SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Isku day in aad ka faa'idaysato, jaaniska aad markaasi haysato.

Qofkasta oo inaga mida,waxaa markasta soo mara Jaanis iyo fursad ay tahay in laga fa'idaysto,balse waxa ay kolba ku xidhan yahay jaaniskaasi iyo fursadaasi sida uu u arko,waxaa dhcikarta in aanu qofkuba u arkaynin waxani in ay yihiin fursad u baahan in hada wax laga qabsado iyo inkale.

Waxa dhici karta in aad maanta shaqo hayso,balse aanad bari toole aanad haysan,waxaa laga yaaba in aad maanta cafimaad hayso balse wakhti wakhtiyada ka mida uu cafiimaadku kaa tagi karo.

Waxaa inta badan dhacda in fursada iyo jaaniska ay dadka badankiisu u yaqaanaan shaqada iyo lacagta,balse fursada ugu wanaagsani waatan cafimaadka,wakhtiga,kuwaasi oo markasta aan la hubin jiritaankooda.

Waxaa kaloo jira fursado iyo jaanis kugu xidhan in aad adigu samayso,khasab maahan in markasta ay fursadu kusoo martobalse waxaa fiican in aad adiga laftaadu isku daydo in aad jaanis iyo fursad wanaagsan aad samaysato.

Waxaa tariikhdii hore ee Somalida laga sheegaa sheeko odhanaysa,nin ayaa waxa uu dabin ama shabaq dhigtay meel kayn ah ama duur ah,kadib waa uu iska seexday,markii uu cabaar hurday ,ayaa waxaa toosiyay nin markaasi wadada marayay,kaasi oo arkay in dabin uu ninkani xidhay ay Sakaaro u gashay.

Ninkii wadada marayey ee socotada ahaa waxa uu kusoo baydhay ninkii Sakarada dabinka gashayday oo iska hurda, kadibna inta uu toosiyay ayaa waxa uu u sheegay in Sakaaro ay dabinkii ugu jirto.

Ninkii markii uu hurdadii ka kacay,halkii uu Sakarada dabinka u gashay u tagi lahaa,ugalana soo bixi lahaa ,ayaa aadyar oo dhalatay waxa uu bilaabay in uu xaabadii uu ku karin lahaa iska doonto,marbana qori meel kasoo jabsado.

Markii uu dabkii si fiican ugu baxay, ayaa waxa uu u tagay halkii ay Sakaaradu ku xidhnayd kadibna waxa uu wayay Sakaradii ,waxaanu ogaaday in ay Dabinkii ka baxsatay, waxa aad uga qoomameeyay qaladkii uu sameeyay ee ahaa inta aanu dabka shidan in uu Sakarada dabinka kalasoo baxo.

Sheekadan yari waxa ay ina tusinaysaa in fursadu ay tahay ,mid laga faa'idaysto markaa ay taagan tahay,balse aan lala sugin ama aan laga fikirin in waxkastaaba ay ku sugayaan ama ay halkooda kuu taagnanayaan.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment