SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Libaax baariya oo la ciyarayay Inanyar, oo uu dilay nin........

Warbaahinta dunidu maaha wax markasta lagu kalsoonaan karo, wararka iyo barnaamijyada laga siidaayana waa kuwo uu baahan in ad la isaga hubsado ,hadii aad markasta aad noqoto mid rumaysta, waxkasta oo uu warbaahinta ka maqlo aakhirka waxa aad ku danbaynaysaa in aad noqoto qof xaqiiqda ka fog.

Wadanka Maraykanka oo ah wadanka dunida ugu wayn,ayaa waxa inta badan ay sameeyaan warbaahintoodu,in ay buunbuuniyaan khaladkasta oo yar oo ka dhaca dadka muslimka ah,balse hadana waxa ay kor u qadaan oo ay gaadhsiiyaan meel aanay lahayn,khaladkasta ay iyagu dunida ka galayaan.

Nin ayaa wadanka maraykanka, waxa uu dilay Libaax Inanyar cuni gaadhay,markaasaa warbaahinta dalka maraykanku waxa ay qoreen,nin maraykan ah ee geesi ah oo badbadiyay Inanyar oo uu libaax cuni gaadhay.

Ninkii ayaa maqlay warkii kadibna waxa uu yidhi,saxaafadu been ayay sheegtay,anigu ma ahi Maraykan,hadana saxaafadii ayaa waxa ay marlabaad qortay ,nin Ajanabi ah oo geesiya ayaa badbaadiyay Inanyar oo libaax cuni gaadhay.

Ninki ayaa mar sadaxaadkii waxa uu yidhi ,saxafadu been ayay qortay ,anigu ma ahi Ajanbi, balse waxa aan ahay Muslim,markaasay hadana qoreen,nin Muslim ah oo argagaxiso ah ayaa waxa uu dilay Libaax "Baarri (rabaayad) ah oo Inanyar la ciyaarayay.

Warbaahintu waa seef lafa afleh,kolba sida ladoono ayaa laguugu dhigayaa,adiga ayay kula jirta hadba sida aad wararkeeda u rumaysanayso,warbaahinta aduunkuna waxa ay u badatay mid dadgaar ah loogu shaqeeyo

W/Q. Khadar Aar

Xigasho.Mustafa Alkaf.

No comments:

Post a Comment