SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shaydaan iyo Ibliis hadaad wax ka sheegto dadbaa ku qabsanaaya.

Somalidu waxa ay tidhaahdaa Dad la aragyaaba dhib la arag,waa halkudhig aad u layaab badan kaasi oo ku tusinaaya,in mararka qaar dadka laftoodu in ay yihiin kuwo dhibta iyo dhagarta dunida ka dhacaysa abuura.

Halku dhigan Somalidu waxa ay ku mala'awaashay ayaay ila tahay ,sidana an sheekada ku maqlay ,waxaa la yidhi bahasha Deerada layidhaa iwm ayaa iyada ee meel banaan iska daaqaysa isla markana aanay jirin wax dhibaato ah oo ay markaasi ay ka baqataa,ayaa waxa ay sheeda(meel durugsan) ka aragta qof Bini-aadmi ah oo maraaya.

Deeradii inta madaxa kor u qaaday ayaa waxa ay tidhi hadalka ah, dad la aragyaaba dhib la arag,waayo waxa ay ogtahay in aan qofkaasi marnaba dhaafayn ,waxyarka bacdina sidii ay sheegaysay ayaa dhacday oo ninkii ay arkaysay ee meesha marayay waxa uu noqday kii inta uu iyadii dilay ,hadana Hilbaheeda dubtay.

Hadaba halkudhigan "Ibliis iyo shaydaan hadaad wax ka sheegto dadbaa ku qabsanaaya"waxa laga yaaba in qaarkiin ay yidhaadaan sidee ayay u suuragal tahay in iyada oo Ibliis iyo shaydaan uu Ilahay nacdalay ,hadana ay ku qabsadaan dad bini-aadmi ahi.

Ku darsoo walibana dadka ku qabsanaya mahaa cidkale waa Muslimiin,mana garanaysid sabab ay kuu qabsanayaan iyo ujeedo ay leeyihiin,kudarsoo waxa dhici karta in kuwaa ku qabsanayaa ay yihiin kuwo aanay ka tagin shanta saladood.

Waxba yaan hadal idinku daalinine aan usoo gundadhaco ujeedada qoraylkayga iyo halka iyo Ibliis iyo dadku ka walaaloobeen,saw ma ogid maanta waxa dheereeya xumaanta,waxaana gaabiya wanaaga ,ninka xumaanta ka shaqeeya ayaa dadku jecel yahay ,kan wanaaga ka shaqeeyana cidiba hadalkiisa uma dhag dhigto.

Dadka Somalida maanta hadaad u fiirsato waxa ay ku jiraan xaalad aad u khatara taasi oo ah in waxkasta oo xun la isugu hiiliyo waxkasta oo wanaagsana laysaga cararo,hadii maanta aad qof xun oo umada dhibaato ku haya aad ka hadasho ama aad wax ka sheegto ,waxa markaaba budka kusoo qaadanaya qabiilkisii oo Oodahiisa wata.

Maanta waxa jira in ay badatay xumaantii,arxandaradii oo aanay jirin cid isu naxariisanaysaa ama isu gargaaraysaa ,waxaa batay fakhrigii iyo gajadii,waxa laga yaba in magaalo kasta ay ku hoos nool yihiin dad aan waxba haysan hadana aan laga dareemayn dhibta iyo darxumada ay qabaan.

Waxaa inagusoo batay in baraha bulshadu ay ku wada xidhiidhaa ay noqdeen kuwo inta badan lagu buunbuuniyo qabiilka iyo kala qoloqolada,hadii ay dhacdi in aad wax ka sheegtana waxa laga yabaa in lagu arko in aad tahay nin aan xaalada la socon.

Waxkasta oo maanta xun bulshadeenu way ku faantaa waxkasta oo wanaagsana waa laga faanaa,waxa magac iyo muuq maanta yeesha inta xumaanta iyo dhagarta ka talisa,waxa aan hadalkooda iyo wanadooda aan la qaadan culimada iyo inta dadka wanaaga jecel.

Dhamaan dadkii waxa aad moodaa in ay tartan ku jiraan,waxa loo baratamayaa siyaasad iyo xukun,waxa laga radinayaana maha in dadka wax loo qabto ee waa in xoolaha iyo hantida umada lagu boobo.

Tuugii qabiil ayuu noqday.siyasigii siloonaa hadii aad istidhaado bulshada wax uga sheeg,waxa markaaba budadka kuu qaadanaya kuwii uu la qabiilka ahaa ,oo ka mida umada ku dayacan dalka ee uu hantidoodii iyo dhaqalahoodiiba uu cunay.

Maanta waxaa ugu daran dumarkii iyo haweenkii,kuwaasi oo qabyaalad siloon la baray waxaana macalimiin u ah raga ,kadibna waaba dhacday in dumarkii ay ragii bara-dheeraadeen,taasina aakhirka waxa ay inoo keenaysaa dib u dhac dhinaca caruurta ah.

Caruurteenii iyo dhalinyaradii waxa ay noqodeen kuwo ku barbaaray,is-riixriixaa siyasadeed iyo dhaqan ee dhalan-doorsoomay,hadii aynaan tasi ka hortagina waxa ay noqonaysa sanadaha soo socda in xaalku uu ku danbayn doono lama arag iyo lama maqal.

Abaarta iyo afaadka ina haystaa inaga tagimayaan hadii aynaa isu naxariisan,hadii aynaan kan baahan wax tarin,kan qaldan ee sida xun wax u sheegaaya hadaynaan iska qaban Abaarta iyo aafaadku waligood inaga hadhimaayaan.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment