SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Geelu waa noole caynkee ah ?

Geelu waa xayawaan cajiib ah. Waxa alle uu siiyay qaro iyo jimidh awood u siiyay in uu ku noolaado dhulka lama degaanka ah ee heerkulkiisu aadka u sarreyso. Waxa uu leeyahay laxaad iyo dherer aan noolayaasha kale la wadaagin. Waa noole u adkaysta kulaylka, dhaxanta, harraadka, cunto yarida iyo dhibaatooyinka kale ee soo gaadhaya.

Waxa uu geli karaa socdaal iyo safarro dhaadheer. Waxa loo yaqaannaa ( Doonta lama degaanka). Waxa uu leeyahay maqaar adag, jidhif ku dahaadhan lugihiisa, ruuggagiisa iyo meelaha kale ee uu dhulka dhigayo. Waa noole manaafacaad badan oo alle uumiyaha u sakhiray.

Waxa uu geelu aadamaha wax badan ka taray xilliyadii aanay jirin gaadiidka iyo diyaaraduhu isaga oo ahaa gaadiidka keli ah ee lagu safro waddamada Bariga Dhexe iyo in badan oo ka mid ah qaarada Afrika. Geelu waxa uu dhashaa isaga oo bilaa kurus ah kadib ayuu yeeshaa kuruska dhamayska ah.

IMISA NOOC AYUU KA KOOBAN YAHAY?

Noocyada geelu waa ay badan yihiin. Waxana ay ku kala noolyihiin dhulal iyo cimilooyin kala duwan. Waxyaala ugu waawayn ee muuqaal ahaan ay ku kala duwan yihiin noocyada geelu waxa ka mida:

§ Dhererka

§ Kuruska

§ Waxtarka iyo adkaysiga

Waxa aynu guud ahaan u qaybin karnaa eela saddex nooc:

1) Nooca loo yaqaanno (Dromedory camels). Waa magac ka soo jeeda Giriig. Waa geel dhaadheer. Waxa uu leeyahay hal kurus. Waa nooca ay eelaa ay dhaqato. Noocani waa eela loogu dhaqashada badan yahay, gaar ahaan eela Eeshiya iyo Afrika.

2) Nooca loo yaqaan (Bactrian camels). Waa magac ka soo jeeda qaarada Eeshiya. Waa geel ka gaagaaban nooca hore. Waxa uu leeyahay laba kurus. Waxa sidoo kale uu leeyahay dhogor badan.

3) Nooca saddexaad waa geel aad uga duwan labada nooc ee kale, waase isku bah. Waxa uu geela kale la wadaagaa afka, cagaha iyo qaabka uu u fadhiisto. Waxa uu ku noolyahay Koonfurta Ameerika. Waxa uu u kala baxaa afar nooc:

§ Liama iyo Alpaca camels (Laama iyo Albaaka): labadan nooc waa la dhaqdaa.

§ Vicuna iyo Guanaco camels (Fikuuna iyo Guwaanako): labadan nooc waa duurgal (duurjoog) oo cidi ma dhaqato. Afartan dambe waxa loo yaqaan Geela dunida cusub "New world Camel". Afartan dambe ma laha wax kurus ah.

Iyadoo laga duulayo isu-ekaanshaha tirade lafta dhabarka, daamamka, caloolaha iyo samayska lafta madaxa ayaa culimada saynisku waxa ay rumeysanyihiin ingeela maanta ku nool dunida oo afka laatiinka lagu yidhaahdo (Camelus) inuu isir wadaag la yahay (Lama). Intaas kadib waxa geelu u sii qaybsamaa mid laba kurus leh iyo mid hal kurus leh.
Dr Bulaale.

No comments:

Post a Comment