SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dayaxaan madoobayn ,hadii aydaan dantayda yeelin.

Hadii aanad aduunka wax badan oo dhacaya aadan kala socon,way adag tahay in ay noloshaada uu dhami ay taam noqoto, amma aad hesho nolol xayaato iyo farxad dheerada leh.

Jahiligu waa cadawga nolosha ,noloshuna waxa ay ku dhisan tahay xogogaalnimada aad u tahay Dunidan guudkeeda waxa ka jira,taasna laguma helo oo kaliya in aad meel fadhiisato kadibna aad isu haysato in aad tahay ninka aduunka u ilbaxsan.

Bal u fiirso qisadan ku yaab galin doonta,taasi oo ah gumaystayaashii reer Yurub iyo dunada sida ay ku qabsadeen,kadib markii ay xadaradii iyo ilbaxnimadii ay markaasi sheeganayeen oo ahayd mid ay dadka badan kiisa kaga horeeyaan ay Dunida ku qabsadeen.

Bad mareenkii Talyaaniga ahaa Christopher Columpus markii uu gaadhay qarada Ameerika isla markana uu u tagay dadkii wadankaasi lahaa ee Hindida Cascas, maalin maalmaha ka mida ayaa uu la shiray dadkaasi wadanka iska lahaa ,waxa uu usoo jeediyay in ay talada uu u wado ay yeelaan,hadii kalana uu Dayaxa dhamaanba uu madoobayn doono.

Dadkii Hindida ahaa ee qaaradaasi iska lahaa,waxa ay ku noqotay mid ay aad ula yabaan,waayo waligood may arkin cid tidhaahda Dayaxa amma Cadceeda ayaanu madoobaynaynaa.

Dadkii Hindida ahaa waay ay diideen talatii uu usoo jeediyay,waxanay ku yidhaadeen hadii aad Dayaxa madoobayn karto madoobee anagu ma yeelayno taladan aad nosoo jeedisay ,mana aha wax aanu aqbalayno.

Ninkani badmareenka ah ee Christopher Columpus iyo niman cilmiga falaga wax ka yaqaana oo la socday ,waxa ay ka warhayaan in Dayaxu uu madoobaan doono wax ka yar maalin ka bacdi,taasi oo ahayd aqoontii ay u lahayeen cilmiga falaga.

Waxa kaloo iyadyuna jirtay in Badmareenkaasi iyo saxiibada la socda ay imatinka wadanka ay kusoo beegeen xiligaasi ay filayeen in uu Dayaxu madoobaan doono,hadaba maxay ayaa dhacay.

Sidii ay nimanka Badmareenada ahi ay sheegeen,waxaa markiiba si dhakhso ah u madoobaday Dayaxii,taasi waxa ay sababtay in nimankii dhulka loogu yimi ee Cali Baystayka amma Hindida cascas,in ay layabaan Dayax madoobaadkan,una fahmeen in ay nimankan kusoo duulay ay Dayaxii madoobeeyeen.

Nimankii Hindida ahaa waxa ay isla goobtii ku ogoladeen waxkasta oo ay doonayeen Nimankii badmareenada ahaa ee reer Yurub,taasina wa mida maanta keentay in dhamaan dhulkoodii sidaa loola wareego,iyaguna ay ka mid yihiin dadka ugu liita Maraykan iyo Kanada.

Hadaba aqoontu waa furaha nolosha,hadii adan aqoon amma waxbarasho aanad lahayn waxa kugu dhacaysa midaa ku dhacday Hindiyaanka waana mida maanta haysata Afrika.

Khadar aar.