SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaable: Waraysigii gabadhii Jinniga ahayde ee Reymaa. Qaybtii 1-aad.

Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa , wareysi dheer oo dhexmaray aqoonyahan Abukar Albadri iyo gabadha Jiniga ah ee magaceeda la yidhaahdo Reymaa, taas oo ka tirsan degganayaasha Magaalada Muqdisho ee jinniga ah,
gaar ahaan kuwa xaafadda Liido ee degmada Cabdulcasiis.

Wareysigan oo aan kaga hadalnay guud ahaan nolosha jinniga, gaar ahaanna Reymaa nolosheeda, qabiilkeeda, Jaceylkeeda, xiriirka jinniga iyo insiga ka dhexeeya, halisaha ay la kulmaan xilliyada qaraxyada iyo nolosha hoose ee dhanka raaxada jinka ayaa waxaan aan idinkugu soo gudbin doonaa si taxane ah.

Wareysiga wuxuu u dhacay qaab su’aal iyo jawaab ah, waxaana halkan idinkugu soo gudbinayaa qeybtiisa 1-aad, si aad uga bogataan, isla markaasna u fahamtaan nolosha jinka Soomaaliyeed, meelaha ay nolol ahaan ka siman yihiin jinka Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed iyo farqiyada u dhexeeya labada qowmiyadood.

Su’aal: "Reymaa marka hore ku soo dhowow geedka hoostiisa, marka xigtana waxaan kaaga mahad celinayaa in aad fursad ii siisay in aan ku arko aniga oo aan kaa cabsaneyn, iyo in aad ii ogolaatay in aan kula yeesho wareysi isla markaasna u bandhigo dadka".

Reymaa: Waan dhowahay, adigana waxaan kaaga mahadcelinayaa in aad aqbashay in aan is aragno, in kastoo markii aan Facebook iskala hadleynay aad i aamini weysay, waxaana Sharaf ii ah inuu I wareyso wariye Soomaaliyeed oo jin iyo insiba ay u arkaan qof wanaagsan.

Su’aal: Horta ma u fasaxan ahay in aan ku weydiiyo su’aal kasta, mase kula kaftami karaa inta uu wareysiga inoo socdo.

Reymaa: Haa waad fasaxan tahay, waadna ila kaftami kartaa, balse markii aad aragto in uu indhaheyga iftiin buluug ah ka soo baxayo su’aalaha iga jooji, waayo waa astaanta aad ku garan doontid in aan dhibsanayo waxa aad i weydiineyso, haddii marka aan xanaaqo aad acuudu billeysato dib danbe isuma arki doonno.

Su’aal: Hagaag! Waad ku mahadsan tahay in aad digniintaas i siisay, aan toos u guda galo e, bal waxaad ii sheegtaa magacaaga oo buuxa, da’daada, qoyska aad ka dhalatay tiradooda, iyo shaqada aad qabato?

Reymaa: Magaceyga waa Reymaa bintu Haguuf al Si’lat, waxaan jiraa 175 sano, waxaan qaan gaaray 5 sano ka hor, weli ma guursan, balse 30kii sano ee la soo dhaafay waxaan ahaa dhibbane jaceyl. Haddii aan kuu galo qoyskeyga, aabahey waxaa uu dhalay 3000 oo carruur ah, 2100 ka mid ah isku hooyo iyo aabe ayaan nahay, 900 kalena waa bah gooni. Aniga waxaa ila mataano aheyd 69 kale, waayo halkii mar hooyada jinka ah waxaa ay dhashaa 70 canug. Hooyadey waxaa ay dhashay 30 da’ood oo min 70 canug ah, kuwaas oo tiro ahaan noqonaya 2100 canug, 200 ka mid ah waxaa ay ku dinteen dagaalada, gaar ahaanna qaraxyada Alshabaab, 1900 weli waa ay nool yihiin.

Su’aal: Woow, tiro badan waaye 3000 oo carruur ah ee uu aabahaa dhalay, hooyadaana 2100 waa in ku filan, aabahaa kaliya ayey carruurtiisa qabiillo tahay, ee horta Jinniga Soomaaliyeed Qabiillo ma leeyahay sida dadka Soomaaliyeed oo kale, mise dhammaantiin waxaad tihiin hal qabiil oo ah jinni?

Reymaa: Jinniga guud ahaan waa labo ummadood oo waaweyn oo la kala dhaho ilmo Jin iyo bah Ibliis, kaddibna waxaa ay u sii kala baxaan 10 qabiil. Tobanka qabiil ee jinniga iyo ibliiska waxaa la kala dhahaa: Quullu, Hinna, Cifriit, Jaan, Naasnaas, Mariid, Baallis, Shiqi, Sheydaan iyo Si’lat.

Faraca Ibliis waxaa ku abtirsada Sheydaan, Mariid, Shiqi iyo Quullu, faraca jinni waxaa ku abtirsadaan inta kale. Sida Hinna, Jaan, Cifriit, Naasnaas, Baallis, iyo Si'lat.Aniga ahaan waxaan ka dhashay qabiilka Si’lat oo ah qabiil jinniga ka mid ah ee ugu dhow dhanka insiga, muuqaal ahaan iyo dhaqan ahaan, waana qabiilka kaliya ee insiga ay is guursan karaan haddii ay timaado in ay is calfadaan.

Su’aal: Adiga waligaa maka fikirtay in aad xiriir jaceyl la sameyso qof insi ah?

Reymaa: Dhabtii kama sheekeyn karo xanuunka iga soo maray jaceylka aan u qaaday nin Soomaali ah, oo deggan Muqdisho, gaar ahaan xaafad u dhow xeebta Geel-Laq, jawaabtan gadaal ayaad iga weydiin doontaa, balse waxaan kuu sheegayaa jaceyl aan u qabay darteed xitaa waan isku dayay in aan xilliga uu xaaskiisa la joogo aan inta maskaxda ka mashquuliyo kaddibna iyada jirkeeda ugu dulseexdo si uu iyada bedelkeeda aniga iila raaxeysto. Mushkiladuse waxaa ay noqotay mar walba iyada ama isaga mid baa acuudu billeysanaya, anigana indho madoobaad baa igu dhacayey mar walba oo ay sidaas sameeyaan. Marar badan ayaan damaaciyey in aan isaga xoodaameysto marka ay iyaga raaxadoida dhameystaan, si aan taataabsigaas nolol uga dhigto, balse markii aan is iraahdo hadda ayey kuu gashay uun buu Alxamdu Lillaahi iska soo jaraa, kaddibna waxaa la iga xarrimaa in aan korkiisa taabto.

Su’aal: Sheekadan Jaceylkaagii iyo waayihii qosolka, xanuunka, naxdinta iyo silaca lahaa ee aad ka soo martay waxaan u dhiganeynaa qeybta danbe ee wareysiga, ee horta waxaad iiga warrantaa Soomaaliya imisa qabiil oo jinni ah ayaa deggan?

Reymaa: Jinka Soomaaliya deggan waa badan yahay tiro ahaan, kamana yarin dadka Shiinaha, balse Soomaaliya waxaa ku badan jinniga noociisa ugu daceebadda iyo dhaqanka xun, kuwa ugu nolosha xun iyo kuwa ugu saqajaansan, waxaana sabab u ah xeebtan dheer ee dalka ku taala, waayo jinni xeeb ayuu degaa iyo meel qashin qub ah, Soomaaliyana xeeb aad u dheerna way leedahay, qashin qubkuna waa meel walba.

Su’aal: Dadka Soomaalida waa ay is dagaaleen, dowladdiina waa ay iska burburiyeen, 27 sano ayaan maamul la’aan nahay, idinka haddii aad tihiin jinka Soomaaliyeed, ma sida dadka oo kale ayaad dowlad la’aan yihiin, mise idinka maamul ayaa idin dhisan?

Reymaa: Maamul ayaa inoo dhisan, dalkana anaga ayaa cadowga ka difaaceyna mooyee mar hore ayaa la qaadan lahaa. Jinkii dunida oo dhan baa Soomaaliya soo weeraray, xeebtii buu isugu yimid, meeshii aad lugta saartaba canug jinni ayaad ku istaageysaa, maalmaha jimcaha Liido kumanaan carruur jinni ah ayaa ku dhamaadaan, markii ay jinka aad u xanaaqaan ayey dhalinyarada insiga ah hadba midkoo badda ku jiitaan oo dilaan, balse sida jinka loogu dhameeyo Liido insiga uguma dhintaan. Tan kale, jinnigii dalalka deriska u dhashay ayaa sidoo kale dalka ku soo duulay, waana ka adkaanay oo waan iska difaacnay, waayo iyaga way naga tiro yar yihiin, jinniga Soomaaliyeed ayaa ka badan marka la isku daro kan Itoobiya iyo kan Kenya. haddii dadka Soomaaliyeed asaagood dadka ah isaga celin lahaayeen sida aan isaga celinay asaageen jinniga ah dalkan wuxuu noqon lahaa mid ka qurxoon kana qanisan dalalka SHUSHQAA iyo QIISQAAM.

Su’aal: Waligey ma maqal dalalka aad sheegeyso ee Shushqaa iyo Qiisqaam, ee maxaad u la jeedda?

Reymaa: Iga raalli noqo, Shushqaa idinka waxaad u taqaanaan Switzerland, Qiisqaam dalka la yiraahdana waxaad u taqaanaan Qadar, balse anaga Qadar waxaan u naqaanaa gacanka Qiisqaam, Switzerland waxaan u naqaanaa Shushqaa, waayo tuugada ugu waaweyn jinniga adduunka ayaa deggan, SHushqaa macnaheedu waa Boqotooyadii tuugada, waana halka jinniga kuwiisa kibray ay dunida ka maamulaan.

Su’aal: Hadda ka hor waxaad ii sheegtay in 30 sanadood aad jecleyd nin Soomaali ah oo 3 xaasle ah, maantana waxaad ii sheegtay in aad 5 sano ka hor uun aad qaangaartay oo aad 175 sano jirtid, bal sheekadaas ii dul mar?

Reymaa: Ninkaas wuxuu ahaa nin aad u wanaagsan, waa nin jinniga dadka ka daweeya, waana nin cibaado badan, balse iimaankiisa inuu sax yahay aniga ma hubi, waayo waxay dadku dhahayeen waa kitaab gaablow. Ninkaas waxaan arkay isaga oo wiil insi ah ka saaraya gabar jinni ah oo ka mid ah nooca jinniga ee JAANKA loo yaqaano. Wiilka waalnaa ee uu JAANKA ka saarayey waxaa ku jirtay gabar jinni ah oo u dhalatay qabiilka Jaan, magaceedana waxaa la dhihi jiray Zaitu, si xun ayuu ninkaas u dhibaateeyey gabadhii Zaitu markii uu ka saarayey ninkii ay ku darsoontay. Iyada oo af jinni ku oyneysay ayaan maqlay, markii aan ku soo leexday waxba uma qaban karin, waayo waxaa shidnaa luubaan, xaar dameer iyo wax yaabo kale oo aanan u adkeysan karin. Zaitu jaceyl dartiis ayey wiilka ugu darsoontay, balse markii xoogga lagaga saaray way is dishay.

Su’aal: Jinniga ma isku af ayuu ku hadlaa mise waa kala af?

Reymaa: Jinniga waa isku af, balse noocyada bah Ibliis ku abtirsada ayaa waxay yaqaanaan luuqad walba oo dunida ka jirto mid jinni iyo mid insiba, waayo iyaga shaqadooda dhan ayaa ah in ay dadka iyo jinnigaba waswaasiyaan, diinta ka weeciyaan. Sidaas darteed qof walba luuqadiisa ayey kula hadlaan, qalbiga ayeyna kala hadlaan.

Su’aal: Jinniga dadka ma dilaa isaga, mise isaga uun baa la dilaa?

Reymaa: Jinniga midba si ayuu dadka u dhibaateeyaa. Tusaale jinniga Quullu waa mid awood u leh in uu wax walba isu soo ekeysiiyo, dadka wuu dilaa, dhiiga ayuu ka cabbaa, hilibka dadkana wuu cunaa, qubuuraha ayuu u badan yahay. Jinniga Hinna waa jinni inta badan isu soo ekeysiiya xaywaanada laga baqo sida eeyaha, waraabaha iyo dawacada, balse dadka ma dilo oo sida Quullu uma halis badna, Cifriit waa mid xoog badan oo wax walba burburin kara, balse Soomaaliya kuma badna, JAAN ayaa aad ugu badan Soomaaliya, jufadiisa ugu laandheersan waxaa la dhahaa Af-Ku-Dable baadiyaha ayuu ku badan yahay, wuxuuna mararka qaar isu ekeysiiyaa waxa loo yaqaano Daluuliyaha oo ah Dabeyl uu JAANKA kiciyo, inta kale Sheydaan ayaa ugu dhib badan, waa kan dadka ka hor istaaga in ay danahooda qabsadaan. Wuxuu dadka ku dhex abuuraa fidno, wuxuu qofka ku raraa waxyaabo culeys badan si qofka uu caajis mar walba u ahaado, waana midka dadka ku rida Zinada, Dilka, xatooyada, shirkiga, iyo dhammaan denbiyada kabaa’irta ah.

Su’aal: Adiga waligaa qof insi ah ma dhibaateysay, mise ma ku darsoontay?

Reymaa: Maya, aniga insiga waan jeclahay, haddii inta aan insi caadi ah noqdo nin ka guursado misena dhalshadayda jinninimo heysan karo waan jeclaan lahaa, waayo raaxada insiga ayaa ka wanaagsan tan jinniga, sidaas darteed gabdhaha jinniga ah waxaa ay jecel yihiin ragga insiga ah, waana sababta ay ugu darsamaan.

Su’aal: Sidee bey raaxada insiga uga wanaagsan tahay midda jinniga? Adigana labada raaxo miyaad wada dhadhamisay, midda jinniga iyo midda insigaba?

….. La soco jawaabta iyo qeybta 2aad

Haddii aad heyso talo, fikir ama dhaliil ku soo hagaaji abukar.albadri@gmail.com

No comments:

Post a Comment