SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Afaraydii : Siyaasigu waa sixir qarsoon


Siyaasigu waa sixir qarsoon

Sirbuu kuu maleegayaa

Sasabada hadalkiisa wacan

Sax maaha warkiisu badi

Suryooyin weeye cakiran

Sirbuu kaa qarinayaa

Waxbuu kuu sakhirayaa

Nimcuu kuu sawirayaa.

Surwaalka iyo shaadhadh wacan

Suudhbuu kuu tolanayaa casriya

Sansaankiisu waa nin wacan

Sugnaantiisu waa nin sare

Hadana najmay  waa siloon.

Markay ku sadqanayaan

Suryo kuu maleegayaan

Siyaasiba siyaasiga kale

Saxiibweeye oo ma siro

Signalka babuurtoodiyo

Sifay ku shaqaynayaan

Sidii ridii seenyo wacan

Sumad bay kugu dhiganayaan

Samada iyo cirkaasi sare

xidigaha korkeena sudhan

Salaanbaad u tahay la koro

Markuu dantiisa kugu salimo

ee tayga qoortiisa sudhan
salaxaad sadax goor gundhiyo

Baybay ayuu kugu salamayaa.


afaradii Khadar Aar.