SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Riyadii reerka dumisay !!

Riyadu waa shay dabeeci ah oo Ilahay umadiisa ku galadaystay,waxanay ukala baxdaa sida uu Subanaheenii Nabi Muxamad inoo sheegay sadax waxyalood oo kala ah,Riyo ka timaada dhanka Rabbi,mid ka timaada nafsada iyo waxa ay jeceshahay iyo tan u danbaysa oo ka timaada shaydaan.

Sida uu dardaaranka inagu siiyay suubanahu, waxa la inagala dardaarmay in aynaan sheegen Riyada teeda xun,isla markana ay nu sheegno Riyada teeda fiican ee farxadu ku dheehan tahay,iyada oo loo sheegaayo dadka qofka aad isleedahay waad ugu jeceshahay.

Waxaa jiray nin iyo xaaskiisa oo wax dhibaato ah oo u dhaxeeyaa aanay jirin,waxa ay guriga ku wada joogeen bash-bash iyo barwaaqo,waxaana u dheeraa farxad iyo jacayl ay isu qabeen,wax xumaal layidhaahdana habeena kuma seexan.

Habeen habeenada ka mida ayaa ninkii waxa uu arkay xaaskiisii oo sareerta la jiifta oo Ilmadu ka qubanayso kadibna inta uu toosiyay ayaa waxa uu ku yidhi xabiibti maxaa ku helay ee kugu dhacay.

Gabadhii iyada oo ilmadu ka da'ayso ayaa waxa ay nikeedii ku tidhi waxa aan ku riyooday,anoga oo inta uu u guursaday nin qurux badan Lacagna haysta kadibna aan kaa tagay oo aan isaga kaa raacay.

Markii ay intaasi tidhi,ayaa ninkii isaga oo iska dhaadhiciyay in oohintan iyo Ilmadani ay tahay jacaylka ay u qabto iyo nacaybka ay diidayso xataa in ay ninkale ku riyooto ayaa waxa uu ku yidhi.

Waan ka xumahay in ay riyadani iyo waxa aad aragtay ay ku cadho galiyeen,balse ha murugoon waxani waa riyo maaha wax run ah,aniga iyo adiguna waligeen kala tagimayno ,wadmooyane nolol ku kala maqnaan mayno habeena ; Kadibna waxa ay ugu jawaabtay,waxa aan la ooyayaaba waa in ay riyo noqotay,taaso ay uga jeedo maxay ayay run u noqon wayday,halkaasi ayaa reerkii ku dumay.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment