SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sheekh Xasan Daahir Aways iyo Sheekh Atam Qabiilkoda u hiiliyay .

Qabiilku waa shay ay ku qadhaabtaan dadka magaca iyo muuqa leh,qabiilku waa magac ay ku shaqaystaan sharaftoodana ay ku ilaashadaan dadka madaxda ah sida maalqabeenada,culimada iyo dhamaan hogaamiyayaasha Bulshada.

Qabiiku dadka dhalinyarada ah iyo bulshada badankeeda waxba looguma qabto,waana midaa maanta sababtay in dhamaan dhalinyarada la isaga horkeeno qabiil iyo qolo qolo taasina waxaa keenay markii ay iyagu waxba fahmiwayeen.

Hadii aad tahay nin madaxa tolkii iyo reerkiisuna ay jecel yihiin,waxa aad doonta hadaad samayso shar iyo khayrba ku talagal in markasta qabiilkaaga kuu hiilinaya ,taasina waxaa keenaya waa aqoondarada ku dhacday dhalinyarada badankooda.

Hadii aan tusaale yar oo kooban aan kaso qaato qaabka aadka u layaabka leh ee uu qabiilku uga shaqeeyo magalada Muqdisho ,waa mid ku yaab galinaysa,in badan ayaa waxa aad maqasheen in dil toogasho ah lagu xukumay dhalinyaro aad uu cimrigoodu u yar yahay,kuwaasi oo intooda badan lagu eedeeyo in ay ka mid ahayeen xarakada Al-Shabaab.

Dhalin yaradaasi oo danbiyada loo haysto ha galaan ama yaysan galin anigu taas u doodi maayo ,balse dhalinta Somalidu meelkasta oo ay joogto waa looma ooyaan,maaha in aan u doodaayo ama aan u hiilinaayo iyaga balse waxa aan leeyahay sharcigu isku si haw wada qabto iyaga iyo madaxdooda.

Badhtamahii sanadkii 2013 ayaa waxa Sheekh Xasan Daahir Aways oo kasoo firxada xarakadii Shabaab ee uu ka mid ahaa,kaasi oo sida aad maqasheen isusoo dhiibay horaantiiba Tolkii iyo gobalkii uu ka dhashay ee Gal-mudug gaar ahaan magalada Cadaado.

Xasan Daahir Aways waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida aan gabashada lahayn u taageeray Ururka Al-shabaab,waxaanu ka mid ahaa horjogayaashii iyo asasayaashii waawaynee ee Somaliya u qaabil sanaa arimahaasi Jihaadiga ah.

Hadaba su'aasha ay dad badan iswaydiinayaan ayaa waxa ay tahay,madama Xasan Daahir uu ahaa Madaxii iyo horjoogahii dhalinta Somaliyeed u horseeday in ay ka mid noqdaan Al-shabaab,maxay ayaa markii uu tolkii isusoo dhiibay Rooga cagaaran loogu dhigay.

Waa maxayse sababta u dhaxaysa isaga iyo dhalinyaradii la marin habaabiyay,kuwaasi oo midkasta oo lasoo qabtaba maxkamada Milatariga inta la saaro caloosha xabadaha lagala dhacaayay ,taasi oo aad maalinkasta ka dawataan shaashadaha TV-yada.

Waxaa sidoo kale badhtamahii sanadkii 2014 isaguna isu dhiibay dawlada Somaliya ninkii madaxda ka ahaa xarakadii ka dagalamaysay deegaanka Galgala ee Puntiland Sheekh Maxamed Sicid Aatam.

Sheekh Atam ayaa waxa inta badan, dadka badankiisu ay hadal hayaan in dhamaan wadanka laga kaxeeyay oo uu ku nool yahay wadanka Qadar taasi oo sidaasi loo yeelay in abnigiisa la ilaaliyo.

Hadaba waxaa dad badani ay la yaaban yihiin ,sababta dadkii hogaankan maanta shabaab ee laga cabanaayo abuuray ama dhisay,hadii marka ay sida ay doonaan yelaan kadibna yidhaahdaan waanu isa soo dhiibnay loo dhigaayo rooga cas,dhalintii iyo caruurtiina xabada loogu dhugtamaayo waa arin dad badan ka yaabi say,waana cadaalad darada ka taagan wadanka.

Xasan Daahir iyo Sheekh Atam waxa la dareen san yahay in midkastaaba uu maanta ku nool yahay nolol raaxo iyo tixgalin leh,midkastabana ay dusha ka ilaashanayaan qabiilkii iyo qoladii uu ka dhashay oo ah tan lagaga baqaqanaayo.

Miyaanay dhalinta curdinka ahi aanay lahayn qabiil lagaga baqdo, dhalintu xataa hadii ay qaldamaan miyaa la waayay cid u dooda oo u caqli celisa,hadiiba qabiilku uu yahay mid u adeegaaya dhawr nin oo madaxyo waawayn,maxay ayay dhalintu ku falysaa may iska dhaafto.

Ujeedkayga qoraalku waxa uu yahay madax iyo minjo sharciga iyo qawaniinta waa in loo wada sinaado,ninkasta oo madaxa ama magacleh oo dadka dulmiya dhibna u gaysta waa in uu sharciga mutaa,maaha sharcigu in uu dad gaar ah oo dhalinyarada u badan in uu qabto.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment