SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Warqad ku socota qof dhintay.

Sidii bay diyaaraduhu uga duulaan garoomadii waaweynaa. Baddu halkeedii ma soo dhaafin, hawaduna shaqo joojin ma ay samayn oo ma istaagin. Sankayaga ayey sidii u gashaa, dabadeed sidii uga soo noqotaa. Wali waannu nool nahay. Cirku sidii ayuu nooga sarreeyaa, dhulkuna waa uu naga hooseeyaa.

Cadceeddu kama caajisin in ay bari ka soo baxdo, mugdiga habeenkunu isla bari ayuu nooga yimaaddaa, labadoodubana galbeed ayey ku dhammaadaan. Habeenka iyo maalintu tartankii ma ay joojin, Midkoodna wali ma guulaysan, mana guulaysan doono. Wax kastaaba waa caynkoodii.

Toddobadii casho iyo wixii ku hoos jiray, waa noocaddoodii. Sabtidu kama soo hor marin jimcaha, jimcuhuna gadaal kama marin axadda. Isniin carootay, salaasa ama talaado cudurdaartay, arbaca xanuusatay iyo khamiis hurdadu la tagtay toona wali ma dhicin.

Sannad marka uu dhammaadaba, mid kale ayaa noo yimaadda, biluhuna safka ay ku jiraan iskuma xinniyaan, isma riix riixaan, isma musuqmaasuqaan, mana kala hor iyo dib maraan. Ilbiriqsiyadu may yeelan damaca aadamaha ee xarkaha goostay, daqiiqaduhna laaluushka ma qaataan. Wada shaqayn, hannaankii dawladnimo ee hufanaa, ayaa ka dhexeeya saacadaha. Dhulku, faqri kama baxo, isku filnaashana ma gaaro, daruuruhuna deeqsinimada, soo daynta dhibcaha roobka, wali waa caynadoodii.

Shimbiruhu nooma ay sheegin danta ay ku qabaan dawaafidda dushayada, dadkuna socodka ma daayo, badda waxa ku jiraana badanaa nama soo booqdo. Sidii ayaan nooluhu isu cafin, manooluhana aannu isu daarin. Ficiltanka ka dhexeeya cudurka iyo caafimaadka, dhibka iyo dheefta, dhimashada iyo dhalashada, dheregga iyo gaajada, iyo dhammaan lammaanayaasha dunida ku loollama, waa sidoodii. Dumarku mar qura ma nacaan in ay dumar ahaadaan, ragguna sidii bay rag u yihiin. Wax kastaaba waa caynkoodii.

Halkii aad nagaga tagtay ayaannu joognaa, mana ogaan doonno goorta aannu ka tagi doonno, sidii aanad adba u ogayn. Fiisihii kuu soo dhacay ayaannu annaguna dhawraynaa goorta uu noo soo dhaco. Magaaladii aad u dhalatay iyo dhulkii aad taqaanay waa tabtoodii.

Sidii bay u boor weyn yihiin, u sawaxan badan yihiin una buuq badan yihiin, haddii ay doonaana, qaarkood, u qurux badan yihiin. Wax baa ku soo kordhay, waxna way ka dhaceen. Dunidu waa sideedii.

Waxa ka dhaca qarax, waxa ka socda qaxar iyo qulqulatooyin. Lama ogaan doono waxa ay ku dambayn doonto, aan ka ahayn rajada la qabo. Sidii baa loo xasuuqaa Falastiin. Annagu, soomaali ahaan sidii baannu isu neceb nahay badankayagu, afkana jacayl uga sheegannaa. Wax kastaaba waa caynkoodii.

Adiga gadashaa, dad baa nagu soo biiray, qaar kalena way naga tageen. Maalin kasta sidaas ayaa dhacda. Dabcan, sidii aad ku ogeyd ayuun baa dhacda. Sidaas ayuun baana dhici doonta, illaa wax kasta oo dhacayaaba ay joojiyaan in ay dhacaan.

Horumarkii ay dunida iyo aadmuhu samaynayeen, sidii buu kor ugu socdaa, marmarna qalalaase u dihdaa. Maalinba wax cusub ayaannu barannaa, dharaarba wax hor leh ayaa soo kordha.

Hebelladii aad taqaanay iyo heblaayooyinkiiba, dhammaantood, sidii bay u soo galaan faysbuugga, wax u soo qoraan, waxna loogu qoraa. Maalin kasta sidii baannu u murannaa, isugu marannaa, haddana u wada qosolnaa. Noloshu sidii bay meerto u tahay, malagguna kaluumaysiga nafta kama daalo. Wax kastaaba waa caynkoodii.

Ma doonayo in aan ku murug galiyo, farxadna kuuma sido. . Dunida, sidii baa nin qooqani ugu doobiyaa, maskiina sidiisii ayaa loogu durduriyaa. Wax kastaaba waa caynkoodii. Adiga ayuun baa ka maqan, adiguna waad dhimatay ama geeriyootey.

Fiiro Gaar ah: dulucda dhambaalkan uu xambaarsan yahay waxa weeyaan. bal suuree dunidu caynka ay ahaan doonto marka aad dhimato dabadeed. Adiga ayuun baa ka maqnaan doona, laakiin wax kastaaba sidooda ayey iska ahaanayaan!

Qalinkii: Khadar Cabdi Cabdilaahi.

No comments:

Post a Comment