SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xildhibaan Talyanle oo sheegtay in uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo shalay la tartamay xildhibaan Baaeshe Maxamaed Faarax ,iyaga oo ku tartamaayey xilka gudoomiyaha golaha wakiilada ee Somaliland,ayaa waxa uu sheegay xildhibaan Talyanle in uu dib ka oogaaday in ay jirto wax isdaba marin,taas awadeedna uu isagu yahay guudoomiyaha rasmiga ah ee golaha wakiilada Somaliland.

Cabdiraxmaan Talyanle ayaa waxa uu sheegay inkastoo uu Baashe u hanbalyeeyey shalay ,hadana in ay jirta wax isdaba marin ku timi halka cod ee lagu kala badiyey,taas awadeedna ay isaga 39 xildhibaan u codeeyeen,isaga oo arintasi ka hadlaayana waxa uu yidhi:

"Doorashadii gudoomiyaha golaha wakiilada ee aan la galay saxiibkay Baashe Maxamed Faarax aan ku hanbalyeeyey ,hadase xaqiiqdii ayaa soo baxday,lagabilaabo saacadaa aan idinla hadlaayo,gudoomiyahii golaha wakiiladu waa aniga , xaqiiqadeediina waan hayaa 39 xildhibaan ee codeeyey ciday u codeeyeen waa aniga.

Sidaas daradeed afhayeenka golaha wakiilada somaliland waa aniga, waxaanan u sheegayaa saxiibkay Baashe Maxamed Faarax in arrintii is bedesahy, isagana maanta looga baahan yahay in xaqiiqda jirta iyo codkii natiijadooda halkuu maray inu aqbalo oo nagu tahniyadeedayo".

Ilaa hada lama garanaayo waxa uu xildhibaan talyanle uu dib usoo gocday iyo waxyaabaha ku kalifay in uu yidhaado anaiga ayaa ah gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland isaga oo shalay tahniyadeeyey saxiibkii Baashe.

No comments:

Post a Comment