SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Cornayl Sakiya Xusseen ayaa maanta loo magacaabay Xil Dumarka Somaliyeed ku cusub.

Iftiinkacusub.com:Cornayl Sakiya Xusseen ayaa maanta loo magacaaba in ay ahaato agaasimaha waaxda amniga iyo derisenynta gobolka Banadir,taasi oo noqonaysa haweenaydii u horaysay ee xil caynkan oo kala ah loo magacaabo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ah Taabid Cabdi Maxamed ayaa isagu gabadhan Sakiya u magacaabay xilkan ah , Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Deriseynta Gobolka Banaadir, oo run ahaantii la is odhan karo waa xil aad u culus.

Wareegtadan ayaa waxa ay kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ,waana arin wakhtigan ku cusub in gabadh ama qof dumara loo magaacaabo xil sidan oo kale ah,iyada oo haweenaydani ay ka tirsan tahay Booliska Soomaliya.

Cornayl: Sakiya ayaa iyadu waxa ay ka mid tahay dadka qurba joogta Soomaliyeed ee degan dalka Ingiriiska,iyada oo sadax sano uun kahor ku biirtay ciidanka Booliska Soomaliya,kana tirsanayd qaybaha danbi baadhista ee loo yaqaano CID, waxa kaloo ay hore uga soo shaqaysay Maxadka darasaadka Siyaasadda ee Heritage.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment