose,kuwaasi oo sheegayaa in Saldhig aad muhiim ugu ahaa maamul goboleedka Koonfur Galbeed,ay ka baxayaan ciidanka AMISOM ,saldhigaasi oo difaac iyo halbawle u ahaa maamukaasi Baydhabo.

Dadka deegaanka LEEGO ayaa sheegay in ciidamadu ay halkaa ka xidh-xidheen agabkoodii islamarkaana qorshayanayan in ay isaga baxaan deegaankaasi oo ay baneyaan gabi ahaanba.

Xeradan ayaa ah goob in badan lagu weeraray ciidanka ABISOM,dad badan loogaga dilay

Xeradan ciidanka ka baxaaya waxaa ka mida kuwa dawlada Somaliya oo iyagu aan haysan awood ay kaligood meesha ku joogaan,waxaanay dantu ku khasbaysaa in ay racaan ama ay laguraan cidaankaasi Ajanabiga ah.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdiraxman Cali Baraf oo la hadlay idacada VOA ayaa sheegay in ay siweyn uga xumaadeen warka ku saabsan ka bixitaanka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM deegaanka Leego madaama aan lagu soo wargalina.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in ciidamada xoggooda halkaa isaga baxeen saacadihii hore ee maanta inkastoo ay jiraan ciidamo kale oo wali ku sii danbeeya laakiin iyaguna qorsheynaya in ay isaga baxaan.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ay arintan ka soo saareen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Arintan ka bixitaanka Cidamada Shisheeya ay kaga baxayaan goobo ay hore uga qabsadeen Al-shabaab maah markii u horaysay,waana arin markasta ay isticmalaan oo dhaqan iyo caado u ah,balse waxyaabaha layaabka lihi waxa ay in aanay muddo 25 sano ah aanay jirin Ciidan dawladeed oo isagu kufilaada amniga.

 

 

No comments:

Post a Comment