SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ardaydii Turkiga wax ka baranaysay, badidoodii halkay ku danbaysay.

Hadaad Google-ka ku qorto 'Somalili öğrenciler kayıp olan' oo Af-Somali ku noqonaysa 'Ardayda Soomaaliyeed ee meel ay jaan iyo cidhib dhigeen aan la garanayn,' boqolaal iyo boqolaal xikaayo uunbaa kaa soo hor bixi. Qaar intay Roodhi doonteen uunbaa la wayay, qaar intay Jaamacadii tageen ayaanay soo noqonba, halka qaar kalena jamacadihii ay ku qornayeen ka dhuunteen oo ay meelahaa iska meer meeraan.

Waliba inta badan ardayda la raadiyaa waa kuwii jameecooyinku keenen ee laga war hayay, kuwa dawladu keento cidi kama war hayso, wax badanina kama joogaan. Somalidu waa sida Dameerihii Adari ee la odhan jiray ninkii ooda ka gura uunbaa raaca, Turkidu iyagaa Ooda ka guraye ha iska adkaystaan.

"Waan ka gaabsaday," waa kalmad caan noqotay oo ardayda Jamacadaha wadi kari wayday isku afgarato markay is xaal waraysanayso. Waa jargon la isla yaqaano markaad Turkey joogto.

Xagaagii 2014 ayaa mid kamida ardayda dugsiyada sare loo keenay oo aan hore u ogaa inuu schoolkii iskaga soo gaabsan rabo, iigu soo galay Dahabshiil oo aan barigaa ka shaqayn jiray, wuxuu la socday mid kale isna mar hore ka gaabsaday oo ay saaxiibo yihiin oo lacag isoo doontay, isagu markaa muu rajaynayn in lacagi u taalo, duruufta walaashii ka wayn oo mar mar wax usoo tuuri jirtay ayuu ogaa inay beryahaa iska liidato.

Markaan systemkii furay ayaan arkay in isagana lacag yari ugu jirto, markaan ku idhi lacagtaas ayaan kuu hayaa ayuu farxay, dabadeedna wuxuu igu yidhi "Niyow way umushay oo is maan lahaynba waxbay haysaaye, ma waxbaa iigu jira," Dabadeedna intaan yar fikiray ayay wax badani ii muuqdeen, dabadeedna waxaan ku idhi, waxay is leedhay aqoonyahanbaa wax idiin soo baranaya oo marku soo dhameeyo ayaydun nolol fiican heli doontaan.

Waxaan uga jeeday inaan dubaaqiisa (Maskaxdiisa) la hadlo si uu waxbarashadiisii ugu laabto. Nin raganimo ku jirtuu ahaaye, Intay ilmo ku soo joogsatay ayuu lacagtii iga gudoomay dabadeedna wuu iga baxay. Markii iigu dambaysay waxaan ogaa inuu sidii kaga gaabsaday oo marna Istanbul gaadho marna kasoo noqdo.

Dalkan Turkey dhowrkii sano ee ugu dambeeyay waxa la keenay in ka badan 3000 arday ku dhawaad oo Somaliya, ıntaa laban laabkeedna waxay ku timid inay iyagu Jaamacadaha iska bixinayaan. Ardaydaasi 80% ama way tahriibeen ama Jaamacadihii way iskaga tageen.
Xigasho.Baraarugadhalinyarada.

No comments:

Post a Comment