SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waar Ninkoow Shaaha ii Shub Walaal !!

Waa duni sirgacane ilayn yaab iyo wareer kama dhammaade. Hadmaa dadnimadii laga tegey?. Hadmaa dhalintii soo kacaysay raad koodii dub u raaceen? Hadmaa kii aqoon-yahanka ahaa iyo kii jaahilka ahaa laba kala garan wayay? Hadmaa naxariistii lagu badashay ku dheel-dheel? Dhibbadanaa dhoohanata dhalintaydu! Dhibanaa Dadayga dhimirka ahi!!
Qofkii xaakin keenu waalay
Xiskiisii uu qaaday
Xaraabe hadaynu ka baadhno
Aakhiro Waa inoo xisaabee
inaynu xaq-dhawrno weeye!!!

Amintu waa abaaro 5:00 galabnimo,ee gelinkii danbee Laamin (istiin). Waxaan soo fadhiistay makhayad laga shaaheeyo,oo ku taala magaalada Burco. Waa goob leh barxad weyn oo dhalinta, waayeelka, Cuqaasha cid walababa galabtii ku casariyayso. Waxaan so fadhiistay aniga oo Shaaha u khamradoonaya. Hal cabaara hadaan fadhiyay oo fijaankii shaaha ahaa aan dhaadhankiisa dibnaha la raac-raacayo, ayaa waxaa dhagtayda ku soo dhacay dhawaaq, qalbigayga dareen geliyay. Waar ninkaw shaaha ii shub walal!.

Hadaan deymooday aniga oo aan si fiican uga bogan qofka dhawaaqay ,ayaa hadana dhagtayda waxaa ku soo dhacay dhawaaq labaad oo isna argagax leh. Kkkk kkkk kkk kkk!! waaba qosol goo-goosa oo ay dhalinyaro,aan tiradooda ku qiyaasay 11 wiil oo si fiican u labisan una eeg dhalinyaro ka soo toosta guryo ladan kaga maadaysanayaan.wiil Dhimirka wax ka qaba! oo aan ku qiyaasay inuu hada uun gu’gii 23 madaxa ka jaray.

Anigoo oo ka naxay kana diir dubaaxshay hadlkii wiilka ay baahidu ka muuqatay,dhimirkana wax ka qabay, ayaa hadana waxaan ka cadhooday oo qalbigayga sidii holac iyo hanfiga u leefay! dheel-dheelka ay dhalinyaradu ku samaynayso, wiilkan dhigooda ah ee Alle uu xiskii ka qaaday!. Intaan is hayn kari wayay ayaan ku idhi " anigaa kugu yeedhaya ee sug walal".

Dhalintii haday sidaa iskaga daayaane waxay bilaabeen inay halkaa hadalo kaga soo tuur-tuuran. Iyaga oo ka maadaysanaya, kana badhaya xaraabe iyo waxaan looba fadhiyinba."waxaan inabadan qalbiga hoose iska waydiinayay intii aan meesha fadhiyay oo aan ku mashquulay maxaa sidan u gartay dhalinyaradii" " Miyaanay garanayn in qofkani uu yahay iyaga oo kale, oo uu Alle xiskiisii ka qaaday".

Wiilkii inta uu Fijankii ka qacsiiyay ayuu ka bul yidhi, balse wuxuu ku sii gunuunacay oo dhagtayda ku soo duushay markuu ag-maraayay dhalintii ku qoslaysay, waar naga taga idinkaba nasii waalayee waxba hana siininee! Waa hadal runa waana wacyiga maanta ka jira dhamaan geyiga soomaaliyeed. Waxaaad arkaysaa dad Illahay xiskoodii u illaaliyay oo halkay dadka jilicsan ,ee dhimarka wax ka qaba ugu gargaari laahaayeen, iyagii sii dhibaaya!.

Meel laga xanuusado oo qofka binu aadamka ah uu waayo waxaa ugu xun waa dhimirka. Hadii qofku waxa san,waxa xun,waxa dhibaaya, iyo waxa u wanaagsan kala saari waayo dhibaato ka xumi ma jirto. Balse waxaad ogataa akhriste inaanu jirin xanuun aan laga Bugsan hadii la helo daryeelkiisa!. Waxaad kale oo aad ogataa qofka dhimirka ah inuusan xanuunkan dhaxal u yeelan balse adiga F lagugu imtaxaamaayo!

· W/Q/:-Mustafe Ahmed Derie

· Burao University

· Faculty of veterinary

· Email: onkod1990@gmail.com

No comments:

Post a Comment