SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nin ku dooday in Xabsiga mooyaane aanu meelkale ku noolaan karayn!

Waligaa ma aragtay qof xabsigu uu u noqday hoygiisa rasmiga ah,iskana diiday in uu xabsiga ama Jeelka uu dibada uga soo baxo ,kadib markii uu u dhamaaday xadhigii lagu xukumay, isaga oo ay da-diisu ay ahayd mid aad u yar.

Maxbuuskan oo u dhashay wadanka maraykanka,ayaa markii uu dhamaaday xadhigiisi,isla markana ay ahayd in uu xabsiga dibada uga baxo ayaa waxa uu cadeeyay in aanu ku noolaan karayn meel aan xabsiga ahayn.

Joseph Ligon waa nin Maraykan ah ,waxaana la xidhay isaga oo ay Da-diisu ay tahay wakhtigaasi 15 sano, kadibna waxa uu Jeelka ama Xabsiga uu kasoo baxay isla hada oo uu cimrigiisu dhan yahay 79 sano.

Maxbuuskan oo u dhashay wadanka Marykanka gaar ahaan gobolka Pennsylvania ee dalkaasi ,ayaa diiday in uu bannaanka uga boxo xabsiga waxa uuna ku andacoonaayay inuusan la qabsan karin meel xabsiga ka baxsan isla markana aanu ku noolanaynin.

Maxbuuskan ayaa waxa uu xabsiga ku jiray mudo dhan 64 sanadood, kaasi oo cimrigiisa ka dhigaysa shan meelood marka loo qaybiyo afar-ahaan,waxaanu u muuqday marka uu jeelka kasoo baxo in uu yahay mid yimi duni kale oo aanu garanayn.

Maxbuuskani waxa uu xabsiga galay isaga oo Inan yar oo kuray ah,hadana waxa uu kasoo baxay sida aad sawirka ku aragtaan isaga oo gadhku ciraystay,waa ay adag tahay maxbuuskani sida uu ula qabsado bulshada,waayo waxa uu imanayaa duni dhamaan teed isbadashay madamaa uu xidhnaa hal Qarni oo 35 sano ay ka maqan tahay.

Maxbuuskan ayaa waxa markii hore lagu xukumay Xabsi/daa-im kadib markii uu dilay Laba nin,balse waxa waxa lagu sii daayay wax layidhaa siidayn asharafeed taasi oo uu haba yaratee uu diiday.

Akhriste Ilahay ayaynu ka magan galnay xadhigan oo kale,balse hadii tan oo kale ay kugu dhici lahayd maxay ayaad dareemi lahayd,sawmaha mid Ilahay laga magan galo.