SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xukunkii ku dhacay dhalin-yaradii Galdogob Hablaha ku kufsaday.

Shantii dhalinyarada ahaa ee dhamaadkii sanadkii hore labo Gabdhood ku kufsaday Degmada Galdoagob ka dibna mid ka mid ah gabdhaha ka duubay Muuqaal lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa maanta xukun lagu riday.

Xukunkan oo ay rideen Culimada waxaa Goobjoog ka ahaa Maamulka Puntland, Ehellada wiilasha iyo Qaar ka mid ah Dadka deegaanka,waxaana xukunka kadib Dowlada Puntiland ku fulisay Dhalinyaradii Jeedalkii lagu xukumay [Karbaash], siddoo kale waxaa xukunka qeyb ka ah xadhig iyo ganaax lacageed.1

Mid kamid ah dhalinyarada lagu soo eedeeyay in uu ku lug lahaa kufsigan ayaa lagu waayay wax danbi ah kadibna waa la siidaayay.

Qaabkii xukunkoodu uu u dhacay iyo midkasta ciqaabtii la marsiiyay.

1:-Shirwaca Jaamaca Junle waxaa lagu xukumay 200 oo jeedel ah,10 Sanno oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan "$4620 Dollar

2:-Yaasir Maahir Xaashi waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah, 8 Sanno oo xadhig iyo Ganaax lacageed oo dhan "$3520 Dollar.

3:-Ayaanle Wale Waxaa lagu xukumay 100 jedal ah, 7 Sanno oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo dhan $2560 Dollar

4 :- Yaxye Awkax,Waxaa lagu xukumay 100 jedel ah, 6 Sanno oo xadhig iyo Ganaax lacageed oo dhan $1760 Dollar.

5:-C/risaaq Xoosh Jabriil,100 jedel ah,5 sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $1760 Dollar.

Sidoo kale,taliyaha Booliska Puntland Jen. Erag ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaradii la xukmay in ay u soo qaadeen Magaalada Garoowe si ay ugu bilaabtoi xabsiga lagu xukumay.

No comments:

Post a Comment