SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nin Bidaartu ay biyo dhigtay ayaan ahay,balse murayadu waxay i tusisaa anoo Timo leh.

Sida idiinka muuqata,magaca qoraalka waxa aan ahay nin ay bidaartu biya dhigtay,u malaynmaayo in uu jiro nin sidayda Bidaartu ay mashaysay,balse hadana marka aan Muraayada isku eego,maasha Allah waxa aan is arkaa anoo leh Timo aad quruxda yaabto,oo waligay aanan arag cid leh.

Waa arin iga yaabisay,ma garanaayo si aan yeelo,ma jeceli in aan murayada iska daayo waayo wa ay i farax galisaa,balse hadana marka aan dhakadayda aan taabto,waa gawaan cidla'ah oo aad moodo in aanay waligood Timo kasoo bixin.

Waar yaa ila taliya oo sida ay wax yihiin ii sheega,oo matalo ayaan qadanayaa,noloshaydii waxa kala goostay tabashada gacanta ee madaxayga oo aan i farax galin iyo timi run iyo been waxay tahayba ay muraayadu i tusayso.

Waligay Murayad jeebka kumaan qaadan hada ka hor,waxa aan xasuustyaa reer miyigeenii oo qofkastaaba uu murayad jeebka ku sidan jiray,hada ayaan xasuustay ilayn sidayda oo kale ayay ahayeen,oo murayada ayay nafta ku maawelin jireen.

Waxkasta waan sameeyay,Murayadii iga dayn wayday aragtida ay i tusayso in madaxaygu uu Timo leeyahay,kaaga siidarane timaha aan arkayaa wuu kuwii Hindida,mararka qaar waxaan idhaa aduunka Murayadaa u Been badan,sababta oo ah xataa timahan ay i tusaysaa maha kuwo aan waligay yeeshay,Ab iyo Isirtoona uma lihi Timo Hindi.

Marka aan Suuqa tago ama aan dukaamada wax ka iibsanayo,jecliyaa in markasta murayad kasta oo meeltaala in aan isku eego,waxaas waxaaba kasii daran,khaatiyaanka ay iga taagan yihiin Babuurta jidka maraysaa,waayo babuurkasta waxa uu arkayaa aniga oo isku *looxaaya,si aan isugu daawado murayada gaadhiga.

Waxkasta waxaa igagsii daran,Garfeedha ama Shanlada aan iibsaday ee aan madaxayga ku feedhaayo,marka aan muraayada is-horhayo.

Hadaba arintani markii ay iga yaabisay,balse wakhti aad u dheer aanan cidna u sheegin,ayaan markii danbe waxa aan go'aan saday in aan arinta dadka wax ka waydiiyo,ugu horayn waxa an arintii u bandhigay,xaaskayga oo aad ii jecel anna aan jeclay.

Xaaskaygu markii aan arinta u sheegay,iyadu mabay laba labayn,waxa ay tidhi gacantaada ayaa Been sheegaysa balse Murayada ayaa Run kuu sheegaysa,runtii aad ayay ii farax galisay markii ii sheegtay warkaasi.

Waxa kaloo aan u tagay saxiibkaygii qaaliga ahaa,waxaan ku idhi saxiib iyama ayaan rumaystaa,gacantayda taabanaysa Bidaarta boqol jirsatay iyo Timahan aad moodo kuwii Hindida ee ay muraayadu i tusayso.

Saxiibkaygii waxa uu iigu jawaabay saxiib,anaa kuu huba Timo ayaad leeyahay,saxibkay waa uu mahad san yahay, isna waa u i dhiiri galiyay,waxa aan ku farxana wa uu ii sheegay,malin maalmaha ka mida ayaan hadana waxa aan ka fikiray,in aan arintan u bandhigo,nin aanu si fiican isu naqaano balse aan filaayo in aanu i jeclayn.

Waxa aan ku idhi saxiib arintan ayaa i haysata,waxa aan ku waydiiyay ma Bidaar ayaan leeyahay mise Timmo,walibana Timmo iskuma jiraane kuwa Hindida,waxa uu iigu jawaabay xaasha waxa aad leedahay Bidaar tan u xun ee ragga gasha,waxanan kugula talin lahaa,in aad dadka ka qariso.

Maxay ayaad ka fahamtay sheekadan,xagiine weeye.

W/Q,Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment