SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Faalo: Dilka iyo siidaynta Dable Axmed Caydiid maxaa ka dhalan kara??


Iftiinkacusub.com: Tariikhu markii ay ahayd 3/5/2017 waxaa afaafka Madaxtooyada Somaliya lagu dilay Wasiirkii Dibu-dejinta Cabbaas C/laahi Sheekh Siraaji,dilkaasi oo uu gaystay Askari Dable Axmed C/Laahi Cabdi Caydiid.


Hadaba waxa aynu dhamaanteen ka wada warqabnaa in gacanku dhiiglahaasi Axmed C/Laahi in Maxkamada darajada Kowaan ay ku xukuntay Dil toogashao ah,kadibna uu anbiil u qaatay sida uu sharcigu dhigaayo Maxkamada sare taasi oo iyada lafteedu ku raacday Maxkamada darajada koowaad xukunkii Dilka ahaa ee ay soo saartay.

Hadaba sida uu sharcigu dhigaayo dilkasta oo dhinaca dawlada laga fulinaayo waxaa xaq u leh in uu dib u eegis ku sameeyo Madaxwaynaha,kaasi oo xaq u leh soo saarista go'aanka kama danbaysta ah ee Dilka lafu fulinaayo.

Waxa kaloo jira in uu Madaxwaynahu uu xaq u leeyahay in go'aamada ay Maxkamadahu kasoo saraan dilka in aanu ku amranayn oo kaliya in uu dilkaasi saxeexo,balse waxa uu sharcigu siinayaa in dib u eegis iyo odoros uu ku sameeyo go'aanada ay Maxkamadaha dalku soo sareen, isaga oo la kaashanaaya sharciyaqanada arintan oo kale ku shaqo leh.

Qoraalkan iyo faalladan ugumaan tala galin in aan dood iyo fikrad ka dhiibto dilka gacan ku dhiiglaha,qalinkayguna maaha mid qoraaya in xukunkaasi sharci iyo sharci-daro midka uu yahay,sidoo kale lid kuma ahi Dable Axmed C/Laahi Caydiid,mana ahi mid kasoo horjeeda xuquuqda uu leeyahay Marxuum IHN Siraaji, balse waxa aan doonayaa in aan iftiimiyo arimaha aadka u culus ee horyaala Madaxwayne Farmaajo,kuwaasi oo ay tahay in uu waxbadan ka fiirsado isla markaana uu dhinacyo badan wax ka eego.

Marka u horaysa waxa ay ila tahay in aynu isla fahamno itaalka iyo tamarta ay leedahay dawlada Farmaajo,ma tahay mid awood buuxda u leh in ay fuliso dilkan oo kale, iyada oo iska dhagatiraysa hanjabaadaha iyo caga-juglaynta ay usoo jeedinayaan beesha uu ka dhashay Axmed Caydiid.

Hadii jawaabtu ay tahay "haaa haaa" dawladuna ay tahay mid awood xoogan u leh fulinta dilkan oo kale,waxa ay ila tahay in aanu muranba ka yimadeen,madaxwaynahuna ilaa hada aanu haysteen saxeexa looga fadhiyo ee wakhtigiisii oo shin-dhaafay,balse waxa aad dareemaysaa in dawladu ay itaalkeeda iyo cududeeda ay ku qiimaynayso arimahan oo kale waxaanan isleeyahay way ku saxan tahay.

Way jirtay in badan in ay Dawladu Tiirka Toogashada taagtay dhalinyaro badan oo Somaliyeed,kuwaasi oo markaasi loo haystay dilil u badan qaraxyo,balse dilkan Axmed Caydiid kuwaasi waxa uu kaga duwan yahay laba arimood oo kala ah:

1.Axmed Caydiid lagama hayo wax qiraal ah oo sheegaayo in uu Wasiir Siraaji u dilay si gardaro ah .

2. Isaga oo Qabiilkii uu ka dhashay ay dood adag ka keeneen xukunka dilka kuna hanjabeen in ay godob u qaado doonaan dawlada Farmaajo gaar ahaan Madaxwaynaha.

Madaxwayne Farmaajo waxaa maanta hortaala warqad ay ku qoran tahay, dil sugaha in tiirka la taago lana toogto in uu saxeexo, maaha arin si sahlan oo si fudud u saxeexi karo ,isla sidoo kale maaha arin uu si fudud u diidi karo in aanu saxeexin .

Tan iyo maalintii dilku dhacay waxaa si isdaba joog ah shirar iyo hanjabaado ay kasoo yeedhayeen Qabiilkii uu ka dhashay Dil-sugaha Axmed Caydiid,kuwaasi oo si cadho leh usoo gudbiyey hadalo ay ka mid yihiin ""haddii la toogto Axmed Caydiid in ay godob dheeraada u qaadayaan dawlada gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo" ;arintaasi waxa ay laf-dhuun gashay ku noqotay dhamaan dawlada iyo Madaxwaynahaba.

Waxa iyana dhinaca kale ka imanaayo talooyin ay soo jeedinayaan markasta dadkii uu ka dhashay IHN Wasiir Siraaji,kuwaasi oo ku boorinaaya dawlada uu u horeeyo Madaxwayne Farmaajo in loo dilo gacan ku dhiignala dilay Wasiirkoodii ama Xildhibaankoodi,taasi oo ay marnaba meesha kasaareen in ay wax wadahadal ah ay la yeeshaan beesha uu kasoo jeedo Dil-sugahu.

Madaxwayne Farmaajo waxaa hortaala "laba-daran mid dooro:

1. In uu fuliyo go'aankii labada Maxkamadood ee ahaa in la dilo dil-sugaha Axmed Caydiid,taasi oo ay dhici karto in ay cadho badan ku abuurto qabiilkii uu kasoo jeeday Axmed Caydiid ,kuwaasi oo awalba Ulo-booc ah ugu kutubaayey dawlada Farmaajo.

2. In uu Madaxwaynahu baajiyo dilkaasi, arimahana uu u badalo in uu nabadayn iyo masaalaxo dhex dhagi labada Qabiil ee ay kasoo kala jeedaan Marxuum Siraaji iyo dil-suge Axmed Caydiid,taasi oo la odhan karo xiligan waxa ay u eeg tahay Saanbuuse laga eedaamay,waayo waxaa soo baxay xukun maxkamadeed.

Waxaa jiray hadal laga soo xigtay gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad Gaanshaale Xasan Cali Nuur Shuute ,hadalkaasi oo soo baxay intii aan xukunka lagu ridin Axmed Caydiid,kadib markii uu gudoomiyahu warbaahinta u sheegay in ay si caqli-keef ah(aan fiicayn) ay u dhaqmaan dhalinyarada iyagu ilaaliya Madaxda Dawlada,isaga oo xusay in ay yihiin kiisaska labaad ee inta badan Maxkamada yimaada, taasna si looga gudbo ayuu yidhi gudoomiyahu ,waxaa fiican in tiirka la taago cidkasta oo si masuuliyad darro ah u disha dadwaynaha aan iyagu hubaysnayn iyo Madaxda qaranka.

Hadalkaasi gudoomiyaha kasoo yeedhay waxa ay dadka badankiisu u fasirteen in uu gudoomiyahu ku degdegay odhaahdaasi ,isla markaana aanay ahayn xiligii ay ku haboonayd ,madamaa ay isaga laftiisa hada hortaallo arin ku saabsan dilka Wasiir Siraaji IHN;hadalkaasi oo dad badani u fasirteen in gar iyo gardaraba la dili doono dil-suge Axmed Caydiid xukunka ku dhacay hortiina la qorsheeyey.

Hadaba marka aynu ka nimaadno hadalka gudoomiyaha ,meelna iska dhigno isfaham waaga dhexyaala Qabilooyinka ay kasoo kala jeedaan Marxuumkii dhintay iyo Dil-suge Axmed Caydiid,waxaa jirta arin sadaxaad oo Madaxwaynaha culays ku noqon karta,taasi oo ah madaxda qaranka oo iyagu ka cabsi qaba in ay ku furanto waddo loogu soo gabado dilkooda.

Siyaasiyiin badan oo ka tirsan dawlada Farmaajo,ayaa waxa ay cabsi aad u badan ka qabaan hadii laga noqdo dilka dil-sugaha Axmed Cadiid,in ay taasi caqabad aan laga gudbikarayn ay ku keeni karto abniga iyo nabad galyadooda,iyaga oo ka baqa-qaba in ay si fudud hadhaw u dili karaan ilaaladoodo;hadiise tiirka la taago Axmed Caydiid ayey siyaasiyiintani ku doodayaan in ay cashar lama ilaawaan ah iyo cabsi u noqon karto dhalinyarada gacanta fudud ee iyagu masuuliyad badan aan iska saarin dilka madaxda qaranka iyo dad waynaha caadigaaba.

Waxa iyaduna culays ka iman karaa hadii dilka dil-sugaha laga noqdo, Madaxda Maxkamadaha ee go'aamada noocan ah soo saara,kuwaasi oo u arki doona in la jabiyey xukun sifa sharciya kusoo baxay ,taasi oo keeni karta kala shaki iyo isfahamwaa soo kala dhex gala hay'adaha garsoorka iyo Madaxwayne Farmaajo.

Waxyaabaha kale ee iyaguna ka dhalan kara dilka Axmed Caydiid ,waxaa ka mid ah;in uu kala shaki iyo isfahanwaa uu ku dhex abuuri karo madaxda iyo ilaladooda,taasina ay keeni karto in ay ka gaabiyaan dhalinyarada Ilaalada ahi foojignaantii faraha badnayd ee ay awal samayn jireen,isuna arkaan in qofkasta oo cadaw ay u maleeyaan hadii ay dilaan in iyagana tiirka loo taagaayo,iyaga oo soo qaadanaaya halku dhigii ahaa (Ninkii qayrkii loo xiirayoow soo qoyso adiguna)

Arintani sideedaba waxa ay u baahan tahay in uu Madaxwayne Farmaajo ka qaato go'aan aad uu uga fiirsaday,waxa iman karta in go'aan cadaalad ah oo uu qaatay madaxwaynahu isla markaana lagu dilo dil-suge Axmed Caydiid in ay dhamaanba galaafan karto dawlada Farmaajo oo awalba aan lugu adag ku taagnayn.

Hadaba waxa aan qoraalkaygan kusoo afmeerayaa,qodobada aan isleeyahay Farmaajo waa uu ka qaadan karaa:

1.In uu gacan ku dhiiglaha Axmed Caydiid dilka loogu badalo Xadhig ah Xabsi-daa'im,taasi oo aan la garan karin jawaabta ay ka bixin donaan iyo in ay yeeli doonaan iyo inkale dadka uu Marxuum Wasiir Siraaji uu ka dhashay.

2. In uu Madaxwaynahu dhex dhexaadin ka sameeyo odayaasha laba dhinac ee iyagu jaaniska wadahalka aan marna isu helin, laguna qanciyo dhinaca Marxuum Siraaji in ay qataan Mag intay doonto ha ahaatee,gacan ku dhiiglahana lasii daayo.

3.In gacan ku dhiiglaha la isugu daro Xabsi dheer isla markaana dadka uu ka dhashay ay bixiyaan Magtii marxuumka,taasi oo lagu qancinaayo dadka uu ka dhashay Wasiir Siraaji.

Ra'isal wasaare Khayre door sideeya ayuu arinta ku leeyahay:

Dad siyaasada Khayre ka faaloodaa waxa ay aamin sanyihiin ,in marka horama Raysal-wasaare Khayre iyo qabiilka uu kasoo jeedo Axmed Caydiid aanay ahayn kuwo isku wanaagsan,taasina waxa ay lumin kartaa doorkii uu ku yeelan lahaa Raysal-wasaarahu.

Waxa kaloo iyana meesha ku jirta in Raysal-wasaare Khayre ay dad badani u arkaan in uu yahay nin gacan yare uun u ah Madaxwayne Farmaajo,taasi awadeedna aanu marnaba waxba ka badali karin go'aanka madaxwaynahu uu ka qaato arintan.

Runtii waxa aan isleeyahay arimahani waa kuwo culayskooda leh,dawlada Farmaajana ku noqday Laf-dhuun gashay,ay adag tahay sidii looga qaadan lahaa talaabo geesinimo leh oo dhinacwalba laga eegay,cidkastaana ay ku qanacday.

Madaxnimada iyo xukun jacaylka lagu rooraayo, isla markaana lacagta iyo dhaqalaha lagu bixinayaa sidii madaxwayne loo noqon lahaa ,waxa uu leeyahay culaysyadan iyo kuwo kale oo markasta jira ama imanaaya.

Iftiinkacusubc.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment