SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dadku waxa ay amanaan Libaaxa waxa ay cayaan Eeyga .


Inta badan waa dabeecad aynu leenahay hadii aynu nahay Adanaha,waxaa dhici karta in aad markasta caydo oo aanad jeclayn shay ama naflay laga yaabo in ay kaaga waxtar badan tahay kan aad amaanayso.


Dadku waxa ay amaanaan markasta bahalka loo yaqaano libaaxa,waxaanay cayaan Eeyga,taasi waxa ay ku tusinaysaa in ay tahay fikir qalad badani uu ka muuqdo,Eeyga iyo Libaxa kee ayaa dadka u wax tar badan.

Waxaa laga yaaba in Eeygu yahay Xayawaanka Ilahay Abuuray kan ugu tarbiyada fiican uguna waxtarka roon,Eeygu waxa uu inoo qabta waxyaabo badan oo aynaan inagu qabsan karayn awoodna aynaan u lahayn.

Dunida maanta Eeygu waxa uu ka marayaa,meel aad u qaali ah,marka laga tago qaabka aan wanaagsanayd ee ay dadka qaar ka midii ay ula dhaqmaan,balse hadana waxaa markasta fiican waxtarkiisa iyo faa'idadiisa.

Eeygu waxa uu ka mid yahay xawaanka kaliya ee xataa dunida la siiyo waxa darajada layidhaado sida kabtan iwm,taasna inta badan waxa uu ku mutaystaan hawsha loo tababaro oo uu si fiican uga soo baaxo.

Marka aynu qof inaga mida amaan usoo jeedinayno waxa aynu ku tilmaanaa in uu libaax yahay balse marka aynu qof inaga mida aynu caayayno waxa aynu ku nidhaahnaa Eey ayaad tahay.labadaa xayawaana hadii aad u fiirsato waxaa intifaac roon Eeyga.

Eeygu waxa uu baadhis iyo dabagal ku sameeyaa meelo aynaan inagu awood u lahayn in aynu baadhno ama aynu ka warkeeno,Eeygu waa xayawaan aqbali kara in uu gurigaaga iyo xoolahaaga kuu ilaliyo.

Libaaxu waa dilaaga aduunka,markasta oo la rabo in laga sheekeeyo Dil iyo cadawnimo waxaa tusaale loo soo qaataa Libaaxa,taasi waxa ay ku tusinaysaa in uu Libaaxu oo agteena ka yahay waxa ad u fiican,balse xaqiiqda marka la eego ma jirto hal shaqo oo uu libaaxu inoo qabto.

Libaaxo waa xayaanka aadka ugu daran dilka shaykasta oo uu doono,waana xayawaan aan lahayn wax rabaayad ah, walaw in badan la isku dayay hadana waa ay adkaatay Libaaxa iyo qayrkiiba in la rabeeyo.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment