SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Facebook ha loo sameeyo Faysal Cali Waraabe.

Facebook waa aalad loogu talagalay in u Bulshooyinka aduunka ku kala nool in ay ku wada xidhiidhaan,runtiina waa aalad kaalin wax ku oola kaga jirta waxyaabo badan oo maanta ay bulshadu u baahnayd.

Facebook qofkastaaba waxa laga yabaa in uu ujeedo gooniya u galo,dad badan ayaa waxa ay ugu jiraan oo kaliya madadaalo iyo maaweelo,dadka qaarna waxa dhici karta in ay u isticmalaan dhinaca siyaasada iwm.

Faebook waxaa jira dad iyagu dhaqaale ka sameeya oo uu u yahay isha kaliya ee ay ubasoo shaqo tagaan,sidoo kale facebook waxa markasta aad ka helaysaa dad culimo ah oo iyaguna dadka ka waaniya kana wacdiya.

Facebook waa waa suuq wayn oo la isku arko,waxaa dhici karta in saxiib qaaliya oo ay kuugu danbaysay waayo sii horeeyay in aad facebook iska heshaan kadibna aad ku kulantaan idinka oo xidhiidhkiinii saxiibtinimo halkii kasii wadanaaya.

Facebook waa isha kaiya ee inta badan laga arko lagana ogaado tacsiyadaha iyo tahniyadaha aroosyada,maalinkasta oo aad facebook furtaa waxa ay kuu tahay adiga oo dhex jooga dalkaagi ama dadkaagi meelkasta ha ku nooladaane.

Facebook waa goob wajiya badan qofkastaabana isaga ayay jirtaa sida uu facebook uga macmiil dhiganaayo,hadii aad shar iyo shaydaan doonayso facebook maaha mid isagu kugu khasbaaya balse adiga ayay kugu xidhan tahay hadba sida aad ula dhaqanto.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa in badan afkiisa laga maqlaa isaga oo rag badan oo ay siyaasada ku kala gadisan yihiin ku ceebaynaaya waxa ay ku jiraan ama ay wax ku qoraan facebook.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu saxiibkisii ay siyasada iskaga horyimadeen ee Jamaal Cali Xuseen uu in badan ku eedayn jiray in uu barta uu ku leeyahay facebooka ay u tahay mid uu siyaasadiisa ka kobciyo.

Sidii kale ayaa Eng Faysal waxa uu inbadan ku dhaleeceyay Cali Guray oo wakhtigan xaadirka ah ay siyasada ku kala fogadeen in uu yahay Cali Guray mid ku mashquul noqday Facebook siyasada xisbigana ka baahiya Facebook.

Hadaba Eng Faysal Cali Waraabe miyaanu la socon in Facebook wakhtigan xaadirka ah uu yahay kan kaliya ee ay bulshadu ku wada xidhiidho yar iyo wayn wadaad iyo wabiil,balse miyaanu Faysal ka warhayn in Facebook dawlado dhan oo jira uu galaaftay kadib markii kaanbayn mucaradad lagaga qaaday facebooka.

Eng Faysal Cali Waraabe miyaanu la socon in dawladii dhamayd ee Masar waxyabahii ugu waawaynaa ee galaaftay ay ka mid ahayeen shirqookii iyo wada tashigii lagu sameeyay Facebook kadibna dawladii dhamaydba hal mar ay khadka ka baxday.

Waxa aan ku talinlahaa Egn Faysal iyo facebook waa in dhexdooda heshiis la dhigaa,waayo qabkan hada gudoomiyahu mucaaradka ugu noqday facebook waa mid aad moodo in siyasadii xisbiguba ay kasoo horjeedo facebook.

Waa iga talo ,Faysal Cali Waraabe facebook ha loo sameeyo,kadibna like iyo shares ha kala daalee .

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment