SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Cadhada badan ee Jamaal Cali Xuseen uu siyasada ka qaaday ,Sawiradiisay ka muqataa.

Qofwaliba wixii dhibay dhafoorkay ku taala,sawirka qofku waxa uu ku tusinayaa dhawacyada qalbiga kasoo gaadhay iyo cadhada iyo ciilka calooshiisa ka buuxa,waana mida aynu maanta ku aragnay sawirada ku jira barta Googalka ee uu Jamaal leeyahay.

Siyaasadu maahan wax sahlan, mana aha wax si dhayal ah lagu gali karo, siyasadu waa shaqo hawl badan una bahan in wakhtibadan iyo dhaqaale badan la galiyo,taas oo aanad waliba hubin midhaha kaaga suu gu'idoona waxa ay noqon doonan.

Ninka siyasiga ahi waxa uu la mid yahay ,fanaanka ka heesaaya masraxa oo kale ,kaasi oo dad waynaha kasugaaya in ay u sacibiyaan ama aanay u sacabinin,arinmtaasina waa mid dadwaynaha ku xidhan.

Siyaasiga dhalinyarada ah ee Jamaal Cali Xuseen,oo dhawaan si degdeg ah usoo galay siyasada Somaliland,ayaa waxa uu kala kulmay dharbaaxooyin aan xanuun kululayn,kadib markii uu isada dabqaaday Xisbiyada kala ah Udub,Ucid iyo xisbiga Kulmiye oo uu hada si toos ah ugu biiray.

Hadii aad dib u fiirsato Sawirada iyo muuqalada Jamal Cali Xuseen ee ku jira Googalka,waxa aad markiiba ka dheehanaysaa,xanuunka aadka u faraha badan ee ay siyaasadu soo marisay,waxana kuu muuqanaaya 80% sawirada Jamal Cali ay yihiin kuwo ay ka muuqato cadhadii ay soo mariyeen Siyaasiyiinta uu saxiibka dhaw la noqday.

Sawirada Jamaal midkasta oo ka mida waxa aad ka dheehanaysaa hadii aad dib u milicsato in uu siyaasada cadho aad u badan uu kasoo qaaday,meelkasta oo uu ka hadlayayna uu kaga hadlayay cadhadii iyo ciilkii ay badeen siyasiyiintu.
 
 


W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment