SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xisbiga Kulmiye kasoo bax ,Wadani ayaa ku daahirinayee !

Waagii baryaaba waayo leh ,aroor kasta oo aad soo toostana waxa aad arkaysaa war iyo wacaal iyo wax kugu cusun oo ku yaab galiya ,layaabi maayo oo nolosha oo dhan ayaa qaabkaas Ilahay ugu tala-galay.

Siyaasadu waa jidka iyo majaraha loogu tala galay in dadka iyo dalkaba lagu hagaajiyo,waxkasta oo ka qaldana lagu saxo,siyaasiguna oo hagaha iyo hogaamiyaha isteerinka u haya siyasada markaasi uu wadanku ku jiro.

Xisbiga muuxaafidka ah markasta waxa uu u tagan yahay ,in dadka iyo dalka uu taladooda hayo uu u jeheeyo hadba halka uu isleeyahay waxa ay ku gaadhayaan horu mar lataaban karo ,maalinba maalinta ka danbaysana waxa loogu talagalay in uu jaan gooyn iyo jid cusub oo horumarineed uu jeexo.

Xisbiyada Mucaradka ah waxa ay shaqadoodu tahay,ku hagista xukuumada hadba halka ay ka liicsan tahay amma ay ka liidato,waxa kaloo ay xaq iyo xuquuq u leeyihiin xisbiyada mucaradka ahi in ay dawlada markaasi jirta ay kula tartamaan xiliyada doorashada iyaga oo dadka usoo bandhigaaya waxa ay kaga duwan yihiin dawlada markaasi jirta oo la taaban karo.

Hadaba waxa maanta dalkii ka jira,wax yaabahaasi aynu soo sheegnay wax ka gadisan amma aan u dhawaynba,taasi oo ku tusinaysa in aanay wali dadku u bislaan xisbiyada qaranka iyo waxa ay qabtaan amma loogu talagalay.

Waxa aan halkan idiinku haya qiso aad u layaab badan oo ka dhex dhacday laba qof oo dhalinyaro ah,kuna balansanaa in ay qoys xalaala ay wada abuuraan,taladii arintaasi ay ku gorfoynayeen oo meel fiican u maraysa,ayaa waxa soo kala dhex galay muranka labada Xisbi waa Kulmiye iyo Wadani.

Waa nin dhalinyaro ah oo si aan gabasho lahayn u taageera Xisbiga Mucaradka ah ee Wadani,waa nin ku caan ah hadal tirada faraha badan ee ay dhalinyaradu xiliga siyasada ay ku kaftamaan,waana nin yaqaana abbaarka iyo halka la iska weeraro xiliyada ololahu ay soo dhaw yihiin.

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu agtiisa yahay sayid karaamo iyo sharaf ka leh,waxba kuma aha in uu gacanta ku saaro hadii aad hogamiyahiisa wax ka sheegto,shaqo iyo shaxaad waxa uu kusoo helaba waxa uu ku bixiyaa xisbiga,hadii maanta looga baahdo in uu shugo dhiig xisbiga loogu yaboohaayo waa ninka u horeeya.

Wakhtiga ugu badan waxa uu ku qaata,raadinta iyo u kuurgalka arimaha Xisbiga Wadani iyo kolba wixii kusoo biiray,ma jecla in uu markaliya maqli hoos u dhac ku yimada siyasada xisbiga uu taageeraayo ee Wadani,hadii cidi uga sheekaysana dhagaha ayuu ka furaystaa.

Gabadhuna maaha mid ka liidata ,si kale kuma garatide ,waa mid samada laga soo hindhisay,astaanta iyo calanka Kulmiye waxa ay u taqaana wax Muqadas ah,ma jecla agteeda in lagu waxyeeleeyo amma lagu soo hadal qaado iyada oo dhaliil loogu jeedinaayo xisbiga Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye iyo hogamiyayashooda waxa ay u haysataa sidii Saxabadii Rasuulka csw,kaba siidarane Muuse Biixina waxa uu u taagan yahay halkii Cumar Binu Khadaab,wakhtigeeda inta badan waxa ay ku lumisaa hadal haynta iyo u hilinta Xisbigaasi Kulmiye.

Marka ay wax ka sheeegayso Xisbiga Wadani iyo Gudoomiyahiisa,biyo uma kabato,waxa ay Cabdiraxmaan Cirro u taqanaa fulay xiligii halganka ka muquurtay kagana gabaday xilkii uu Maxamd Siyaad u hayay.

Wegeray ka waawayn,ninka dhalinyarada ahi maaha isaga laftiisu mid hadh u jiidaaya qolada Kulmiye.waxa uu u yaqaana wax-matarayaal ,dalkii iyo dadkiiba xaalufiyay ,una baahan in sida uga dhukhsaha badan dalka looga qabto.

Marka uu Muuse Biixi Cabdi wax ka sheegaayo,waxa uu ku tilmaamaa dagaal oogo,dhiigyacab aan tariikh fiican ku lahayn Somaliland,waxa kaloo uu ku tilmaamaa Muuse Biixi ,nin aan si fiican ugu suntanayn halgankii SNM amma aan qayb libaax ku lahayn halgan kaasi.

Hadaba dhalinyarada halkaasi siyasad ahaan kala taagan,ayaa hadana waxa ka dhexeeya arin guur iyo in ay reer dhistaan,balse waxa aad arkaysaa in ay jiraan caqabado badan oo aan u suura galinayn in ay ka gun gaadhaan arintooda qoyska,sababta oo ah waxa ay ku majara habaabeen hirdanka ka dhaxeeya siyasiyiinta aan dantooda wadin.

Taasi waxa ay keentay in labadii qof ee dhalin yarada ahaa ay horumar ka samayn kari waayeen arimihii ay ku balan sanayeen,aakhirkiina ay ku danbeeyeen burbur iyo kala shaki ay ka dhaxleen siyaasadii madhalayska ahayd ee ay isla hor fadhiyeen.

Waa ay adag tahay hadii aad maanta dhalinta wadanka qaar ka mida aad waydiiso, sababta ku kaliftay in uu Mucaarad noqdaan amma uu muxaafid noqdaan,waxa kaliya oo laga yabaa in ay kuu tusiyaan in midkastaaba uu tageero mid uu iska jeclaystay amma iska caashaqay sabab la'aan.

Waxaa fiic naan lahayn in dhalin yaradu ay xisbiyada ku doortaan wax intaasi ka wayn,waa laga fiican yahay hebel ayaa sidaa ahaan jiray iyo gudoomiye hebel ayaa tariikhdiisu ay sidaasi ahayd.

Waxkasta waxaa ka muhiimsan in la iswaydiiyo maanta maxay ayuu xusbigani dalka u qabtay bari se maxay ayuu qabanayaa,waxa kaloo iyana meesha ku jirta in la iswadiiyo xisbiyada mucaaradka ahi maxay ayay dalka u qabanayaan hadii ay bari xukunka qabsadaan.

Wali anigu maan arag Xisbi mucarad ah oo qorshe siyasadeed oo dhab ah la yimi,sidoo kale xukuumada lafteedu waxa aad dareemaysaa in ay wakhtigeedii ugu badnaa ay ku lumisay wax ka sheega xisbiyada mucaaradka gaar ahaan xisbiga Wadani.

Waxaan idin kula talin lahaa dhalin-yarow,yaanu wakhti aad u badani idinkaga lumin siyaasada aan lahayn ujeedada iyo hadafka saxa ah ee Aduunka laga yaqaano,waxa muhiim ah in aynu xisbiga ku doorano hadba inta uu leeg-yahay waxqabadkiisa dalku.

Waxyabaha kale ee aan rabo in aan qoralkan kaga hadlo ayaa isaguna waxa uu yahay,waxa aan rabaa in aynu qiimayn ku samayno ninka dalka wax u qabanaaya iyo kan wax mataraha ah ee xilkii uu hayay ku saaqiday.

Waxaa ii muuqata in siyasiyiintii ay fahmeen dadkii,oo aan ku dooranayn wax ujeedo ah taas waxa aan ku caday nayaa ,dhawaan waxa aan arkay guruub kasoo firdhaday Xisbiga Kulmiye,kuwaasi oo naflacarigii soo galay Xisbigay Wadani.

Xiligii ay xisbiga Kulmiye ku jireen madaxda Xisbiga Wadani waxa ay nimankan u yaqaneen wax ma tarayaan,waxa kaloo ay u yaqaneen xaraan quutayaashi dadka iyo dalkaba baabiiyay,balse markii ay Kulmiye kasoo baxeen ee ay Wadani soo galeen waxa ay noqdoon Xalaal miirad,taasi waxa ay ku tusinaysaa in aanay jirin amma ay inaga maqan tahay qimaynta qofka iyo waxa aynu ku dooranayno.

Waxaana ii muuqatay in hadii maanta uu Muuse Biixi soo galo xisbiga Wadani in dhamaan loo sarakacaayo,noqonayana halyay iyo hogaamiye dhab ah,taas badal keedana hadii Mudane Cabdiraxmaan Cirro uu maanta ku biiro xisbiga Kulmiye isna sidaasoo kale waxa loo aqoon sanayaa halyay qaran.

Xisbiba xisbiga kale ninkiisa la xun ma waxa uu daahir noqdaa marka uu xisbiga kasoo horjeeda uu ku biiro .Kulmiye kasoo bax ,Wadana ku daahirinayee,Wadani kasoo bax Kulmiyaa ku dahirinayee,maa jirto ujeedo iyo hadaf waxna lagu doorto waxna lagu diidaa.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar