SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Taariikh kooban oo ka hadlaysa, Abwaan Nageeye Cali Khaliif (Safiirka)

Abwaan Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Oo Uu Dhalay Caaqil Cali Khaliif Yuusuf Waxa Sida Qiyaastu Tahay 16th June 1992 Uu Ku Dhashay Agagaarka Degmada Darroor, Gobolka Dhagaxbuur, DDSI.

Horaantii 2000s waxa uu u soo wareegay dhinaca Somaliland Isaga Oo Waxbarashadii Hoose Ka Bilaabay Dugsiga Q/Dheer Ee Magaalada Hargeisa, Halka Dugsigii Dhexe-Na Uu Ku Qaatay Dugsiga Ex-Reece (Sh. Cali Cismaan),

Dugsiga Sare Waxa Uu Ka Baxay Dugsiga Sare Ee Maxamuud Axmed Cali Sanadkii 2011 Isaga Oo Ka Mid Noqday Saddexdii Arday Ee Ugu Horeeyey Ee Arts Ah Ee Dugsiga Ku Gudba Darajada A.

Dabayaaqadii Sanadkii 2011, Waxa Uu Waxbarsho Jaamacadeed u Aaday Dalka Ethiopia Caasimadiisa Addis Ababa, Waxaanu Halkaas Ka Bilaabay Laba Kuliyadood Oo Kala Ah:

1. Kuliyadda Siyaasada Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah (Global Studies And International Relations),

New Generation University, Addis Ababa, Ethiopia

2. Kuliyadda Horumarinta Bulshada (Social Work And Community Developmen)

Alpha University, Addis Ababa, Ethiopia.

Dhinaca Kale; Waxa Uu Shahaadada Diplomada Ka Haystaa:

1. Diploma Of Journalism And Mass Communication,

2. Diploma Of Conflict Management,

3. Diploma Of Peace And Good Governance,

4. Diploma Of Human Right,

5. Diploma Of Gender And Population Development,

6. Diploma Of Nutrition.

Abwaan Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Wax Uu Ilaa Horaantii 2013 Qayb Ka Ahaa Shabakada Wararka Ee Golisnews Oo Uu Ka Mid Yahay Tafaftirayaasheeda Sar-Sare (Senior Editors).

Abwaan Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Waa Saxafi, Abwaan, Macalin Iyo Waliba Muxalil Siyaasi Ah.

Dhinaca Arimaha Bulshada; Waxa Uu Suugaan Ka Alifay Waayahay Guud Ee Ummda Soomaaliyeed Iyo Guud Ahaanba Caalamka, Waxa Uu Ilaa Hadda Gacanta Ku Hayaa In Kabadan 100+ Heesood.

Sidoo Kalena Waxa Uu Hayaa Gabayo Iyo Maansooyin, Sidoo Kale Waxa Uu Suugaanta Qaar Ka Mid Ah Sanadkan 2013 Ku Soo Bandhigay Warbaahinta Qaar Ka Mid Ah Sida: Radio Hargeisa, Hadhwanaagnews.Com.,Togaherer. Com, Hctv, Iyo Golisnews, Idaacada VOA-Da, Qorigulugnews.Com, Iyo In Kabadan 20 Website Oo Soomaalidu Leedahay Oo Suugaantiisa Daabacay, Iyo Waliba Kulan Suugaaneedyo Lagu Qabtay Addis Ababa.

Markale Aan Idinku Nasiyo Ereyo Kooban Oo Ka Mid Ah Maansada Sawrac Ee Abwaan Nageeye Cali Khaliif (Safiirka):


Abwaan Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Waxa Uu Hadda Qoraalkiisa Soo Gabagabeeyey Buug Uu Ugu Magacdaray Goob-Joog Oo Uu Kaga Hadlaayo Arimaha Siyaasada, Suugaanta Iwm, Sidoo Kale Waxuu Hadda Sidoo Kale Hawshooda Ku Jiraa Soo Saarista Riwaayad Masraxeedyo.

Shakhsi Ahaan Waxaan Aaminsanahay In Uu Abwaan Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Noqondoono Hormuudka Abwaaniinda Soomaaliyeed Ee Qarinag 21st Aaad Waxaanan Ilaahay Uga Rajaynayaa In Uu Himilooyinkiisa La Garabgalo.

Ugu Dambayntii Waxaan Jecelahay In Aan Idiin Soo Qabto Maansada Sixir-Barar Oo Uu Abwaan Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Soo Saaray 16th October 2013; Maansadaas Oo Uu Kaga Hadlaayo In Kabadan 9 Sixir-Barar Oo Ummada Soomaaliyeed Aafeeyey.

Qalinkii.Muuse Jaylaani .