SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Labatan Sano Abahay maan arkin,anoo sheekhana wuu ii yimi!!

Waxaa la wariyaa in nin la yiraahdo Anas bin Caamir oo daganaa magaalada Madiina uu maalin maalmaha ka mid ah uu arkooday haweenay illaahay qurux jireed u dhameestiray.

Waxa uu gudo galay inuu baadi goobo haweeneydii, dhab ahaantiina wuu ku guuleystay waa uuna guursaday haweeneydii.Habeenkii arooska kolkii ay guriga ku kulmeen oo uu arkay wajigeeda ayuu aad uga xumaaday, maadaama ay haweeneydu ahayd haweeney aad u madow oo quruxda habdhimeedkeeda uusan jirin xagga cadaanta iyo kalarka.


Ninkii waxa uu go'aansaday inuu iskaga tago oo ka fogaado haweeneydii,waxa uuna iskaga tagay gurigii.


Haweeneydii waxa ay dareentay in uu ninkeedii uga tagay madowga wajigeeda oo ah wax aysan iyadu dookh iyo doorasho midna ku lahayn ee ah heybad alle siiyay, waxa ayna go'aansatay sidii ay ninkeeda uraadsan laheed oo usoo sasaban laheed.


Maalma ka dib waxa ay u timid ninkeedii waxa ayna ku tiri: anasow waxaa laga yaabaa in wanaaga iyo kheyrka uu ku jiro isla joogeena ee dib ugu soo laabo gurigaagi.Wada iyo qancin ka dibna way ku guuleysatay inay ninkeedii dib usoo celiso.


Ninkii waxa uu kusoo laabtay gurigiisii isaga oo aan wali ku qanacsaneen madowga iyo qaabka xaaskiisa waxa uuna dib u go'aansaday inuu mar kale isaga tago gurigiisii iyo magaaladii uu daganaa intaba.


Waxa uu markaan guriga ka tagay iyadoo haweeneydiisii ay xaamilo tahay isagana uusan ka warqabin.


Mudo 20sano ah ka dib ayuu waxa uu dib ugu soo laabtay magaaladii madiina oo ah halkii uu kolkii horaba ka tagay, waxa uu yimid masaajidka waxa uuna guda galay inuu tukado, markii uu salaada ka baxay ayuu waxa uu maqlay sheekh masaajidka qeeb ka mid ah wax ku akhrinaya, waxa uu bilaabay inuu dhageysto casharkii sheekhu uu akhrinayay aadna wuu ujecleysto sheekhii ilaa uu dhamaadaay casharkii.


Kolkii sheekhii dhameeyay cashar akhrinta ayuu Anas waxa uu dadkii masaajidka joogay weydiiyay qofka uu yahay wadaadka casharka akhrinayay.


Waxaa loo sheegay in la yiraahdo Maalik,Waxa uu dib u weydiiyay cida dhashay iyo inna ayahiisa.


Waxaa loo sheegay inuu dhalay nin magaalada ka tagay mudo 20sano ka hor oo lagu magacaabo Anas.


Anas oo aad u qajilaya ayaa waxa uu u tagay sheekhii waxa uuna ka codsaday inuu gurigiisa u raaco.Sheekhii waxa uu aqbalay inuu guriga u wado Anas, kolkii ay albaabka gurigii tageen ayuu sheekhii waxa uu ka codsaday Anas inuu albaabka ku sugo si uu usoo wargaliyo hooyadii oo guriga ku jirta.


Anas ayaa sheekhii ka codsaday inuu hooyadii ka gaarsiiyo fariin ah:(waxaa laga yaabaa in wanaaga iyo kheyrka uu ku jiro isla joogeena).Sheekhii markii uu gurigiisa soo galay oo hoyadii usheegay ninka la socda iyo fariinta uu ka wado ayay hooyadii waxa ay usheegtay in ninka albaabka taagan uu yahay aabihiis oo mudo dheer safar ku maqnaa uuna guriga soo galiyo.


Hooyadu wiilkeeda waligeed aabihiis wax xumaan ah ugama sheegin, sidaa darteed kulanku waxa uu ahaa mid aad u soo jiidasho badan.



Hadab ma garaneysaa sheekha uu aabihiis ka haajira?
Waa imaamkii weynaa ee Imaam Maalik Bin Anas.

Dulucda qoraalka waa si walba oo uu qofku u suurad xumaado haduu diin leeyahay ku aqbal si ubad wanaagsan oo tarbiyeysan aad u heshid.


Walaal hadaad dhameysatay akhrinta qoraalkaan fadlan sii faafi.Mahadsanid


abucutmaan@gmail.com

No comments:

Post a Comment