SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waar anigu ma waaliye ,albaabka iga fura!

Somalida waxa aad in badan ka maqlaysaa,dadka ay hayaan xanuunada dhimirku,waxaa mararka qaar kasoo yeedhe hadalo iyo kalmado xanbaarsan xigmad aad u fara badan,taasi oo aanay mararka aqaar aanay keenayn kuwa miyirka qabaa.

Inta badan wadamada Yurubta marka ad timaado waxaa laga yabaa, in aanad noloshada arag qof waalan oo sideednii ciida cunaaya,sababta oo ah waxa ay dadkanu u samaysteen dadka caynkaasi ah goobo la hayo laguna xanaaneeyo.

Maalin maalmaha ka mida ,ayaa nin ayaa waxa uu walalkii kusoo booqday ,goobaha dadka maskaxada ka buka lagu xananeeyo,waxa uu la joogay ,wakhti aad u farabadan oo ah kii loogu talagalay in cidkasta oo dadkan soo boqanaysa in ay joogto.

Waxaa kaloo jira in gurigan ama dhismahan wayn ee dadka lagu xanaanaynaayo,uu yahay mid halmar isqufulaaya marka ay dhacdo ama ay dhamaato sacada loogu talagaya,in dadka bukaanka ah lasoo booqdo.

Markii ay dhamaatay sacadii loogu talagalay booqashada,ayaa waxaa markaliya si-iswadda (automatic) isku wada xidhmay ilbaabadii uu gurigu lahaa,kadibna waa isaga oo ordaaya albabadii garaacay ninkii soo booqday walaalkii oo dhimirka laga hayo.

Markii ay albaabadii ay is furiwayeen ayaa inta uu qayliyay , waxa uu yidhi,waar iga fura albaabka anigu ma ahi nin waalane,kadibna inta makarafoon lagala hadlay ayaa waxaa lagu yidhi.mar hadii ay sacadu dhacdo,cidna lagama furo.

Ninkii xanuusanayay,oo taagan meel aan sidaasiba uga fogayn,maqlayana hadalka uu walaalkii yidhi,ayaa isaga oo walaalkii la hadlaaya waxa uu ku yidhi ,walaal hadii albaabadan fudaydkaa lagaga baaxaayo ,aniguba mar hore ayaan ka bixi lahaaye ,iska joog iminkana.

Runtii waxa ay sheekadani ku tusinaysaa,xigmada inta badan ku jirta dad badan oo maanta aynaan talo iyo tusaale toona aynaan waydiin,balse aynu u naqaano in ay yihiin kuwo waalan oo madaxa ka jiran.

W/Q:Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment