SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaa ala qabsadey nin Indheer garad ah Iyo nin saaxibada isku dira.

Xilligii ay jirtay dawladdii Cabbaasiyiinta ee xarunta islaamku ahayd magaalada Baqdaad oo hadda ah caasimadda dalka Ciraaq, ayaa waxa dhacday in nin war xumaan ah xambaarsan uu ula tegay nin aqoonyahan indheer-garad ah, waxaanna labadaas nin dhexmartay sheekadan yar.

Ninkii farriinta siday: Ma ogtahay waxa aan maqlay ee uu kaa sheegay saaxiibkaa?

Indheer-garadkii: bal horta aamus oo inta aanad wax ii sheegin, waxa aan ku marinayaa saddex tijaabo oo yaryar." "waa hagaag ee soo daa tijaabooyinka aad sheegayso," ayuu ku jawaabay ninkii warka siday.

Indheer-garadkii: ka hor inta aanad waxba iiga sheegin saaxiibkay, waxa fiican in aad marka hore waqti yar qaadato, kadibna aad shaybaadho amma kala shaandhayso waxa aad doonayso in aad tiraahdo ee khuseeya warka aad ii sido.

Tijaabada koowaad.

"Si dhab ah 100% ma u hubtaa in waxa aad ii sido ee saaxiibkay iga sheegay ay run yihiin?
Ninkii warka xambaarsanaa: maya, ee waan maqlay uun…oo ma hubo….eeen.
Indheer-garadkii: waa hagaag, markaa si dhab ah uma hubtin run iyo been inuu yahay.

Tijaabada labaad.

"Waxa aad ii sido ee aad ka mashaqay saaxiibkay ma wax wanaagsanbaa? ayuu weydiiyey Indheerad-kii.

Ninkii warka xambaarsanaa: maya, wax wanaagsan mahaa ee waa hadal xun.
Indheerad-garadkii: Sidaa darteed, wax xun ayaad iiga keenaysaa saaxiibkay oo weliba aanad hubin inuu run yahay.

Tijaabada saddexaad.

"Waxa uu xambaarsan yahay hadalka aad saaxiibkay iiga sido ma wax anniga faa’iido ii leh baa? Ayuu weydiyey Indheer-garadkii, wuxuuna ninkii kale ku jawaabay; "Maya, xaqiiqdii wax faa’iido ah kuuma laha."

Indheer-garadkii: Hagaag, haddii warka aad iiga keentay saaxiibkay aannu ahayn mid run ah, wanaagsan oo aan wax faa’iido ah ii lahayn, waa maxay danta kuugu jirta in aad iiba sheegto? kadibna ninkii warka siday oo khajilaad iyo khaso ka muuqato ayaa iska noqday isagoo xambaarsan warkiisii.

Sidaa darteed, waxa fiican walaal in aanad ka dhegaysan qofka war kuula yimaada ee weliba jecel inuu kuu sheego wax xun oo uu kaaga sido saaxiibkaa, qoyskaaga, ehelkaaga iyo cidda aad wadashaqaysaan, saddexdan su’aalood weydii, waana tijaabo lagula dagaalami karo qofka warka u kala qaada dadka walaalaha ah.

Qalinkii: Maxamed Cirro.

No comments:

Post a Comment